Waxaa Nabadgeliyada Wiiqaya Oo Kow Ka Ah Guddida Rugta Gana csiga,...Madxwaynahana Waxaanu Ugu Baaqaynaa Oo Aanu Lee nahay Madaxwayne Goaan Adag Ka Qaado,Suldaan Xasan.

 



Hargeysa (TNN)- Salaadiinta Somaliland ayaa dareen cadho leh ka bixiyay falka lagula kacay Muj. C/qani Guun iyo caruurtiisa, oo ay ciidamada booliska Somaliland saaka xoog kaga saareen gurigii uu deganaa, oo ku yaala degmada 26-ka June ee caasimada Hargaysa, gaar ahaana xaafada Hindiya Laynka.

Gurigan ay ciidamada boolisku sida khasabka ah kaga saareen mujahid C/qani Guun iyo caruurtiisa oo ka mid ah guryaha dawlada ayay muddo labaatan sano ah deganaayeen mujaahid C/qani Guun iyo laba qoys oo kale.

Waxaanay talabadani dhacday ka dib markii dhismaha gurigaasi ay iibsadeen guddida rugta ganacsiga S omaliland oo la sheegay in ay doonaya in ay halkaasi ka dhistaan dhisme u noqda xarun, waxaana la shee gay in labadii qoys ee kale ee gurigaasi la deganaa mujaahid C/qani Guun la siiyay lacag si ay guryo kale u iibsadaan meeshaasina ay uga guuraan,balse in aan C/qani Guun isaga la siinin wax lacag ah, ka dibna uu ka dalbaday guddida rugta ganacsiga in ay isna lacag siiyaan sida qoysaskii kale ee la deganaa gurigaasi, taasina ay sababtay in saaka si xoog ah ay ciidamada boolisku kaga saareen C/qani Guun iyo caruurtiisii isla markaana banaanka u daadiyeen.

Falkaasi ay ciidamada boolsiku kula kaceen qoyska mujaahid C/qani Guun ayaa waxa si xun uga cadhooday isla markaana halkaasi gacantooda kaga dareeriyay shaqaalihii duminayay gurigaasi qaar ka mid ah salaa diinta ugu magaca wayn Somaliland.

Suldaan Xasan Suldaan C/raxmaan, oo ka mid ahaa salaadiintii halkaasi soo gaadhay oo warbaahinta halk aasi kula hadlay ayaa sheegay in falkii lagaga saaray gurigii uu deganaa mujaahid C/qani Guun in ay ka da nbeeyeen guddida rugta ganacsiga, gaar ahaana guddoomiyaha guddidaasi iyo wasiirka diinta iyo awqaf ta.

Gurigan aynu arkayno waxaa saaka ciidamada booliska Somaliland ay ka dareeriyeen oo dibada u tureen Muj. C/qani Guun iyo xaaskiisii iyo caruurtiisii ayaa dibada looga saaray, isaga oo ka mid ahaa mujaahidii ntii dalka u soo halgantay ee xaqa ku lahaa, qadiyadaas oo ay ka danbeeyeen guddida rugta ganacsiga oo uu ugu horeeyo guddoomiyuhu, waxa kale oo goob joog ka ahaa wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland iyo xubno kale oo ganacsato ah oo muhiim ah, ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Waxaa mujaahidkaa isaga iyo caruurtiisa guriga laga soo dar eeriyay loogu amar ku taagleeyay shaadhkii dawlada, taasi oo aanay xukuumada ka istaahilin mujaahidii ntii dalka u soo halgamay, iyaga oo xurmo iyo sharafba inaga mudan, ninkaas oo boqol jeer u soo dhaaw acmay dalkan kuna suntanaa dadkii taariikhda ku lahaa halganka. gurigan wuxuu ku jiray muddo 21-sano ah, gurigu waa guri dawladeed dawladuna xaq bay u leedahay, sharci hore oo xukuumadii hore ay jidaysa y ayaa dhigaya dadka in aan cidlo lagu daadin xaasaska iyo caruuraha ku jira guryaha dawlada ee wax u dhigma waxa ay maanta hayaan taas oo ay wax ku kaban karayaan in la siiyo,ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Suldaanku isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi Halkan saddex guri ayaa ka muuqda, saddexdaa guri la ba guri oo ka mid ah dadkii deganaa si fiican ayaa loo raray, laakiin ninkaa mujaahidka ah waxa ku dhacay wax loola jeedo dulmiga ku dhacay ayaanu aad iyo aad uga xunahay, waxaanu canbaaraynaynaa cida fal kaa ka danbaysay guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo inta xubnaha ka ah, guddida rugta ganacsiga waanu la kulanay noomay xurmayn sidii salaadiin ahaaneed waxaanu ka xunahay in aanu kala kulano hadalo milgo daran oo nabad geliyadana wiiqaya, anaga oo ah salaadiintoodii.

Maanta ayay Haraysa wax ka dhaceen, shalay ayay ka dhaceen masuuliyiin ayaana sababaysa, masuuliyii nta noocaas ah ee sababaya in dhiig biniaadam daato wax xal loo helayo ma aha aad iyo aadna waanu u ga xunahay, waxaanu madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland ugu baaqaynaa in uu si deg deg ah wax u ga qabto ninka guddoomiyaha rugta ganacsiga ah iyo wasiirka diinta iyo awqaafta, ee mansabkii dalka ugu sareeyay ee cadaalada haya, oo aanu maanta kala kulanay arrimo waayeelnimo iyo odaynimo ku jirin, oo aad arkaysaan sida ay bacadk u wadheen dadkii dalkan u soo halgamay.

Waxaanu ugu baaqaynaa shacabka Somaliland iyo dadka kale ee dhaq-dhaqaaqyada wada in ay nabad ge liyada ilaaliyaan, waxaa maanta nabadgeliyada wiiqaya oo kow ka ah guddida rugta ganacsiga, madxwayn ahana waxaanu ugu baaqaynaa oo aanu leenahay madaxwayne goaan adag ka qaado, balo daaman la qa btay leedahay ee dabo la qabto ma laha,ayuu hadalkiisii ku soo gabo-gabeeyay Suldaan Xasan.



Source: Hadhwanaagnews