waxaan
canbaareynayaa xadhiga lala damacsan yahay
weriye nimco muxumed ibraahin
Ugu horayn waxaan halkan ka
salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxaban aan ee reer
somaliland iyo weliba weriyaasha sida hufan wararka noosoo gaa
dhsiiya hadaanu nahay bulshada somaliland gudo iyo dibadba una
heelan hab een iyo dharaar inay shacabkooda ka haqab tiraan
wararka dalkoodii ka jira iyo xaalkiisu halka uu maraayo, waxaana
aan leeyahay waadku mahadsantiin sida fiican aad dalkiina iyo
dadkiina ugu shaqaynaysaa waxaanad tihiin muwaadiniin dhaba maadaama
oo aad waqtigiinii siiseen dalkiina iyo dadkiina
intaas kadib waxaan doonayaa inaan maqaalkaygana kaga hadalo arin
aan aad uga xumaaday oo ah xadhiga uu badhsaabka gebilay kusoo
xalaalaystay inuu xidho weriye nimco muxumed ibraahin oo ka tirsan
weriyaasha dada yar ee ka shaqeeya warbaahinta dalka gaar ahaan
websiteka gabiley.net taasoo sida ay warbaahintu faafisay uu
badhasaabka gebilay doonayo inuu xidho ama uu xabsiga xidho kadib
markii ay samaysay baadhitaano badan oo ku saabsan halka ay ku
danbaysay horumarinti gobolka gebilay taasoo ay waxyaabo badan soo
bandhigtay oo runtii u dhow xaqiiqo aniga oo arintaas ka hadalayana
waxaan badhasaabka odhan lahaa ha noqon sida badhasaabka gobolka
togdheer ee jaamac biin oo markii uu shaqadiisii gudan kariwaayey
bilaabay inuu xidhxidho sidii askartii nabad sugida ee siyaad bare
weriyaashii gobolka isagoo aan wax denbiya u ahayn.
waxaan kaloo odhanayaa
badhasaabka waxad tahay nin aqoonleh ahna qurba joog arkayna aduunka
iyo meelaha ay dimuqraadiyadu ka jirto sida arkayna sida ay
saxaafada caalamku wax u qorto waxaad kaloo tahay nin jooga dal
curdina oo qaatay nidaamka xisbiyada iyo dimuqraadiyada hadaba
adigoo intaas oo dhan arkay aana filaayo inaad waayo aragnimo badana
aad u leedahay arimah an soo sheegay oo dhan waxaan ku odhan
lahaa ma fiicna inaad weriyaashaada xidhxidho oo aad ula dhaqanto
shacabka aad metelayso si aan u fiicnayn sharaf taada iyo
karaamadaada iyo weliba sharafta shacabka iyo dawlada iyo gobolka
aad metelayso sidaas daraadeedna waxaan kugula dardaarmi lahaa inaad
arint aas ka noqoto waayo weriyaasha aad xidhxidhaysaa waa
weriyashii qaybta we yn ka qaatay ee habeen iyo maalinba
shacabka aduunka dacaladiisa kala jooga gaadhsiinayey inuu gobolku u
baahanyahay qaadhaan iyo hawlaha qaadhaanku halka ay marayso waxaan
kaloo ku odhanayaa adeero waxaad haysataa waxaanay haysan shacab
degan degmooyiinkii kula midka ahaa ee hayskaga ciyaarin
karaamadaada iyo sharafta gobolka
sidoo kale waxaa wax aad looga cadhoodo ah gabadh waaran loo soo
jaratay oo dhaqanka somalida ama dhaqankeena ku ah mid aad u
qalafsan sidaas daraadeed waxaan ku odhan lahaa arinkaas ka joogso
waayo gabadha reer baa dhalay adigana waxaa kula dhashay gabdho
sharaftoodana meel haga dhicin
sidoo kale adigoo metelaya dawlada ama xukuumada sitana shaadhkeeda
waxa aad fulisaa ama khaladka aad gashaa waa mid taariikhda kuu
gelaysa inantuna ma gelin dembi ee waxay qortay faalo waana
fiicantahay in loo iftiimiyo hadii ay jirto meesha ay marayso
hantidii gobolka loo ururiyey iyo waxa ay ku baxday taasina maaha
ceeb
sidoo kale waxaad tahay badhasaabka ama gudoomiyaha gobol curdin ah
oo u baahan horumar xag walba ayna ku banaanyihiin meelo badan oo u
baahan in wax laga qabto waxaa kula gudboon inaad umada adigu aad
soo jiidato ee maaha inaad iska sii jeediso waayo meesha keliya ee
kula taageeri kartaa horumarka gobolka waa warbaahinta
sidoo kale waxay ka mid tahay warbaahintu waxa keliya ee laga
dheehan karo xumaanta samaanta aad gudoomiye ahaan aad samayso iyo
tan gobolkaba si daas daraadeed waxaan kugula talin lahaa
warbaahinta inaanad kula dhaqaaqin xadhiga waxaana ku odhan lahaa
waar warbaahinta waa la soo jiitaaye layskama sii jeediy
ugu danbayntii waxaan aad u canbaarayaa anigoo ah xubin ka mid ah
qurba jo oga somaliland jecelna inay somaliland hurumar gaadho
xasiloonan ku waarto xadhiga weriyaasha gaar ahaan waxan aad u sii
canbaaraynayaa weriya nimco muxumed ibraahin xadhiga lala damacsan
yahay in laga fiirsado aana lagu degd egin
alaa mahadleh
qalinkii Isaxaaq A/raxmaan Guuleed cadde
finland
|