W/Daakhiliga Iyo Taliyaha Booliska Oo Ka Waramay Natiijadii Hawl-galo ay ka fuliyeen Dalka

 



“Waxa Xididadda loo saaray dhammaan cabsidii ka soo yeedhaysay dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka “


Hargeysa (TNN)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa shir jaraa’id oo ay galabta ku qabteen xarunta wasaaradda daakhiliga, waxay ku sheegeen in hawl-gal balaadh an oo ay ka fuliyeen magaalooyinka Hargeysa iyo laascaanood ay ku soo afjareen cabsidii So maliland ka qabtay falal argagixiso.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) oo ugu horayn shirkaasi jara a’id ka hadlay ayaa sheegay inaanay maanta Somaliland ka jirin cabsi weeraro argagixiso.

“Waxa Xididadda loo saaray dhammaan cabsidii ka soo yeedhaysay dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ee sababtay inay dawladahaasi dhawaaqaasi soo saaraan ka dib markii ay soo gudbiyeen xididadda ayaa loo saaray. Waxa la isla gartay cabsidaasi inaanay maanta ahayn mid jirta. Xog timaada mooyaane’ xogtii hore dhammaantood xididadda ayay Ha’yadaha amnigu u siibeen,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

Wasiir Duur oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Hadda waxaynu sugnaaba waa jawaabta ka soo yeedhaysa xafiiska arrimaha dibadda Ingiriiska oo markii hore dhawaaqan soo saara y.ALXAMDULILAAH meel wanaagsan ayaan arrintaasi soo gaadhsiinay, waxaan dadweynaha u soo jeedinayaa inay kordhiyaan taageeradda ay ciidammadda ammaanka la garab taagan yihiin.”

Md. Duur waxa uu baaq u diray culimadda Somaliland oo uu u soo jeediyay inaanay la baqan xogta badan ee ay hayaan, isla markaana ay dadweynaha ka wacyi-geliyaan khatarta Arga gixisadda, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Sidoo kalena waxaan halkan fariin u ga dirayaa culimo-awdiinka ummadda waxaynu ka baran karnaa xogta, waxay ogyihiin khalad kasta oo loo adeegsaday diin oo ay dad argagixiso ahi adeegsadeen. Waxa culimadda soo gaa dhay Somaliland kamay dhicine’ in raggii waaweynaa ee culimadda ahaa lagu dilo dariskeena. Masiibadda agteenna ka dhacaysaa ma aha mid aynu ka fog nahay, laakiin ILAAHAY mahaddii waanay ina soo gaadhin.

Markaa waxa weeye inaynu taxadirkeeda aynu yeelano.Anagoo uga tacsiyadeynayna oo dii dan in dadka culimadda ah la laayo, markaa culimadda waxaan ugu baaqayaa inay si geesinim o leh ay ummadda uga wacyi-geliyaan khatarta Argagixisadda.”

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa isaguna sh eegay in hawl-galo balaadhan oo ciidammadda booliska iyo kuwa kale ee ammaanka oo isgara bsanayaa ay ka fuliyeen magaalooyinka Hargeysa iyo Laascaanood ay ku soo qab-qabteen da d badan oo uu tilmaamay in tuhuno argagixiso galeen.

“Ciidammadda booliska iyo Kuwa kale ee ammaanku waxay beryahanba ugu ku gudo jireen ha wl-galo aad u waaweyn oo aad uga adag kuwii hore oo laga fuliyay Laascaanood iyo Hargey sa, waxaan ka codsanaynaa dadweynaha Somaliland inay sii kordhiyaan taageeradda ay ciida mmadda amniga la garab taagan yihiin,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan.

Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu intaasi ku daray in hawl-galadii ay habeenadii la soo dhaaf ay fuliyeen ay qeyb ka tahay in Beesha caalamka loo xaqiijiyo in Somaliland amni ahaan sugan tahay.

“Tiro dad ah ayaanu ka qabanay Caasimadda Hargeysa iyo Gobolka Sool, baadhistoodiina way noo socotaa, waxaanan u mahad celinaynayaa dadweynaha iyo ciidammadda ammaanka ee hawl-galadan ka shaqeeyay,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku.
 


Cumar Maxamed Faarax