waxaan kalkan ka salaamayaa dhammaan shacabka somaliland ee ay damqayso dhibaatada somaliland

 

waxaan kaloon salaamayaa taageerayaasha xasbiga wey ee udub ee  a aminsan jiritaanka somaliland iyo sumcadda dalkaba waxaan kaloon  sala amayaa dhammaan taageerayaasha xisbiyada mucaaridka ah ee  somal iland meel kastoy joogaanba  iyo waliba dhammaan warsida yaasha madaxa bannaan ee xorta ah ee dalkeenna kajira salaan kadib waxaan rabaa inaan halka ka iftiimiyo macnaha xisbiyada waalaalayaal xisbigu maaha kitaab q'ur'aana ah oo muqaddas ah  ee waa mabd'a waddani ah oo daljacayl ah oo katurjumaya horumarinta dalka iyo dadka iyo dacad nimo buuxda iyo aaya katalinta mustaqbalka iyo wax qabad muuqda oo lataaban karo xisbigu waa inu lahaadaa talo wadaag iyo furfurraan muuqata xibigu waa in dhexdiisa laga heelaa mucaarid wax diidi kara wa inla isqabtaa oo haddana la heshiiyaa waa inaad r'ayigaaga caddaysaa oo ladoodaa isla markaana la xeeriyaa danta xisbiga oo inta badan laraacaa oo la isku tanaasula waa sidaa xisbigu haddaan usoo noqdo mowduucayga waxa weeyi anigu marka hore waxaan ahay nin somalilandeer ah marka xiga waxaan ka mid ahay taageerayaasha xibiga udub min maalintii la aasaasay ilaa hadda waalaalayaal haddaynu nahay taageerayaasha xisbiga udub miyaynu kahaynaa xibigeenna waxyaabahaan kor kusoo xusay iyo waxyaabo badan oonan kalkan kasheegi karaynba? taageerayaal xisbiga cidgaarihi malaha ee waa xisbi ummadeed ragga maanta kataliyaa maaha kuwa waligoodba joogaya oo barray iska tagayaan ee inayna sumcadda xisbiga ilaa linnaa

haddan xisbiga usoo noqdo wax maanta xisbi lagu sheego maaha sababtoo ah xisbigu maanta madaxdiisu waxay kakooban tahay waa dhawr nin ookala ah

=guddoomiye
=guddoomiye kuxigee
=xoghayaha guud
=xoghayaha siyaasadda

goladhexe oo layaqaanna majirto gole fulineed oolayaqaanna majirto
marka arrinku caynkaa yahay maxaynu beenta isugu sheegaynaa ee nafteenna beenta ugu maaweelinaynaa ee aynu dadka been ugu sheegannaa xibigeennii wuu burburay ee waa inaynu runta usheegnaa oo aynu latalinnaa waa haddii uu xisbigu jiro haddii kalana waa inaynu ka tashannaa oo wixii alla inna baday yeellaa waa inaynu kala doorannaa xisbiga udub iyo soomaaliland illayn xisbi burburay waxaa kadanbeeya dawlad burburta

walaalayal nin kasta oo somalilandeer ah oo dadkiisa iyo dalkiisaba uddaacad ahi uu lasocdaa waxa maanta dalkeenna
ka jira iyo sida arrimuhu usocdaan iyo halkuu xaal marayo iyo halka uu xisbigeennu ka taaganyahay ilayn dalkan waxa
kataliya xisbigan aynu ka tirsannahaye waa inayu runta usheegnaa oo aynu isku duubnaanaa sidii horeba ay unidhi annagu udub baannu nahay
ul iyo diirkeed baannu nahay digniin
walaalayaal waxa jira dad aad ufarara badan oo xisbiga sheeganaya oo xummaan innagula dhex jira oon jeclayn gooni isutaagga somaliland iy jiritaankiisaba waana shey dabiici ah oo ummad dhan oo meelqudha wada martaa majirto adduunka


tusaale ahaan waxaad ogtihiin inay rag badan oo somaliland madax ka ahaa inay marka shaqada laga eryo ay somaliya tagaan amma puntland ba ka xagaa shaqada laga soo eryaana u somaliland usoo shaqa doonto oo waa caddaan  [nin rag ihina waa ogyahay doqonna loo sheegi maayo]
guntii iyo gaba gabadii waxaan halkan ugu baaqayaa dhammaan tageerayaasha saddexda xisbi qaran inay muhimmadda koowaad siiyaan midnimada iyo jiritaanka somaliland oo aynaan xisbina ku taageerin burburka somaliland iyo carqalaha ka hor imanaya doorashooyinka foodda innagu soo haysa hanoqoto xukuumadda ha noqoto xisbiyada qaranka haniqoto komishanka iyo ciddi kale ee ay khusaysobacaawa intaasbaan kujoojinayaa waanan wada socon doonaa

haadaa wabillaahi towfiiq
wasalaam caleycum waramatullaahi wabarakaatuhuu
 

khadar aqli allale
khadarsaw@hotmail.com
xoghayaha udub
emaraadka carabta
u a e