Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Muca aridka ah ee kulmiye Muuse Biixi Cabdi

 

"Waxaan la yaabanahay marka uu nin yidhaa, Ilig ayaa I xannuunaya oo  Jar m al ayaan ku soo dawaynayaa, Alle ha u naxariistee Xasan Yoonis oo   xann uunsanayana la yidhaa, Tigidhbaa loo waayay si loo soo daweeyo Muuse Bi ixi Cabdi.



Gabiley (Longlivesomaliland News)-Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee  xisb iga Mucaaridka ah ee kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo maanta Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee ku dhaqan Gobolka Gabiley, halkaasi kala hadlay, ayaa ugu horayn mahad naq balaadhan u soo jeediyay dhammaanba dadkii isku soo  b axay , waxaanu fariin ah sallaan oo uga siday Guddoomiyaha xisbigooda  Axm ed Siilaanyo oo uu sheegay in qorshuhu ahaa in uu yimaado hasa ahaatee, uu ku mashquulay kulan uu xisbigu la lahaa wafdigii Itoobiyaanka ahaa ee  dh awaan dalka yimid.


Muuuse Biixi, waxa uu ka hadlay xaallada dalku uu waqtigan marayo, diiwaa n-gelinta iyo shaqaaqadii Ceel Bardaale. Mar uu Guddoomiye ku xigeenku ka hadlayay Diiwaan-gelinta waxa uu sheegay in gobolada Bari ay ka cod badan yihiin Gobolada Galbeedka oo la doonayo in meel aan cidi joogin la yidhaa, Gab iley ayay ka cod badan yihiin.

“ walaalayaal dadku way garamaan oo waxbay isku sheegaan. Hadii dulmi jiro dhinacuu doono ha ka jiree waa in la diidaa.waxaanu diidanahay waa  dulm iga.” Ayuu yidhi Muuse Biixi.



Mar uu ka hadlayay qaabkii ay diiwaan gelintu u dhacday iyo siday wax u wa xa iska bedelay waxa uu yidhi “ ninka halkan(Hargeysa) ka dig digleeya ee yidhaa, waa nalaga badan yahay, aniga ha igu tiriyo oo maxkamad ha I soo taago.. Hargeysi waxa ay noqotay 488.000 qof ( afar boqol iyo sideed iyo sideetan kun oo qof) waxa tiradaa ku jira 100.000(boqol kun oo qof) oo reer Gabiley ah.gobolka ku xigaa waa Togdheer oo noqday 270.000 qof( laba boqol iyo todobaatan kun oo qof) gobolka sedexaad waa Awdal oo noqday 180.000 qof( boqol iyo sideetan kun oo qof) ka ku xigaa waxa uu noqday Sanaag 150.000 qof( boqol iyo konton kun oo qof) ka ku sii xigaana waa Sool oo tirade dadkii la diiwaan-geliyay ay noqdeen 107.000 qof (boqol iyo todoba kun oo qof) ka ugu danbeeyaana waa Saaxil oo noqday 50.000 ( konton kun oo qof)” isaga oo sii wada hadalkiisa waxa kale oo uu yidhi “ walaalayaal, markaan eegno diiwaan-gelintii Dawladaha Hoose, markaad eegto Doorashadii Madaxtooyada ee 2003-dii. Markaad eegto Doorashadii Golaha Wakiilada 2005 dalku siduu uu ahaa waxba iskama bedelin. Mar walba dalku sidaasi ayuunbuu isku daba joogay. Mar walba Hargeysa ayaa badnayd oo waxay ahaan jirtay 42%( Boqolkiiba laba iyo afartan) Hargeysi hoos bay u dhacday waxay noqotay 34% ( Boqolkiiba Afar iyo soddon) Burco ayaa kor u kacday, waxay ahaan jirtay 13% imikse waxay noqotay 23% sababtuna waa is abaabulka Dadwaynaha. Awdal iyo Berberi waa halkoodii waxase kor u kacay Laas caanood. Waxana arintaana sabab u ah Dadka reer Sool kama ay qayb galin Doorashadii Madaxtooyada, codka xooga leh ee imika soo baxay waa kii ay xukuumadu ku dartay. Codadka badan ayaa ka soo baxay Boqolkii goobood ee Laas caanood la geeyay. Bal ninka arintaa beeninaya ee leh codbaa meel laga qaaday, halkaasaan joogaa ee mikirifoon ha soo qaato oo agtayda ha ka hadlo. Su’aalna waan waydiinayaa ilmaadeeradayda udub ee waxaa akhriya, markaad tidhaahdeen Burco ayaa badatay oo noqotay 270 kun halkee ayaad la doonaysaan in cod intan le’egi uu ka soo baxo”


Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye  Mu use Biixi Cabdi, waxa kale oo maanta si wayn u faaqiday xaalada uu dalku marayo. Waxaanu yidhi” waxa aynu mar walba isku guubaabinaa oo ay  nol osheenu tahay waa Nabada. Anigu markii aan yaraa waxaan ahaa Geel jire oo qadhaamaad ayaan geelasha caanaha ka qaadi jiray. Gorofka marka aan la wareegayo waxa aan ku heesi jirnay Nabadeey Caanooy iyo Nabaadshiyo Allaw na sii. Waa seddex kalmood oo Nolosha aas aas u ah. Hadaba Nabadii waynu keenay oo Nafteenii waynu u hurnay. Agoontii Aabayaashood ku dhinteen ee Afraadii koowaad oo imika Xaas ah, iyaga oo aan maanta shillin haynin waxa ay nabbada u ilaalinayaan waa in Inankoodu uu iskuul helo. Oo uu shaqo helo. Waxa la doonayaa dhaawaca iyo hadhaagoodii in ay helaan caafimaad” Muuse Biixi waxa uu intaa raaciyay “ walaalayaal waxaan la  yaab anahay oo aan nolol u aqoon ahna nabad la kharibay, marka uu nin yidha, Ilig ayaa I xannuunaya oo jarmal ayaan ku soo dawaynayaa, Alle ha u  naxar iistee Xasan Yoonis oo xannuunsanaya la yidhaa, Tigidhbaa loo waayay si loo soo daweeyo. Anigu ma garanayo nabbada noocaas ah ee la yidhi, Nina  car uurtiisii ayuu aqalo uga dhisayaa Faraas iyo Masar oo caruurtiisiibuu  Baasaa booro dal kale ku qaadayaa, Jaamac Cali Cilmi oo ahaa Taliyihii Ciidankii soo galay 1988-kii iyo Wasiirkii Gaashaandhigana oo la yidhi joonis baa haya oo intii Tigidh loo daydayay ayuu Manhaj ku dhintay.” Waxaanu intaa ku sii  dar ay “ Nabadii ma aha in aniga la igu dhaco. Hadii dadkaygu maalin walba gaajo u dhinto iyo dawo la’aan, maxay dhaantaa xabadii ku dhacaysay ee iska bedelay, ma dhimashaa dhimasho ka wanaagsan. Taa macnaheedu ma aha Nabdaynu tuuraynaa, ee labada gacmood ayanu iskugu keenaynaa, hasa ahaatee, anaga Nabda noo macnayn maayo Nin nagu dhacayaa ee anaga ayaa micnayna waxa aanu ka doonayno. Ma aha in Oday Qaad la soo siiyay uu yidhaa, nabad baan keenayaa. Nabada waxa dhaliyay raggii intay soo halgameen hadana qoryihii dhigay, guryahoodiina iibiyay.. Markaa ma aha in shaydaan aan la garanayn meel uu ka soo dhacay inta uu xoolahaygii qaatay in uu maalin walba yidhaa Nabadaan waxaynayaa, Afar nacas oo aanu ilmaadeer nahayna inta ay isasoo garab taagaan, waxaana uu ugu baaqay taageerayaasha kulmiye inay doortaan nin dadka la dareen ah oo garanaya wixii ay soo mareen.


Waxaa kale oo uu sheegay in lagu dhaqmo lixdankii sidii ay ahaan jiratay,


Waxaa kale oo ku tilmaamay arinta ceelbardaale in aanay dhex ka ahayd dawladu oo ay iska horkeenayaan beelaha walaalaha ah, waxaana uu ugu baaqay inay ilaaliyaan nabad galyada oo ay wiil iyo walaalkii yihiin, waxaa kale oo intaasi kudaray “ walaalayaal waxaad la,dihiin dawlad runta idiin kala sheegta, oo sharciga inoo yaal idiin kala sheegta, waanay inoo soo socotaaye suga walaalayaal oo dadka ha inaga laynina” ayuu yidhi muuse biixi

Muuse biixi mar uu ka jawaabayay su,aal uu madaxwayne riyaal waydiiyay oo ahayd muuxuu ufulin waayay go,aankii hore ee ay guurtidu ku ansixisay wakhitii uu wasiirka arimaha gudaha ahaa waxaanu kaga jawaabay muuse biixi {“hadii aad garaad leedahay(Riyaale) wakhtigaa madaxwaynihii joogay (Cigaal) reerkiisa oo gar leh ayuu ka xukumay oo ka joojiyay oo uu madaxa kaga fadhiistay, ayuu yidhi isuga inta aan reeraha kale soo qancinayo, bal adigu (Riyaale) reerkaaga oo laga xukumay soo qanci baa lagu leeyahay  ani ga ha ii soo gawso waynaane” ayuu yidhi muuse biixi

Gabagabadii munaasabaasi ay isugu soo baxeen taageerayaasha xisbiga  kul miye ee Gobolka Gabiley waxaa muuse biixi usoo jeediyay inay nabad galyada ilaaliyaan oo aanay wax rabshad ah ka abuurin Somaliland.

 



Mustafe Future

mccfuture@longlivesomaliland.com
Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Office Somaliland