Waxay Ahayd inaynu Gobollada Bari Xaqsoorkooda Siinno oo Dhawr Madaxweyne-ku-xigeen Samayno


 

 



Muj. Xasan Ciise Jaamac oo u jeediyey xukuumadda Siilaanyo baaqyo kala duwan oo la xidhiidha shaqaaqooyinka bariga, wadahadallada Soomaaliya iyo xaaladda dalka

“Haddaad tuug meesha u dhiibataan oo tidhaahdaan waxbay noo soo dhicinayaan, gonduhuun baynu is wada haysanaynaa oo weligeen horumar gaadhi mayno”

“Adduunka caqliga leh ninka doonaya inuu taajir noqdo baayac-mushtariga ayuu galaa, Afrikana wuxuu odhanayaa wasiir ha la iga dhigo”

“Qaabka wadahadallada loo gelayo maaha in xukuumaddu shan wasiir magacawdo. Qaabkaasi waa qaab qaldan”



Hargeysa (TNN)- Madaxweyne-ku-xigeenkii u horreeyey ee Somaliland, ahna Guddoomiyaha iyo murrashaxa madaxweynenimo ee urur-siyaasadeedka XAQSOOR Muj. Xasan Ciise Jaamac, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u jeediyey tusaalooyin iyo talooyin ku saabsan siyaasadda arrimaha gudaha iyo dibadda, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay shaqaaqooyinka ka taagan gobo llada bari iyo guddida wasiirrada ah loo saaray inay dariiqa u sii xadhaan wadahadallada dhexma ri doona Somaliland iyo Soomaaliya iyo qodobo kaloo ku aaddan xaaladda guud ee dalka.

Muj. Xasan Ciise Jaamac oo khudbad dheer ka jeediyey gebagebadii shirweynaha 1aad ee urur-siyaasadeedka XAQSOOR oo shalay isaga loogu doortay guddoomiyenimada iyo murrashaxa madaxweynaha ee ururkaas, waxa uu ka hadlay dhacdooyin maanta taagan oo markii SNM dalka qabsatay ay doonayeen in wax laga qabto, balse aanay waxba ka hirgelin, isagoo arrimahaas iftiiminayeyna waxa uu hadalkiisa ku bilaabay; “Arrimaha gudaha Somaliland waxa ugu mudan maanta in la soo qaado shaqaaqada bariga ka taagan. Arrintaas iyo wixii la mid ah Ilaahay ha inbaga qaboojiyo. Ilaahay baynu waydiisanaynaa inuu nabaddii iyo walaalnimadii inoo soo celiyo bari iyo galbeedba.

Arrintaas maanta bariga ka dhacday waa arrintii markii SNM dalka soo gashay aannu doonnay inaannu ka hortagno inay timaad, dariiqii aannu u marnayna wuxuu ahaa shirkii Burco aannu ku qabanay. Waxaannu ugu yeedhnay reer Somaliland oo dhan bari iyo galbeedba. Hoggaankii beelihii tobanka sannadood isdilayey ee dawladdii arxanka la’ayd ee Siyaad Barre masuulka ka ahayd ayaannu giddigood halkaa ugu yeedhnay.

Shirkaasi qiimaha uu leeyahay dad badan reer Somaliland ah waxa laga yaabaa inay ka dhacsan yihiin, laakiin waxa qiimihiisa siiya qolyaha caddaanka ah ee la yidhaa hore ayey u mareen.

Shirkaas waxaannu ugu talogalnay in shaqaaqadaas maanta ta bari ka taagan la baajiyo iyo mid la mid oo kale galbeed amma meel kale ha ka dhacdee. Beelihii aan SNM ahayn waxaannu ku casuunnay inay soo galaan golihii dhexe ee SNM, waayo may jirin markaa haykalkii dawladnimo may dhisnayn, golihii wasiirrada ayeyna soo galeen. Mid baa na seegtay markaas markaannu dib u eegno oo khaasantan ina seegtay shirkii dambe ee lagu qabtay Boorama; ta ina seegtay waxay ahayd in aynu dadka gobollada bari xaqsoorkooda siinno oo dhawr madaxweyne-ku-xigeen aynu samayno wax innaga mamnuucayey may jirine, laakiin bani’aadam baynu nahay oo Soomaalidu waxay tidhaa, ‘Nin habari dhashay hal ma seegi waayo.’

