Waxaa ummadda Somaliland looga digayaa Urur la magac baxay S-NUM oo isaguna ku hawlan falal Argagixiso ah
Ugu horayn waxa hambalyo iyo bogaadin mudan xukuumadda JSL oo muddo bil ka yar ku soo gebegebaysay baadhitaankeedii kuna soo bandhigtay ciddii ka dambaysay weerardii Argagixisada Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay caasimadda JSL, Hargeysa, Isla markiibana si habsami ah halkeedii uga amba qaaday hawshii muhiimka ahayd ee is diiwaan galinta. Intaa ka dib maqaalkan oo ah qormadii ugu dambaysay warbixin 3 qaybood ah oo laga soo saaray kulankii UDUB UK ku qabteen magaalada Cardiff ee Wales dabaayaqadii bishii hore ee November, kuna saabsanaa la dagaalanka Argagixisada iyo dardar galinta hawlaha Xisbiga UDUB iyo Xukuumadda JSL, waxaanu halkan ku soo gudbinaynaa go’aamadii iyo talooyinkii ka soo baxay Kulankaas gaar ahaan intii loogu talo galay Saxaafadda. 1. Waxaa haboon in goobahooda
lagu weeraro ciddii soo abaabushay Argagixisadii 29 October. Waxaa
kale oo ummadda Somaliland u baahan in looga digo Urur la magac
baxay S-NUM oo isaguna ku hawlan falal Argagixiso ah oo uu ka
fuliyey gobalka Sool. Ururka S-NUM waa Urur loo asaasay ama u taagan
la dagaalanka Muwaadiniinta JSL iyo burburinta Qaranka JSL. Ururkani
wuxuu fuliyaa hawl gallo ciidan iyo kuwa siyaasadeed oo dhan ka ah
jiritaanka Somaliland sida ku cad ujeedooyinkiisa aad ka akhrisan
karto Bartiisa Internetka ama Mareegta hoos ku xusan. Sida laga
warqabo wuxuu ururkani ka fuliyey Gobalka Sool hawl gallo bilow ah
iyo qaraxyo ku beegnaa isla todobaadkii ay dhaceen weeraradii
Argagixisada ee Hargeysa. 3. Waa in lagu canbaareeyaa Qaramada Midoobay “U.N” go’aankeedii Argagixisada u hiilinayey ee ay hoos ugu dhigeen heerka nabgalyada ka jirta Somaliland. Talaabaddan haddii ay ku adkaystaan waxay sii xaqiijinaysaa Siyaasaddooda ku salaysan waxqabad la’aanta, cadaalad xumada, cunsuriyeynta, dafiraadda iyo duudsiga xuquuqda dadka Somaliland. 4. Iyaga oo midaysan kana
tarjumaya siyaasadda arrimaha dibadda JSL waa in Jaaliyadaha
Somaliland iyo Ururadooda, Axsaabta siyaasadda iyo Wakiilada ama
Xafiisyada dibadaha ee JSL ay abaabulaan mudaharaadyo iyo ficilo
kale oo ay ku muujinayaan dareenkooda Aqoonsi doonka JSL iyo sida ay
uga xun yihiin dhibaatada iyo dulmiga caalamiga ah ee lagu hayo
dadka Somaliland 6. In Xisbiga UDUB uu dhamaystiro wixii hawlo ka qabyo ah si loogu diyaar garoobo doorashada Madaxweynaha JSL ee March 09. Umaddana loogu soo bandhigo Barnaamijyada UDUB ee CUSUB. Xubnaha xisbiga UDUB waa inay muujiyaan midnimo, iskana ilaaliyaan talaabooyinka ka baxsan xeerka iyo falalka keenaya fadeexaddii xisbiga Kulmiye oo kale. Habka iyo hanaanka loo qabto loona maamulo shirweynaha xisbiga UDUB ayaa muujin doonta masuulnimada iyo bisaylka siyaasadeed ee xubnaha iyo guud ahaan xisbiga UDUB marka loo eego Axsaabta mucaaridka ah. 7. Saxaafadda Madaxa banaan iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay waxaa looga baahan yahay xilkasnimo dheeraad ah gaar ahaan xilliyada iyo xaaladaha aan caadiga ahayn. Dawladda iyo Shacbiga iyo Jaaliyadaha Somaliland waxaa la gudboon inay kawada tashadaan qaabka ugu haboon iyo talaabada u qalanta ee laga qaadi karo maamulka qaybta Afsomaliga ee BBCda si ay Idaacaddu u noqoto mid qancisa dhegaystayaasheeda Somaliland. 8. Waa in hogaamiyaasha iyo masuuliyiinta rayidka ah ee magaca iyo maamuuska ku leh bulshada dhexdeeda sida: Culimada Diinta, Madax dhaqameedyad, Abwaanada, Aqoonyahanada, Macalimiinta iyo Waalidiintuba kordhiyaan isku xidhnaantooda si ubadkeennu u helaan tusaale lagu hirto, Aqoonta hufan iyo Akhlaaqiyaadka hagaagsan ee dhaliya bulsho leh cudud iyo cilmi midaysan oo lagu caabiyo Cadowga. 9. In la sameeyo Cilmi baadhis kala duwan si loo ogaado xqiiqada iyo sababah keenay ama ku kalifaya shakhsiyaad Somaliland u dhashay sida qaar Siyaasiyiin sheeganaya, qaar Wadaado sheeganaya, qaar Baayaca mushtar sheeganaya iyo qaar Professors sheeganayaba iwm inay ka shaqeeyaan dibin daabyada iyo duminta Qarankooda JSL.
|