“Waxaan Leeyahay
Xisbiga KULMIYE Bannaan-baxa Iska Daaya.....Xisbigana Dheeha Ha Ka
Ridina”Gudd.Kuxigeenkii Hore Komiishanka
Cabdilaahi Jawaan
“Anigoo hadda mudo sanad iyo bilo
ah wadanka ka maqnaa, intaana aan ka haddal arrimaha siyaasada, ayaa
arrimahan maanta taagani igu kalifeen inaan ka hadlo oo wixii talo
ah ee aan u arkayo inay wax ka tarayaan aan u soo gudbiyo qaybaha ay
khuseyso. Sida dadweynaha, xukuumadda, xisbiyada siyaasada iyo
Komishanka doorashada” Sidaas waxa haddal talo ah oo uu xaalada
maanta taagan ka geysanayo ku furay siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Xaaji
Cumar (Cabdilaahi Jawaan) oo xalay isaga oo jooga magaalada London
khadka telefoonka kulla soo xidhiidhay wargeyska Ogaal.
Cabdilaahi Jawaan oo hore xillal kala duwan uga soo qabtay
Somaliland, markii ugu danbeysayna ahaa Gudoomiye ku xigeenkii
Komishankii hore ee doorashada, Talada uu dhinacyadaa u soo jeediyey
waxay u dhacday sidan:
Dadweynaha
“Somaliland sumcad ayay ka muteysatay Caalamka, nabadgelyadaa la
inagu majeeran jiray oo aynu ku meel maray, oo aynu inagu samaysanay
oo aan cidina inaga caawin. Waxa la inagu amaani jirey inaynu nahay
dad isu dul-qaata, khilaafkoodana ku dhameeya wadda hadal.
Saddex hab oo la odhan jirey iskuma geli karaan ayay Somaliland
hir-gelisay, dhaqangelisay oo kol illaa UN-ka mar lagaga dooday oo
la yidhi, Afrika iyo dalalkan dunida sadexaad ee dhibaatooyinku ka
taagan yihiin tusaale ma uga dhignaa, kuwaasi waxa weeye,
shareecadda Islaamka oo Diinteenii ah, dhaqanka ummadeena ee ah isu
dheeli-tirka qabaa’ilka iyo nidaamka dimuquraadiga ah ee
doorashooyinka xorta ah, illaa heerkaas ayaynu gaadhnay. Markaa,
amaan ayaan u soo jeedinayaa shacbi-weynaha Somaliland, waxaanan
leeyahay nabada ilaashada. Nin dan leh oo siyaasi ah oo kursi
doonaya iyo mid ku fadhiya oo isku adkeynaya iyo inta kala raacsan
ee arrinka si xun u wadda midna ha ka yeelina. kursiga waa la doonaa,
ka joogaana inuu joogo haddii loo doorto xaq ayuu u leeyahay,
laakiin in lagu xad-gudbo labada dhinac midna, ummada dan uma aha
kumana haboona. Cidda, cid walba ka saraysa ee dawladu marti u tahay
ee xisbiyada mucaaradku martida u yihiin waa dadweynaha. dadweynuhu
waa halka ugu sareysa, markaa dadka Somaliland waa inay fahmaan inay
awooda ugu saraysa dalku shicibka tahay. Awoodaasi maaha ta qoriga
la qaadanayo ee waxa weeye ta caqliga ee ah in codkaagu qiimo
leeyahay ee maalinta doorasho ay timaado aad dhiibaneyso. Markaa,
xisbiyada iyo cid waliba waa inay dhawrto oo tixgeliso awoodda
dadweynaha.”
Xukuumadda
“Xukuumadu waa in ay dhawrtaa xuquuqda qofka muwaadinka ah iyo
qawaaniinta umadu ku heshiisay ee dalka. Waa inay isu arkaan,
Madaxweyne hadduu yahay illaa Askari inay yihiin amaano haye,
amaanadaana beri nin waliba uu ka tagayo si kasta ha kaga tagee,
dabadeedna uu dib ugu soo noqonayo dadkii uu ka dhex baxay markii
hore. Markaa, nin waji xun la soo noqday iyo nin weji wanaagsan la
soo noqday way kala duwan yihiin. markaa waxaan leeyahay adigoo aan
nin-na u danaynayn, Madaxweyne ahow, Askari ahow ama Agaasime ahow
oo, waar nin-nowna godob umadeed ha galin.
Ciidamada qalabka –sida, waa inay ogaadaan inay u dhexeeyaan ka
maanta hogaanka haya iyo kuwa la tartamaya intaba. Midda kale, nin
Suldaan ah oo hadlay oo la xidhay baan maqlayay. Ninku markuu hadlo,
dee erayga uu yidhaahdo waa u xor oo in lagu xidho maaha, waayo
Xorriyatul-qawl baa jira. Markaa, waxaan leeyahay Suldaanka iyo nin
Weriye ah oo Ceerigaabo lagu xidhayba hala sii daayo.