Walaalaheenna bariga shishe erayga aan odhanayaa waxa weeye, walaalayaal Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, ‘Carrab iyo labadiisa daan baa isugu dhawo way is-qaniinaan’ hadday shaqaaqo dhacday labadeenna dhinacba qalbiga aynu soo celinoo xabbad-joojin aynu marka hore oggolaano.”

Waxa kale oo uu Xasan Ciise Jaamac ku baaqay in gogosha nabadda laga dhigo mid qaran oo laga qaybgeliyo goleyaasha Guurtida, Wakiillada iyo asxaabta siyaasadda.

“Gogosha nabadeed ee madaxweynuhu ku dhawaaqay aynu soo gelino Guurtida, barlamaanka aynu soo galino, xisbiyada kale aan soo galin aan ka dhigno talo qaran oo aynu ka gudubno inay noqoto talo dawladeed oo keliya, maadaama ay dawlad xisbiyeed tahay, sidaasna aynu ku soo ceshanno walaalnimadeedii iyo midnimadeennii.

Waxaan xasuusinayaa walaalaheenna bariga shishe shirkii Burco (1991) ee aynu qabanay wacad baynu ku galnay, waxaannu ahaa inaynu isa saamaxno oo aynu Somaliland wada dhisano. Wacadkaasi walaalayaal yuu ina qaban ee aynu ka rumayno midnimada Somaliland iyo walaaltinimadeenna.”

Guddoomiyaha cusub ee ururka XAQSOOR waxa uu sidoo kale xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kula taliyey in wadahadallada iyo gogosha nabadda laga horreysiiyo sidii loo soo celin lahaa kalsoonida bulshooyinka Somaliland dhexdooda, waxaannu ku baaqay in ciidammada qaranka laga qaado goobaha biyaha leh ee ku yaal degaannada Buuhoodle.

“Dadka cadaanka ah waxay yidhaahdaan markay meel shaqaaqo ka dhacdo waar intaan la wada hadal, aynu qaadno tallaabooyin kalsoonida soo celiya, haddii la kala go’san yahay oo xabbad la isku dhuftay aan wadahadalno markaliya ma dhacayso. Waxa ka horreeya in la sameeyo weji la isugu iman karo, taasina waxay ka bilaabmaysaa xukuumaddeenna. Waxa kalsoonida lagu soo celinayaa biyaha walaalaheenna bariga shishe ay leeyihiin waa la naga fadhiyaa ha looga kaco, biyuhuna waa lama huraanka nolosha, lagamana maarmi karo.

Biyaha waxa xaq ku leh haadka iyo waraabaha dadka iyo duunyadeenaba cuna. Xadiisku wuxuu odhanaya qof muslim ah oo markiisa horeba aan wanaagsanayn ayaa xayawaan ooman oo rays leef-leefaya arkay oo waraabiyey Ilaahayna ku janneeyey. Bariga shishe ma taasaynu uga yaraynaa? Waliba waxaan leeyahay biyahaasi hadday ku filnaan wayaan biyaha kale ee qolyaheena kale leeyihiin ha lagu casuumo oo la yidhaa kaalaya walaalayaal cabba,” ayuu yidhi Md. Xasan Ciise oo tilmaamayey aragtiida xal-u-helista dhibaatooyinka ka jira degaannada gobollada bari ee dalka.

Mar uu ka hadlayey xaaladda siyaasadeed ee dalka gudihiisa iyo hab-dhaqanka siyaasiyiinta Somaliland waxa uu ku tiraabay; “Adduunka caqliga leh ninka doonaya inuu taajir noqdo, baayac-mushtariguu galaa, Afrikana wuxuu odhanayaa wasiir ha la iga dhigo. Ninkii lacagta doonayey xagga baayac-mushtariga iyo lacag xalaal ahba u leexan maayo, laakiin wuxuu odhanayaa meel ay ka dhawdahaan garanayaa, markaasuu reerkii shirinayaa oo ku odhanayaa igu tuntuunsada inaan wasiir noqdo.

