WAXAAN MOODAAYEY IN REER SOOMALILAND DIMUQURAADIYADDA YAQAANIIN SHOW
UMABA BILOWNA WAAR GOLAHA WADATASHIGA DASTUURKA IYO DADNIMADA OGGOL
Inagoo shan doorasho soo galnay oo laba Madaxweyne soo dooranay,
ayaa haddana asaaskii dimu quraadiyadda aynu ku tumanaynaa. Waxa meel
walba si rakhiis ah oo dacaayad looga fidiyey rag odayaal ah oo
ummadooda la raba kheyr iyo wanaag waxa la yidhi Gole waa xaraan oo
distoorka kuma taal. Xaashe Gole horta waa maxay. Maanta dalka waxa
ka jira Golayaal Qabiil ooynu maqlno, Gole sharkadeed iWM,
Dastoorka akhrista inteydaan been ka sheegin. WAxu u banaynayaa in
la sameysto Ururo lagaga tashada dano gobal, degmo, iyo qaranba.
WAxuu banaynayaa in dadku fikirkood qof ahaan iyo wadar ahaan ba ay
xor u yihiin.
DALKA haddaan la shirin oon Gole fikir mideeyo lala iman side loo
helayaa dareenka dadka loona xis aabin kara xukuumadda. Mid kale
ayaan la yaabay waxay yidhaahdeen Golaha Wadatashigu waa raggii
fashilmay. Xaasha siyaasadda laguma fashilo kolka aad haysato
dariiqa aad aaminsantay. Xisbiyada oo madaxda dunida darbaa 30 sano
sharxnaa. Waxa fashilku yimaada sida Ina Warancad de iyo Kooxdii la
midka ah ee iyagu mabdaúuda ku iibsada kursi, ee intaad hayso
dhabada aad aam insantay faashil ma tihid. Waxa Madaxweyne Mitrankii
Farnce lagu xusuustaa Madaxweynahii ugu wacan waxuuna xilka qabtay
kolkuu 20 sano u sharxnaa.
Waar ceyda iyo aflagaadada inta ay xukuumaddu ku bixinayso lacag
waxa uga roon inay raggan u fasaxdo barnaamajkooda illeyn iyagu talo
bixin ayuunbay wadaan ee ma aha dar xukunka ku hayste e. Hadday
garanayaa xilkooda Siilanyo iyo asxaabta Xirsi kamey saseen ee wey
soo dhoweyn laha ayeen. Dad is diray oo talo kuu soojeedinaaya maxaad
ku diideysaa eed waliba caydooda lacag ugu bixineysa.
.
QODOBKA 22AAD
XUQUUQDA SIYAASADEED, DHAQAALE, BULSHO
IYO XAQA DOORASHADA
1. Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeya hay in uu ka qayb gab hawlaha
siyaasadeed, dhaqaale,
buisho1 iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka.
2. Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq
u Ieeyahay in la
doorto,waxna uu doorto.
Marwalba waxa banana in muwaadinku sameysto urur siyaasadeed si uu u
helo taageero fikirka uu qabo. Haddaba ereyga Gole iyo Urur waxay
noqonayaan dar isku mid ah sida dunida kaleba u macaa mishu. Gole oo
ah Council…imise council ayaa ka jira dalalka dimuquraadiyadda ku
dhisan ma aha ka n deegaanka oo kaliya ee waa mid xadigaa ka badfan,
waxanan qabaa in Gole u dhgmo Council. Afkeena Urur oo koox dad ah oo
arrin ku bahoobay, Golena waa la mid. Odayaashu mey odhan Gola ha
Fulinta ee dalka amab Sharci dejinta amba kan Garsoorka ayaanu nahay
waxay yidhaahdeen Go laha Wadatashiga iyo Toosinta. Dee cida tashi
iyo toosin diiday ma dan ayey inoogu maqantay.
Muwadin akhri qodobadan dastuurka ah, iska jir calooshii la ciyaar
la soo cashaysiiyey.
QODOBKA 23AAD
XORRIYADDA DHAQDHAQAAQA
IYO IS-ABAABULKA
1. Qof kasta oo muwaadin ah ama si xeerka waafaqsan dalka ku
joogawaxa uu xor u yahay in uu
dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu doono, iyo weliba in uu
ka baxo ama ku soo
Iaabto dalka marka uu doono.
2. Arrimaha ku xusan faqradda laad ee qodobkan waxa ka reebban
meelaha ama waqtiyada
xeerku ka reebo mariddeeda ama degitaankeeda.
3. Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro
siyaasadeed, cilmiyeed,
dhaqameed, bulsheed, xirfadeed,ama kuwa shaqaale si waafaqsan
xeerka.
4. Waxaa reebban urur kasta oo leh ujeeddooyin lid ku ah danaha
ummadda ama qarsoodi ah
ama Ieh qaab cudan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka
weji kasta ha
lahaadeene.
Hanjabadaha iyo qaylada Madaxtoyada laga soo sheegayaa, waxay malaha
marag ka tahay inaan meesha oday Siilanyo ka talin, illen colkan
leysu sheegimaayo, oo si hawl yar ayuu ugu yidhilahaa ooy u sharixi
lahayeen hadafkoodee.
Walee waa amuur qarsoon cidda middida daabkeeda heysa. Bal waa ninka
soo ogaada.Saxaafadda waxaan farayaa inay arrinkan maal iyo waqtiba
ku bixiyaan oo dhex galaan Madaxtooyada laga waayimaayo muwaadiniin
dalka u naxa.
Abdi Haji Ahmed
hargeysawi@ymail.com
|