Marxuum Sacad Aw Muuse Nadiif

 

Waxaan halkan ka tacsidaynayaa qoyska reer Nadiif, geeridii naxdinta badneyd ee ku timid Sacad Aw Muuse Nadiif oo ku geeriyooday magaalada Arabsiyo ee gobalka  Gab iley, Ilaahayna naxariistii jano ha ka waraabiyo, inagana samir iyo iimaan ha inaga  sii yo.

Sacad Aw Muuse Nadiif wuxuu ahaa gudoomiyihii waxbarashada ee gobalka Gabiley. Sacad Aw Muuse wuxuu ahaa halgamaa u guntaday kana miro dhaliyey in ilmo kasta oo reer Gabiley ahi uu dugsiyada waxbarashada aasaasigaa ka helo duleedkooda. Marxuun Sacad Aw Muuse wuxuu noqday gudoomiyaha waxbarashada Gabiley 1991kii, iyadoo dugsiyadu wada burbursan yihiin, maantana dugsiyadu waxay gaadheen  goob kasta oo gobalka Gabiley.

Sacad Aw muuse Nadiif wuxuu hore u ahaa macalin ka soo shaqeeyey muddo dheer  d ugsiga sare ee Timacade wakhtiyadii dowladii Soomaliya. Sacad Aw Muuse wuxuu ka mid ahaa macalimiintii horseedka ka ahayd aasaaskii dugsiga sare ee Arabsiyo.

Sacad Aw Muuse Nadiif wuxuu ahaa geesi mabda iyo ujeedo leh oo aqoontiisii iyo  xoo giisi u huray horumarinta dadkiisa iyo dhulkiisa. Ilaahay naxariistii jano haka  waraab iyo, inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo, AAMIIN, AAMIIN.
 

 


Mukhtaar Ibraahin Fadan