Waxanu cambaareynayna falkii wixishnimada laha e lagu weeraray mujka Mohamed Kaahin Ahmed

 



Anigoo ku hadalaya magaceyga oo ah Cumar Daarood Xassan islamarkan ah gudoomiyaha xisbiga Ucid laamaha Iskandavika waxanu madax iyo taageerayaal ba halkan ka cambaareynayna falka wixishnimada leh ee lagusoo weerarey saaka barqadii gudoomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye Mujaahid Mohamed Kaahin Ahmed

Waxakaloo anu ilaahey ugu mahadnaqayna badbaadadaasi u badbaadiyay mujaahidka kana samata saaray waxuushtii soo weerartay ee doonayay in ay mujaahidka khaarajiyaan, wa dhaqamo iyo caadooyin an hore inoo soo marin waxa maanta dhacaya.

Waxanu dawlada cod dheer ugu sheegayaan baryahan danbe falalka noocanihi dalkeena wey kusoo bateen waxad ogeydeen xildhibaan Qabiile sidii loo weeraray ee rasaasta lagu furay isago maraya xaafada Jigjiga yar wuxu aha fal qorsheysan oo xildhibaanka lagu khaarajinayay ila hadana waxaynu maqlayna uun wa la baadhaya iyo wa la qabtey iwm, waxakaloo ka horeeyay falki wareyska hubaal xaruntiisa lagu weerarey mulkiilihi iyo shaqaalihi wargeyska oo ila maanta an la heyn cidii weerarkaasi geysatey dawladuna wali ka gaws adegeyso baadhinta ka falkaasi dhacay in ay maxkamada hor keento.

Dawlada waxa looga fadhiya in ay maxkamadaha hor keento eedeysan ayaasha falalka noocan ah ku kacaya si amaanka dadka iyo dalka ba loo sugo, maaha inaad ku baraarugtan maanta falkan dhacay uun e wa in ay dawladu amaanka madaxda ilaalisa iyo ka shacabka ba, haddii an wax laga qaban falalka noocan ah e wixishinimada ah xaalkeenu wa bariga dhexe.
 



Omar Darood Hassan
Gudoomiyaha Xisbiga UCID laamihiisa
Iskandanvika