WAXAYNU IFTIIMIN DOONAA SIDAAY UGU SUURTOGASHAY IN SAMAALE SI HAWL YAR U DHACO HANTIDA UMMADDA

 



Waxaan maqaal hore idinku sheegay in uu ila soo xidhiidhay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Maa liyadda oo tafaasiil iga siiyey hab-dhaqanka yaala Wasaaradda Maaliyadda iyo tabaha qalooca n ee Wasiir Samaale ku soo biiriyey. Maanta waxaan idiin soo bandhigi sida loo maamulay Miisaa niyadda sanadkan 2013. Waxaanan ka codsanayaa Wasiirada iyo ciddi kale ee igu beenineysa inay soo qoran si gaar ah amba si guud. Waayo waa arrin la yaab badan oo muujineysa oday Axmed inaanu meesha joogin iyo inayna jirin Gole Fulineed ee ay yihhin koox aan wada shaqayn nin walibana tiisa shakhi aanu dhaafsanayn, cid isku xidha oo hawl galisaan jirin, dalkuna ku socda fawda iyo ilaa hadda oo badbaado Alle iyo ummad soo daashay oo samir badan.

Waxba yaanan waqtiga idinka qaadin. Waxa dalka lagu maamula oo lagu hogaamiya waxa la dheehda miisaaniyadda. WAxay ku timaada odor xoogan oo laga yeesho dabcan arrimaha dhaqaale bulsho iyo siyaasadeed. WAxa lagu saleeya baahida iyo siyaasadda xukuumaddu ka leedahay hogaaminta dalka. WAxa lagaga dooda Golaha Wasaaradda oo leysla garta halka la marinaayo iyo xisaabta Wasaarad kasta iyo khrash kasta maraayo, deedna uu madaxweynahu intuu sexxo u gudbiya Wakiilada.

Ayaan darro waxa dhacday inuu Wasaaradda loo magacaabay Samaale oo ilaa maalintii Siilan yo madaxweynaha noqday doonaayey inuu Wasiir ka noqdo Maaliyadda. Waxa la yaab ah inuu nin maalin walba akhriyaaya ereyo diini ihi doonto shaqo aanu garanayn oo waa khiyaamo inuu qofku xil doonto uu ogyahay inaanu ka soo bixi karin aqoonteedna u lahayn. Marna ma dhacdo inaad dareewal iska daa wax kale doonato adoon haysan leysan.WAxa taasi kuu cadeynaysa inuu leeyahay damac qarsoon oo guracan guntiisuna tahy dhac iyo boob.

WAxa uu markiiba abaaray halkuu rabay, illeyn waxa u qorshaysnaa dhaca iyo boobka oo uu muddo ka soo shaqeeyey. Waxuu la yimid arrin ku cosob dunida. WAxuu fadhiisaty Hotelka mAANSOOR OO UU QOL KA KIREYSTAY.WAXUU WASIIRADDA HAL HAL UGU YEEDHAY INUU KALA HADLO MIISAANIYADDA WASAARADDA.
Nina ninka kale ma oga. Waxa uu ula dhaqmaa inuu u eexanaayo oo dalku aanu qaadi karin khrash badan. Wasiir waliba gacmaha ayuu hoorsaday illeyn ma oga kan kale waxa leys yidhi. Miisaaniyaddi waxay noqotay mid gooni u aha shakhsi keliya oon Gole waxba ka ogayn oon Samaale cidi ku wehelin.

WAxa ka yaab badan kolkii Golaha la keeney lama keenin Miisaaniyad dhan oo sida cadada ah buuga miisaaniyadda Golaha laguma qaybin. WAxa wasiir kasta la hordhigey Miisaaniyadda isaga u khaas ah, midna midka kale waxa hor yaal ma oga. Deedna waxa la yidhi Wasiir waliba hoos ha u akhristo miisaaniyada Wasaaradiisa oo uu hore uga dhaadiciyey Samaale inuu u eexday. Cabaar markay aamusnaayeen ayaa Xirsi yidhi...Madaxweyne waxa la gaadhay xiligii codeynta..Madaxweynah oon erey kale ka soo bixin ayaa yidhi..Gacanta ha loo taago ansixinta Miisaaniyadda...Hal diidan ma leh. Maxay se ansixiyeen illeyn miisaaniyad ay arkeen ma jirto oo mid waliba sidii seddexda dumarka ahaa ee garabka uu taabtay ninkii qabay ee is mooday inay mid waliba uu kaligeed taabtay, ayey dhammaan is leeyihiin Samaale wuu kuu exxday ee shibtaada..

Miisaniyaddu sidaas ayey ku hirgeshay. Waxa muuqatay inuu Wasiir Xirsi yahay ninka keliya ee la oggaa Samaale arrinta sida uu u soo dhigay. Waxana cad sida Madaxweynahu meesha uga maqanyahay. Waxaynu maqaalka kan xiga ku eegi doona Miisaaniyada Wasaaaradda Maliyadda een cid kale arag sida uu Saamle ugu ritay khrashyo u gaar ah oo ah kuwa uu maanta dalka ka dhacay uba fushada danahiisa gaarka ah.

Madaxweyne waan kuu duceeya in Alle ku siiyo caafimaad, iyo inuu ku tuso sida lagagu hoos dusayo. Dulmiga dalka ka tagan adaa ka mas'uul ah ee duceyso, salaada badi Allena bari inuu ku waafajiyo hogaanka suuban. Caawa salaada subax ka hor maydho, laba ragcadood tuko oo Alle bari inuu Alle ku siiyo awood aad ku maamusho dalkan sida habboon.

 



Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@ymail.com