Waxaan Mucaaradka kula talinayaa inaanay Lu min Dimuqraadiyadda Dalka ka jirta”-C/Risaaq Ciyaale

 

Siyaasiga Cabdirisaaq Ciyaalle oo kamida Siyaasiyiinta dhawaan ku soo biiray Xisbiga Talada haya ee UDUB isaga oo hore uga tirsanaan jiray Golaha dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa Xisbiyadda Mucaaradka ah ugu baaqay in ay ka waantoobaan khalkhal gelinta hanaanka dimuqraadiyadda iyo Halkanka uu shacbiga Somaliland ugu jiro xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah oo ay codkooda ku muujiyaan, isaga oo Mr. Ciyaalle sheegay in wakhtigan uu dalku marayo xilli kala guur ah oo Caalamku indho gaar ah ku hayo sida ay uga gudbaan duruufaha hor yaala iyo qaabka ay u qabsoonto doorashada la sugayo.


Waxa kale oo uu Cabdirisaaq Ciyaalle Taageeray Hadalkii Horaantan Todobaadkan ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland oo uu ku sifeeyay mid yimi wakhti Munaasib ah oo Bulshada kor u qaaday Yididiiladeedii, Maadaama oo buu yidhi uu Madaxweyne Daahir Rayaalle Kaahin daaha ka rogay Mawqifkiisa ku aadan Doorashada soona afjaray hadaladii kutiri kuteenka ahaa ee suuqa laga lahaa Xukuumadu diyaar uma aha doorasho.
Cabdirisaaq Ciyaalle oo Maanta Waraysi siiyay Wariye Xasan Xuseen Keefkeef waxa kale oo uu ka hadlay Marxalada Dalku Marayo iyo Abaaraha ba'an ee dalka ku habsaday, isagoo baaq u diray Xukuumada iyo Ganacsatada iyo gurmad u fidiyaan dadka tabaalaysan ee Abaartu jilbo dhigtay.

Haddaba Mr. Ciyaalle oo ugu horeyn ka hadlay Sida uu u arko Shirkii jaraaid ee uu dhawaan Madaxweyne Rayaalle kaga hadlay Marxalada siyaasiga ah waxa uu yidhi "Marxaladan dalku marayo iyo murankan ama xifaaltankan siyaasadeed ee dalku marayo waxaan qabaa in Madaxweynuhu soo afjaray xilli loo baahan yahayna uu Public Speech (Khudbad guud) jeediyay oo uu cadeeyay mawqifkiisa inuu diyaar u yahay inay doorashadu dhacdo masuuliyadii ka saarnaydna uu fulinayo.".

Sidoo kale Cabdirisaaq Ciyaalle mar uu la hadlaya Axsaabta Mucaaradka ah iyo doorka ay ku leeyihiin siyaasadda dalka waxa uu yidhi " Waxaan xisbiyadda Mucaaradka ah kula talinayaa inaynaan lumen hanaanka dimuqraadiyada iyo Dhismaha qaranimo, isla markaana la mideeyo cududa iyo caqliga si aynu marxaladan uga baxno oo aynu uga nixino cadawga aynu leenahay ugana badbaadino dabinada uu inoo maleegayo."

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu siyaasigani Axsaabta Mucaaradka u soo jeediyay in wakhti xaasasi ah uu wadanku ku jiro isla markaana uu jiro cadaw badan oo eegaya god daloolooyinka siyaasadeed ee dalka "Waxaan mar labaad xisbiyadda Mucaaradka leeyahay arrintani waa arrin qaran maaha mid xifaaltan shakhsi maalinta ay doorashada gaadho nin waliba ha muujiyo codkiisa iyo cida uu kalsoonida ka haysto, intase ka horeysa waxaan leeyahay haloo diyaar garoobo sidii ay doorashadu u dhici lahayd, sidii aan qaranka cid kale u maamuli lahayn xifaaltanka doorashada darteedna aanay cid kale gacan ugu gali lahayn." Ayuu yidhi Ciyaalle.

Ugu dambayn Cabdirisaaq ciyaalle waxa uu ka waramay xaalada abaareed ee dalku ku jiro isagoo ugu baaqay shacabka iyo hay'adaha samo falka inay gargaar degdeg ah lasoo gaadhaan dadka abaartu tabaalaysay "Waxaan kale oo aan ugu baaqayaa Dawladda, Hay'addaha Samofalka, Tujaarta iyo bulshadaba in abaartan taagan looga gurmada dadkeena reer guuraaga ah. Baayac mushtarku haddii uu dadkii wax ka iibsan lahaa (Consumers) ay dhibi ku timaado ganacsigoodu anfac yeelan maayo,markaa maanta ayay dhiban yihiin ee wax ha loo qabto, tusaale ahaan jiida la yidhaa dacar budhuq ilaa tuulooyinka ka hooseeya wixii dad ku noolaa halkaas bay isugu yimaadeen."ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Mr. Ciyaalle.
 



Qarannews