Cuqaasha,Culimawdiinka iyo Odayaasha Beesha Koonfurta Hargaysa Oo Taageeray go’aankii Golaha wakiiladu Ku Ansixyeen Xeerka Isgaadhsiinta.
 

 

 


waxaanu taageersan nahay Go’aankii Golaha Wakiiladdu ku ansixiyeen Xeerka Isgaadhsiinta Somaliland oo ah Xeer Sharci ah.....Boqor Raabi....


Hargaysa(TNN):-Qaar ka mid ah Salaadiintii,Odayaasha,Cuqaasha iyo wax garadka Beesha Gar-xajis ayaa sheegay in ay taageersanyihiin Go’aankii ay golaha wakiiladu ku ansixiyeen Xeerka Isgaadhsiinta isla maraana la siiyay kenista Cable-ka Shirkadda Som-cable.


Cuqaasha,Culimada iyo wax garadkan ka soo jeeda beesha koonfurta Hargaysa waxaa ay sidaasi ka  sheege en shir jaraa’id oo ay ku qabteen manta Hotelka Hadhwanaag ee magaalada haragsya.Madax-dhaqam e edka ka soo jeeda Beesha Koonfurta Haragaysa ee sheegay in ay taageersanyihiin go’aankii golaha wakiiladu ku ansixiyeen xeerka isgaadhsiinta waxa kale oo ay soo dhaweeyeen in la siiyo shirkada som cable keenista  Cable-ka.


Xasan Kaahin C/laahi oo ka mid ahaa cuqaashan manta shirka jaraa’id qabtay ayaa sheegay in loo baahan yahay in go’aankii golaha wakiiladu ansxiyeen sidiisa u dhaqan galo waxaanu yidh ” waxaanu leenahay waa in sidiisa ha u dhaqan galaa, go’aankii Baarlamaanku Ansixiyayna waa inaynu sidiisa ugu dhaqanaa. Haddii uu socon waayo Go’aankoodii waxba inana inoo socon maayaan. Cidii loo gartayna waxaanu leenahay dadka u cadaalad fala marka aad shaqada bilowdaan haday noqoto shaqaalayn iyo haddii kaleba. Go’aanka la idinku siiyay baananu taageersanahay”.


Boqor Raabi Yuusuf C/laahi oo ka mid ah madax dhaqameedka ka soo jeeda beesha koonfurta Hargaysa ee manta shirka jaraa’id qabtay ayaa sheegay in uu Taageersanyahay go’aankii ay Golaha wakiilada Somaliland ku ansixyeen xeerka isgaadhsiinta,isaga oo xusay in ay sidoo kale taageersan yihiin in la siiyo keenista Cable-ka badda hoos mara Shirkadda Som-cable waxaanu xusay Boqor Raabi in xeerkaasi uu yahay mid sharci ah “ waxaanu taageersan nahay Go’aankii Golaha Wakiiladdu ku ansixiyeen Xeerka Isgaadhsiinta Somaliland oo ah Xeer Sharci ah, isla markaana muwaadinka leh Shirkadda Som-cable xuquuq u siinaya inuu keeno Isgaadhsiinta Cable-ka badda hoos mara”.


Waxaa kale oo uu sheegay Boqor Raabi in xeerkan Isgaadhsiinta la siyaasadeeyay intaa raaciyay “ waxaad moodaa in la siyaasadeeyay arrinta Cable-ka,Waxaad moodaa Tijaaradii dalka in lagu soo ururiyay Cable-ka oo ay dadku wada eegayaan, waxaana laga sameeyay Xumaan iyo Xaasidnimo ummada la iskaga horkeenay o”.


Boqor Raabi Yuusuf C/laahi waxa kale oo uu intaasi raaciyay in shaqsi ahaan uu markii hore ka soo hor jeeday in isgaadhsiinta dalka cid gaar ah la siiyo “Anigu markii hore waan ka soo horjeeday in Isgaadhsiinta cid gaar ah la siiyo waxaanan lahaa dadku ha ka wada qayb qaateen. Waan bedelay rayigaa maadaama Hay’adii sharci dajintu ansixisay, cida waji qabiil u dhigaysana waxaan leeyahay haloo haneeyo shirkadda la siiyay” ayuu yidhi boqor Raabi.

 



Khadar Cabdi Muuse
Timacade News  Desk
Haragsya Office , Somaliland