Midda kale, waxaan eray odhanayaa niman Xukuumadda ku jira oo
difaacaya Xisbiga UDUB iyo Xukuumadda. Madaxweynuhu wuxuu leeyahay
Afhayeen oo ah Siciid Cadaani Mooge, sidaa darteed arrimahaa Siciid
Cadaani haka hadlo, laakiin Wasiirka Hawlaha Guud inuu ka hadlo,
Wasiirka Duulista Hawadu inuu ka hadlo, Wasiirka Maaliyaddu inuu ka
hadlo maaha. Sidaan u arko Wasiiradaas aan sheegay oo ah; Wasiirka
Hawlaha Guud Siciid Sulub, Duulista Hawada Cali Waran-cadde oo ah
Wasiirka Wasiirada weligiiba ugu firfircoonaa iyo Wasiirka
Maaliyadda Cawil, intuba shaqadooda way ku wanaagsan yihiin oo
saddexduba waajibkii Wasaaraddahooda way guteen, oo Cawil-na nin Hal
Gabno ah wixii yaraa ee ay dhiiqasay dalka gaadhsiiyay oo maalin
qudha, Mushaharku aanu go’in weeye oo kuma dhaliilayo taas, laakiin
hawlaha siyaasadda yaanay u muuqanin in la isu muuqdo oo dad gaar
ahi is doon-doonanayaan. Sidaa Suldaanka la xidhay ee Sul. Saleebaan
sheegay yaanay u muuqanin. Marka laga hadlayo Banaan-bax iyo
Nabadgelyo, Wasiirka Hawlaha Guud waxa kaga haboon oo shaqadaa leh
Wasiirka Arrimaha Gudaha, hadduu maqan yahayna Wasiir Ku-xigeenkiisa
ama Wasiiru-dawlihiisa, hadday maqan yihiin-na Taliyaha Booliska
.Saddexdaa Wasiir ee Seediyaday ahina marka dawladda loo hadlayo si
gaar ah mar walba hadday u muuqdaan, arrintu waxay yeelanaysaa weji
kale. Markaa, waxaan leeyahay taas halaga daayo.
Xisbiyada Mucaaradka ah
Xisbi mucaarad ahi waxa uu tar-tan ugu jiraa dawlad, waa dawlad
doon, inuu maamulka qabto ayuu doonayaa, markaad sidaa dooneysana
ninka fadhiya wax ka wanaagsan umada waa inaad tustaa. Waa inaad
tidhaa, halkaas ayuu ka gaabiyey, anaga ayaa taas kaga roon, waxaas
iyo waxaa ayaanu kaga wanaagsanahay. Banaan-baxu waa xor oo la
samayn karaa aduunka, laakiin marka lagu xisaabtamo dadkeena, inagu
qaangaadh xaga siyaasada kama nihin, markaa waxaan anigu qabaa
inaynaan qaadi karrin banaanbax dadweyne, sida ka imika Thailand ka
dhacaya oo kale, kii Yugrayn ka dhacay oo kale iyo kii dalal badan
oo kale ooYurub ahba ka dhacay. inagu sidaa waxba kuma lihin ee
waxaynu wax ku leenahay is xaq-dhawr, isu tanaasul iyo xisaabtan.
Wixii intaa ka badan ee xaqdhawr ku iman waaya ee isu imaatin ku
iman waaya, waa in lagu kala baxaan wixii aynu ku heshiinay ee aynu
dhiganay oo ah dastuurka dalka iyo xeerarka ka farcamay iyo
dhaqankeena. Markaa, ninka mucaaradka ah iyo ka muxaafidka ahiba waa
inay xasuustaan inay ummada marti u yihiin, waa inuu dhiniciisa
wanaagsan ee maslaxada ah tusaa. Waayo, Nin Gob ahaa ayaa waa hore
Inan (Gabadh) qurux badan dhalay. Ninku wuxuu ahaa, reeraha aadka
looga haybadaysto ee qiimaha weyn ku leh Somaliland iyo
Soomaaliyaba. Gabadh wanaagsan ayaa u kacday. Niman badan oo guur
doon ahaa ayaa mid waliba doonay inuu guursado, dabadeedna shan qolo
oo kala duwan oo mid waliba magac qabiil ku socdo ayaa inantii u soo
geed fadhiistay.
Shan geed ayuu u waabey, qolo kastana wuu soor yeeyey, nin waliba
ninkaa ma dhaafaanka ah inantiisa ayuu doonayaa. Markaa, ninkii
wuxuu is weydiiyey shantoodan maxaad ku kala saari kartaa, ilayn
haddaad mid siiso kan kale ayaa godob kuu qaadaya’e. sidaa darteed,
ninkii doonistii wuxuu ku xidhay inantiisii, waxaanu yidhi,
inantaydu ikhtiyaarkeeda Ninkay doorato ayuun baa ugu ducaynayaa.
