M A A N S O

Waxaan hanbalyo aan kala go lahayn u diraya dadwaynaha ku gartay in aa nay kordhinin guurtidu muddo danbe maansadan waxa ay soo baxday 27.9.09 .

Waxay toos ula hadlaysa Madaxweyne  Daahir Riyaale. Waa tusaale , waa tallo,  xumaana uma socota haba yaraate wixi turxaan bixina waa layla soo xidhiidhi kara

waxa tiriyay ......Mowlid Aadan, Qolqol

 

gaangaanbisoo
galdalooladii
gufgufaysayoo
gali waa juqaal

gardarooyinkii
guddi aragtayoo
garta kugu naqdee
geesinimo lahow

gacan togashadii
golihii dhamaa
gaydh ku kicisayoo
iska gaardiyaal
guusha ruux watiyo
goolkaba aqoon
gees uu ka xigo
soo garabsatoo
guulwade sidii
lagu arag gadood

bal inay gaftahay
gacan togashaddaa
gabanada dhashiyo
garboobkaa yaqaan

ninkii guun ah iyo
garaad maale yidhi
waa xaal guracan
guyaal sheeko jiri
iyo geedi raran
iyo gaadmo kale

garashiyo codbaad
gobtaad fadhido
gobanimo tagtee
ku maad iman garnayl

odayaal gartiyo
distoor guuna baa
laga giigayoo
calaf guule qoray
oon laga gudbayn
isna god kale.....

ha ka gudin abaal
nabada ha goyn

gafna waa sidaad
u garoocatee
galadii ilaah
kuu soo gashiyo
guushad hantiday
goosan waydayoo
ganbidoo hadeer

gunta huubadiyo
waa gabaabsigii
meeshaad gaaxda iyo
gacmo hoorsataa..

googoyn gibladda
saylicida goo

ka gudboo intaa
geestaa xidhee
god kalaan u rari

gocashooy xusuus
gudineey afkaa
gacaneey miskiin
gabashooy xumaan
guuleey ha dagan
gacalow wanaag
galbisow ciyaar
gardarooy ninkaa

goofaadhtankiyo
is gaacoodhin iyo
goodiga xilkee
guudkaaga sudhan
hal goosminee
ka gubtood xumaan

gadhka awrkiyo
geediga adaa
gurgurshaa ahoo
meerisyada gadaal
raad ula gudbee
ka gubtoon xumaan

xareed galacleh iyo
gu,gu meel u helay
guryo sammo sirtee.
sahankaa gurac

kuwa kugu gudbane
garta kula naqiyo
googooska tallo
kuu giringirshaa
goobtaa ku dhigay


sida xiidka goddan
haadka goondiyo
gaar uga baxaad
geed aad fuusha iyo
goobna diidantahay

xisbiyada gu hore
waxaad goosateen
haday oo gocdeen

xaajana guracan
gaardiyayso meel
khatar guuna ahiyo
godkii ay mar hore
a afeef gunteen

mayska gaasiroo
guud kala socoo
been gogol dhigbaa

ma garwaaqso oo
wixi kula gudboon
u guntoo dhankaa
gacan saarid iyo
wanaag giijibaa

godlan maayo neef
aar gaaddu ihiyo
u gabaday dugaag

geeraaraddaa
gabayga aan idhi
naxli kuma guntine
timaamaan galshada
uga gogol dhigoo

samir baan godkaa
gurigeeda furay

nacna waa gadaaf
godob reebid iyo
hadal aan gadaal
buuga ii galayn

tuke wuu gartaa
gaadmadii jirtee
ma xuunshay gadood
la gudboonyihiin

hadh gadidaha iyo
waa maalin go.an
cadceeduna gondaha
ku gumaacsatoo
lays gaadi karin

fiiso goon yihiyo
hore iyo gadaal
bohoshiyo godkana
feejigo ku garo

xusuusaha gadmaday
laabtaada gali
habaar qabbe
gobaad hooyada
mar horuu ku galay
aabahaa ku gubay...

giireey hashii
dhuugbaa gannoo
gafanaa ku yaal
gurigeedu waa
gabaaray cuntiyo
halaq gooya boqon

goof iyo bad baa
ku gadaamanoo
giriyaad cidla ah
loola goosanyoo
nirgihiine go.e

gabankii wadiyo
daba goodiyii
guyaal soo jiriyo
laga garay ninkii
gaaroodi bari
uga gogol dhigiyo
kii gaadhka jiray

tallo gurtaybaan
baadi goobisteed
gabalkoo dam yidhi
gudcurkoo habsaday
galabgalabta madhan
gabangaabsadoo

gabayooxa doox
iyo meel gawaan
gadhka jilbaha
isu geeyayoo
guulow mar kale
gacmo kuu fidshee
libta igu gargaar...............

 

Waxii aan qalday waan idinka raali galinaya

 

Mowlid Aden
qolqol3@hotmail .co.uk