Walaalayaal; shicibow dhibaatooyinka xagga siyaasadda innaga haysta waxa ka mid ah ee shicibkeennu wuu xusuus yar yahay; kii shalay wax kharribay ee ay markhaatiga ka ahaayeen ayuun baa ka yara degaya meeshii oo dhinac kale uga soo wareegaya. Reerkii buu shirinayaa, wuxuuna ku odhanayaa xisbi baan furanayaa ee maantana igu tuntuunsada. Odhanba mayaan waar sowdigii shalay meesha ku dhoobaystay ee cid ku dhantaan maanta raadinaynaa. Marar baabay ka darayaan oo odhanayaan kanaa wax inoo soo dhicin kara oo waxna cuni kara.

Haddaad tuug meesha u dhiibataan oo tidhaahdaan waxbay noo soo dhicinayaan, gonduhuun baynu is wada haysanaynaa oo waligeen horumar gaadhi mayno, kuwii horumarka noo hirkici lahaana diyaar uma nihin labadaas la isku heli maayo, arrintaasna ha laga fiirsado.”

Waxa kaloo uu si adag u dhaliilay guddiga wasiirrada ah ee Madaxweyne Siilaanyo u xilsaaray wadahadallada Somaliland la yeelanayso Soomaaliya, waxaannu arrintaas ku tilmaamay mid khaldan, waxaannu ku taliyey in talo qaran laga yeesho wadahadalka Soomaaliya lala galayo.

Guddoomiyaha cusub ee urur-siyaasadeedka XAQSOOR oo sharraxaad ka bixinayey aragtidiisa ku wajahan qaabka Somaliland wadahadallada ula geli karto Soomaaliya iyo weliba jidka ugu habboon ee loo mari karo qaaddiyadda aqoonsi-raadiska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu yidhi; “14 sannadood ka hor oo ayaan anigoo mucaarid ah soo jeediyey in Somaliland ka qaybgasho shirarka arrimaheenna lagu soo qaadayo. Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal baa waqtigaas maxadweyne ahaa, waxaanan ku idhi, waar siyaasadda dibadda iyo ictiraaf-doonka marka laga hadlayo waxaan leeyahay shirarka Soomaalida iyo Somaliland lagu soo qaadayo taga oo meel kasta ku faafa.

Shirarka arrimaheenna lagu soo qaadayo waa la innagu aasayaa oo kuwan Xamar madaxweynayaasha sheeganaya. Waxay odhanayaan maca Somaliland annagaa ka wakiil ah oo waxay odhanayaan kuwani meesha ma joogaan ee annagaa ka wakiil ah oo hadday lacag tahay qaybteenna iyagaa qaadanaya. Waar taga oo waxaad tidhaahdaan nama metelaan oo waannu ka madaxbannaannahay. Waxaan ugu daray waliba laba arrimood oo kala ah; waar maaha inaad tagtaan oo kaliya oo shirarka arrimaheenna lagu soo qaadayo ee aad tagtaan shirarka aan arrimaheenna lagu soo qaadayn ee dayaxa, xiddigaha iyo daruuraha lagu qaybsanayo oo ay joogaan waddamo iyo dawlado aynu u baahannahay inaynu arrimaheenna ku qancino. Taga oo waxaad tidhaahdaan dayaxa iyo xiddiguhu ha ina sugeen ee dhulkan aynu saaranahay ayey wax nagaga maqan yihiine noo xaqsoora. Waxaan u raaciyey ictiraaf-raadin way nagu adkaatay uun baad leedihiine waxay ka bilaabantaa Xamar. Haddaanad xaggeedaba u kicin sow sidii doqonka lumi maysid?”

