Wefdigii Madaxweynaha oo Si Hore aan loo Arag Loogu Soo Dhaweeyay Jabuuti

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa maanta waxa Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Djibouti ku soo dhaweeyay, Raiiisal Wasaaraha Dalka Djibouti, Mudane, Diletta Maxamed Dilleta,

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Djibouti, Mudane, Maxamed Cali Yuusuf iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane, Cali Cabdi Faarax iyo Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Dawladda Djibouti, weftiga nasasho yar kadib oo uu qolka nasashada ku qaatay, waxa toos loogu soo gudbiyey huteelka weftiga loogu tallo galay ee Kempinzki internatioanl hote.

Sidoo kale waxa Madaarka Wefdiga Madaxweynaha ku soo dhaweeyay dadweyne aad u tira badan , waxana loo soo dhaweeyay si aan hore loo arag Wefdiga Madaxweynaha Somaliland.
Wefdiga Madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Maaliyada Mudane Xuseen Cali Ducaale , Arrimaha Dibada Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale, La Taliyaha Madaxweynaha ee Ciidamada Mudane Cabdi samad iyo xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise.

 


Alla Mahad leh

Xuseen Cali Ducaale
Wasiirka Maaliyada Somaliland,
Ahna Afhayeenka Wefdiga

 

xg:Somalilandnation