“Waxaynu Xooga saaraynaa Jiho cusub oo bari ah oo Aan ku soo kordhinay Siyaasadda Khaarajiga”



 



“Waxa Nasoo Gaadhay Kaalmadii u horeysay ee Toos ah oo dhan 52 Milyan oo Dolar”


“Isbedelka Siyaasadda Dibada Kumaynaan Khasaarin oo Waxa la kordhiyay kaalmadii Somaliland oo Faro-guudkood ahayd”

Hargeysa (TNN)- Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sh aaca ka qaaday in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay xiligan awooda saarayso wax uu ugu yee dhay jiho bari ah, si ay cilaaqaad adag ula yeeshaan dalalka dunida carabta iyo China.


Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa kale oo uu tilmaamay in macaamilka iyo xidhiidhka dhex maray qaar ka mid ah dunida carabta ay ka soo baxeen natiijooyin Somaliland dhiiri gelinaya. Dr. Maxa med Cabdilaahi waxa uu si qoto-dheer sharaxaad ugaga bixiyay faa’iidada ay soo kordhisay is bedelka xukuumadda Axmed Siilaanyo ku samaysay siyaasadii khaarajiga ee ay hore ugu dhaq mi jireen xukuumadihii ka horeeyay.

Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay Barnaamijka Dooda TV-ga Qaranka oo uu soo jeediyo Weri ye Muniir Axmed Cigaal. Wasiirka oo la weydiiyay waxyaabaha sababay in Imaaraadka carabtu weftigii madaxweynaha u qaabilaan hanaan mustawihiisu sareeyo, waxa uu yidhi “Dalka Imaara adka carabtu waxa uu ka mid yahay dalalka siyaasiyan iyo istaraataji ahaan-ba soo koraya ee ku yaala gacanka carabta, muddo ayaanu ka shaqaynay in cilaaqaad iyo iskaashi ina dhex ma ro, waxa xiligan noo suurto-gashay in wefti laxaad leh oo madaxweynuhu hoggaaminayo aanu socdaal ku tagno Imaaraadka carabta oo aanu aragno madaxda ugu saraysa dalkaasi qaar ka mid ah. Marka aad u fiirsato nuxurkii wada hadaladii labada geesood dhex maray wixii ka soo baxay iyo muqaabilkii sharafeed ee weftiga Madaxweynaha la siiyay. Waxay muujinaysaa in qaranimada Somaliland ay ka dhaadhacday dawladda Imaaraadka carabta.” Wasiirku waxa uu ka hadlay isbedelka ku yimid sawirkii dunida carabtu hore uga haysatay qadiyadda Somalialnd waxaanu yidhi “Waxaan aaminsan nahay in duniddu maanta Somaliland u aragto dal iyo dad jira oo arrimaheeda u madax banaan oo adduun-weynahana la leh xidhiidh iyo wada shaqayn soo koraysa. Marka laga hadlayo dunidda carabta waxaad moodaysay dhammaantood inaanay qadiyadda Somaliland gudo gelin oo aanay ogolaansho dublamaasiyadeed hore Somaliland uga helin. Hase yeeshee arrintaasi dedaal badan ayaanu gelinay.


Waxaanu hore u tagnay oo aanu kulan la yeelanay Boqorka dalka Kuwayt, waxa socdaalkaasi Madaxweynuhu ku tagay Kuwait ka dhashay wada shaqayn iyo iskaashi u bilaabmay Somaliland iyo Kuwait. Waxa dawladda Kuwait ay gacan weyn inaga siisay laba mashruuc oo lagu horumarinayo madaarrada Hargeysa iyo Berbera. Waxa kale oo aanu ka filaynaa kaalmo intaasi ka badan.”


Wasiirku waxa uu sheegay in xiligan siyaasadda dibada Somaliland diirada saarayso wax uu ku tilmaamay jiho bari ah, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Turkiga ayaa isaguna ka mid ahaa dalalkii aanu dhawaan tagnay oo Madaxweynaha iyo weftigiisii ay kulamo la yeesheen madaxda dalkaasi, waxa arrintani muujinaysaa in siyaasadda Khaarajiga Somaliland ay jiho bari ah ku soo kordhisay jihooyinkii hore ee ay qadiyadeeda gaadhsiinaysay. Haddii ay tahay wada mmada reer Galbeedka, Afrika. Waxa aanu imika ku soo biirnay dariiq cusub oo aanu awooda ku saarayno dunidda carabta. Waxaanu rajaynaynaa inay guushani noqoto mid midho dhasha oo dalkan (Somaliland) iyo dadkiisaba waxtar u leh.”