Markaa, Inantii waxay dooratay dookheedii oo waxay tidhi Maxamed
Lo’doon halay guuriyo. Markaa, waxaan taa uga socdaa, Inantaas ayaa
sidaa dookheedii loo siiyaye, umad dhan oo karaamo leh oo sharaf leh
in maanta aayahoodii uu mad-madow galo oo ay diddaan oo is
yidhaahdaan tolow gurigii yaraa ee aad yab-yabtay ma kaa dumi doonaa
oo argagax galo, runtii meesha wax qabta maaha. Waxaan leeyahay,
waar arinta dalka salka dhulka u dhiga, fadhiisiya, buuqa
taag-taagan ka daaya.
Anigu hadalka ag fadhiisan maayo oo waxa la yidhi, walaalkaa u hiili
gar iyo gar-daraba. Waxa la yidhi garta ugu hiiliyoo is-bar-bar taag
markuu xaq leeyahay, gar-daradana ugu hiiliyoo ka qabo. Anigu
xisbiga KULMIYE ayaan ku biiray markii aan Komishanka iska casilay.
Markaa, waxaan leeyahay, xisbiga KULMIYE siyaasiyiinta hogaaminaysa
banaan-baxa iska daaya, waayo, waxa laga yaabaa inuu xisbiga dhaliil
u keeno. markaa, xisbiga dheeha haka ridina, illayn, weelka haddii
uu dheehu ka daato qiimo ma yeesho’e. taas waxaan uga jeedaa, haddii
loo arko oo dadka lagu yidhaahdo xisbigani wuu muran badan yahay oo
had iyo goor qaylo, fara-taag taag, rabshad iyo dagaal ayuu waddaa
uma fiicna, markaa yaan loo arkin xisbiga sidaas. Waxaan maqlayay oo
isoo gaadhay, Guurtidu laba mooshin ayay food u qaaday, mid waxa uu
ahaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka 6-da april maalinta ay
gaadho yay joogine meesha haka tageen, dabadeed-na Baarlamaanka hala
horgeeyo oo cid sii haysa ha soo magacaabaan. ta kalana waxay ahayd,
lix bilood ha loo kordhiyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka,
dabadeedna, Guurtidu cod bay u qaaday oo 35 way diideen, 42
xubnoodna way ogolaadeen in Madaxweynaha muddada loo kordhiyo.
Markaa, waxaan taas uga socdaa, Xisbiga KULMIYE ama cid
taageersanayd hadday ogolaatay, in marka horeba Guurtidu cod u qaado
arrintaas oo codkii laga helay, waxaan leeyahay gar-dabadeed
gocashaan nacaye, gobanimadu waxay ku jirtaa inaad qaadataan ee
qaata. Wixii kale, doorashadii baa meesha taala, doorashadana waxaan
leeyahay KULMIYOW inaad duddo maahee, in laguu soo dudo weeye.
Xisbigii loo soo dudi lahaa baad tahay, dee markaa Layli ha noqonina
oo ha buubina’e, jidkii aynu ku soconay xisbiga halagu toosiyo.
Anigu waxaan leeyahay umadda waa in aynu dhanka wanaagsan tusno,
laakiin in la yidhaahdo hebel baa sidaas ah, anna sidan baan ahay
ama weji kale oo hanjabaad loo arko aynu tusno, Anigu waxaan u arkaa
in aanay Xisbiga dan u ahayn.
Komishanku waxay doorashada u muddeeyeen 27 September,
Madaxweynuhuna wuxuu ku soo saaray Digreeto, waxa ka horeeyay
Diiwaangelin la lahaa Server (Mishiinka kala shaandhaynta) baa
shaqayn waayay, imikana markaan wax badan waraystay, Anigu ma qabo
bahalkaa la sugayo (Server-ka) in natiijo xalaal ah oo hagaagsani ka
soo baxayso. Hase yeeshee, bisha May hadduu intaa dhexdeeda
dhameeyo, dee ahlan-wasahlan oo wanaagsan, haddii kale waxaan soo
jeedinayaa yuu ina carqaladayne haloo badheedho khasaare oo hala
kansal-gareeyo, doorasho dambe oo dib loo dhigaana yay jirin.
KULMIYE-na waxaan leeyahay, Anigu ma aaminsani waqtigaa (27
September 2009) xilli ka horeeya inay doorasho ku dhici karto, waayo
Server-ku diyaar maaha oo waan ogahay, Xeebuhu waa Kulayl, markaa
taas tixgelinteeda hala siiyo oo doorashada hala sameeyo. Laakiin,
shardi waa inay ahaataa saddexda Xisbi, Komishanka iyo Xukuumadda oo
Madaxweynaha ama M/weyne Ku-xigeenku ku jiraa inay isla saxeexaan,
si aanay waxan imika lagu murmayaa u soo noqon-na, la yidhaahdaa
maalintaa doorashadu waa inay dhacdaa, haddii ay dhici waydana
waxaas iyo waxaas baa lagu heshiiyay ee cidaasi xilka ha sii qabato
oo muddo-kordhin dambe meesha halaga saaro.”
Wargeyska Ogaal
|