“Qaabka wadahadallada loo gelayo maaha in xukuumaddu shan wasiir magacawdo. Qaabkaasi waa qaab qaldan, qaab dawladeedna maahee waa qaab qaran, waxana wada geli kara xisbiyada oo dhan, ururradu maanta mar hadday jiraana waa inay ra’yi ku yeeshaan, golayaashana waa in hoggaankoodu ka qaybgalaa; waa in culimaa’udiinta badh laga soo kaxaystaa; waa in qarankii oo isu dhan Xamar wajahaa, sheekada meesha looga bilabayaana baryo maaha. Waxa weeye in la yidhaa walaalayaal xaq baannu idinku leenahay ee waa inaad nagu ixtiraamtaan geelayagii baannu la soo noqonay.

Laba waddan oo isku darsaday baynu ahayn. Been baad adduunka u sheegayseen labaatankii sannadood ee u dambeeyey, ictiraafka idinkaa ugu horreeya oo aannu xaq idinku leenahay ee noogu dhawaaqa, dadkii kalee adduunkana waad ku casuumaysaan oo adduunkaad markhaati uga dhigaysaan, illeyn kiiskaaga waad ku kalsoontee Ilaahay baa kuu xaqsooraya; hadday kaa yeelaana wanaagsan oo adduun-waynuhu waxay odhanayaan ictiraafkii way ku heshiiyeen, hadday kuu diidaana adduun-waynihiina waxaad u muujinaysaa in xaq-darro laguugu diiday, dabadeedna waa laga maarmayaa.”

Muj. Xasan Ciise Jaamac waxa uu khudbaddiisa ku soo afmeeray xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku tilmaamay aad ugu nugul dhaliilaha loo jeediyey, “Maamulkii hore ee dawladdan ka horreeyey wax kastoo la yidhaa waxay dareemi jireen may jirin; may dirgaxanayn oo waxay ahaayeen sidii kuwo aan iyagaba lala hadlayn. Kuwan dambe (xukuumadda Siilaanyo) haddaad xagooda u jeesato adigoo cunaha bannaysanaya waxay is odhanayaan intaannu wax odhan ka gaadhsiiya oo way kugu taal. Eraygaa aad iyo aad bay u dhibsadeen baa la igu yidhi, sababtoo ah mid baan ku keenay, iyagana waan u nasteexaynayey, ummaddana waan ugu nasteexaynayey, waanan idiin caddaynayaa inay nasteexo ahayd.

Waxa iga keenay maalin ka horreysay oo hoggaanka sare ee dawladdani saq dhexe fooqa laga soo degay iyadoo sanka la haysto waa kalmadda la isticmaalaye, lagana haysto raggii Somaliland siyaasadeeda ugu mudnaa tobankii sannadood ee ugu dambeeyey ayaa waxaan xasuustay eray hoggaamadii hore ee ka horreeyey maalin la igu yidhi maan joogine istaadyoomkuu ka yidhi. Maalintaa hoggaanka waan ka quustay, waxaannu yidhi baa la igu yidhi, qaar mucaarid ah la sheegaya ee kuwaas iyo kuwaas afka kamay odhane meel kalay ka hadlaan meel kale oo aan laba soo hadal qaadi karin. Maalintaasaan ka quustay hoggaankaas.

Tani wax badan kamay sokayn, dad badan baanan ku quustay, aad baan uga fikiray oo waxaan is idhi waar haddii arrintaasi sii socoto ummaddu way kala dhimanaysaa ee sideed xaaladda u badbaadisaa? Waxaan goostay kariirad u dhig intaanay wax la mid ah soo bixin oo xabbad ifiso ah dulmari ha baraarugeene, kursigana wuu waalaa Afrikaanka, bal inuu miyirku u soo noqdo xabbad dul mari, eraygaygina inuu shaqeeyey waxaa u daliila, dhawr maalmood kadib ayaa Barlamaanka laga yidhi annagu mucaaridku waxay nagu yidhaahdaan adkaysigeeda waa nalaga helayaa, warbaahintaana soo qortay, maalin kalena madaarka laga yidhi mucaaridku waxay nagu yidhaahdaan waannu u adkaysanaynaa, iminkana waxaannu leenahay walaalayaal kariirtaannu idiin dhignay way shaqaysee yaan la idinka waayin,” ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.
 

Source:Jamhuuriya