Dr. Maxamed Cabdilaahi oo ka jawaabayay su’aal ahayd in wax xidhiidh ahi ka dhaxeeyay laba dii socdaal ee aadka iskugu dhawaa ee ay ku tageen dalalka Turkiga iyo Imaaraadka carabta, waxaanu yidhi “Waxaan filayaa inay labadan socdaal ahaayeen laba kala duwan, dawladuhu way dhici kartaa inay tartan ku jiraan, laakiin ma aha wax tartankaasi isku bedelaya todobaad ama laba ee waxay qaadataa sanado. Labadan booqasho waxay ahaayeen laba booqasho oo kala duwan, labaduba waxay ku yimaadeen codsi iyo dalab ka yimid dawladda Somaliland. Waana labada bopoqasho oo mid walba ahmiyadiisa noo leeyahay xukuumad ahaan.”


Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay xoog saareen inay sii kordhiyaan cilaaqaadka ay la leedahay wadamadda Afrika, Yurub iyo Maraykanka, waxaanu tilmaamay in taasi ay sabab u noqotay in la afar jibaaro mucaawimadii ay qaar ka mid ah dalkaasi siin jireen Somaliland.


“Waxa kale oo aanu ku guulaysanay inaanu helno taakulo toos ah oo aanu ka helnay wadamada Yurub qaarkood, waxa na soo gaadhay sanadkii hore dabayaaqadiisii kaalmadii u horeysay ee toos ah ee ay Somaliland siiyaan dalalka Ingiriiska iyo Denmark taasi oo dhamayd 52 milyan oo Dollar,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.
Wasiirku wuxuu intaasi ku ladhay “Waxa kor u kacay muwaacimada midowga yurub siiso Somaliland, markaa xidhiidhka aanu wadamada reer galbeedka la leenahay waa qaar lagu najaxay. Waxase muhiim ah inay Somaliland xiligan iskaashi kale la samayso dhinaca bariga oo aan uga jeedo dunida carabta, Turkiga illaa China.”


“Waxa imika xidhiidhka aanu la samaynay Imaaraadka carabta, Kuwait iyo Turkiga nooga soo baxay facaa’il na dhiiri geliyay waayo waxay noola dhaqmayaan dawlad jirta,”ayuu intaasi raaciyay.


Wasiirka Arrimaha dibadda oo la weydiiyay bal waxa uu ku qancinayo dadka dhaliila siyaasadda arrimaha dibadda ee uu xukuumadda isagu uga masuulka yahay, waxaanu ku jawaabay “Siyaasadda arrimaha dibada dariiqyo cusub ayaa ku soo biiray, wax walibana markay cusub yihiin wax bay iska weydiiyaan. Dadku waxay yaqaanaan innagoo halkan (Hargeysa) joogna aynu dunidda ku nidhaahno waxaanu u taagan nahay Ictiraaf.laakiin arrintu waxay u baahan tahay siyaasad intaas ka balaadhan.


Xukuumaddani markii ay tallada qabatay waxay go’aansatay inay baaqyo faro badan dunida gaadhsiiso iyo inaanu ka qeyb galo shirarka caalamka iyo kuwa Geeska Afrikaba ee meelaha qaar ka khuseeya Somaliland, si aanu codka, siyaasadda, iyo qaranimadda Somaliland aanay noqon mid la qarsado balse uu noqdo mid fagaareyaasha caalamka la dhigo. Waxaanu awood u leenahay inaanu qadiyadeena iib-geyn karno isla markaana difaaci karno.”

“Arrintaasi kumaanaan khasaarine’ waa ta keentay in Soomaaliya iyo Somaliland la kala saaro oo dunidu tidhaahdo ha u wada hadlaan laba dal iyagoo kala ah. Arrintaasi may jirin laba sanadood ka hor. Waxay keentay isbedelka siyaasadda dibadu in la kordhiyo mucaawimadii faro guudkood ahaan jirtay ee Somaliland ka heli jirtay beesha caalamka. Waxa kale oo ay keentay in Somaliland loola macaamilo qaran ahaan,”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa kale oo uu mar kale ku celiyay in xukuumaddu ay go’aansatay inaanay ka qeyb gelin shirka London oo uu xusay inaanay wax maslaxad ahi ugu jirin dalka.
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa kale oo uu saxaafadda Somaliland u soo jeediyay inay noqdaan qaar dhex-dhexaad ah oo si xirfad leh u dhiga wararka ay baahinayaan. Waxaanu u soo jeediyay inay wixii dhaliil ah xukuumadda ugu bandhigaan hanaan hufan oo wax sixi kara.

Source: Somaliand.org