“Waxan aaminsanahay in maanta mucaaridku yihiin kuwa ugu khajilaada badan, waayo…”Xogahayaha guud"

 

Xoghayaha guud ee xisbil xakimka UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax ayaa axsaabta mucaaradka ah ku sifeeyay kuwo uu xishoodku biyo dhigay oo Garan la' barnaamij ay shacbiga la horyimaadaan maadaama oo ay marar badan ku hanjabeen in ay cudud istimaalayaan haddii aan loo hogaansamin qorshayaasha siyaasadeed ee ay wataan isla markaana ay tiraba dhawr jeer mudeeyeen laba taariikhood oo ay ku andacoodeen inay xukuumada ku amrayaan inay xilka ka degto.

Xoghayaha guud ee UDUB, oo manta ka hadlayay xaflad loo sameeyay ama ay xilka kula kala wareegayeen xoghayihii hore ee xisbiga UDUB ee Gobolka Maroodi Jeex axmed Cabdi Cismaan Ilmas iyo xog haye Cusub oo dhawaan loo magacaabay jagadaasi mr. Axmed Maxamed Faarax, waxa uu sheegay in xisbiga bahweynta UDUB yahay Mid ay ku bahoobeen dhamaan shabciga Somaliland isla markaana uu aamin san yahay inuu noqon doono Xisbiga ku guulaystay Aqoonsi ay Somaliland hesho inta uu xilka hayo.

Haddaba Xoghayaha guud Md. Jaamac Yasiin Faarax oo Madashaasi ka jeediyay khudbad dheer ayaa wuxuu hadalkiis ku bilaabay "Qolooyinkan Mucaaridka ah dhaawac baa gaadhay waxay is yidhaahdeen Belo sheega waa la waayay, waxay is yidhaahdeen been sheega run baa ka daba tagtay oo way soo jabisay, markaa qalbigana way ka yara dhaawacan yihiin, siyaasadiina way ka yara murugtay oo dhiiqo ayay ka yara gashay. Markaa inay yar taahaan waar yaan loo diidin.

Waxaan maanta u malaynayaa Mucaaridku inay yihiin kuwa ugu khajilaada badan labadii taariikhood ee xandaadiga ahaa ee ay inoo qabteen, laakiin taariikh dhab ah ayaa inagu soo dhow oo ah ah 18-ka May oo ah maalintii la soo noqoshada madax-banaanida Somaliland, oo aan shacbiga Somaliland aan leeyahay gudo iyo dibadba u diyaar garooba ciidaasi.
Taariikho badan ayay nimankan mucaaridka ahi inoo soo qab-qabteen 6-dii April way inoo sheegeen oo waxay yidhaahdeen wax baa dhacaya oo cirka ayaa soo dumaya, cir soo dumayna ma jiro,haddana 5-ta May ayay inoo qabteen, oo ay yidhaahdeen markii hore wuu hakadaye'e imika ayuu inagu habsanayaa,waxaan u malaynayaa taasina way beenowday, taariiikho la iska samaysto oo been ahi'e meel cidna ma gaadhsiiyaan,"ayuu ku soo gabogabeeyay Xoghayuhu hadalkiisa.



Qarannews