Wefti balaadhan oo ka socda Dalka Imaaraadka Carabta kana jawaabaya baaqii madaxweynaha Somaliland ayaa saaka si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka Cigaal International Airport



Weftigan oo ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay baaqii madaxweynaha Somaliland dhawaan u diray beesha calaamka


Hargeysa (TNN):-Waxa maanta wefti balaadhan oo ka socda Imaaraadka carabta dalka ku soo dhaweeyey safiirka Somaliland ee dhawaan madaxweynuhu u magacaabay dalka imaara adka carabta inuu Somaliland wakiil uga noqdo Amb. Baashe Cawil Cumar oo ay wehelinaya an wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda Somaliland, Mudane Keyse Guray, La-taliyaha madax weynaha ee Arrimaha Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah Amb. Cabdifataax sic iid Axmed, Gudoomiyaha xafiiska diwaanka Sekada Sheekh Siciid Maxamed Daahir, iyo isu-du waha xafiiska samafalka ee Wasaaradda dib u dejinta Somaliland.

Weftigan oo ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay baaqii madaxweynaha Somaliland dhawaan u diray beesha calaamka iyo hay’adaha samafalka ee dhinaca Abaaraha la xidhiidh oo ay wef tigii u horeeyey soo dirtay imaaraadka carabtu, ayaa safiirku ku soo dhaweeyey subaxnima dii hore ee maanta garoonka diyaaradaha ee cigaal international airport. Weftigan ayaa noq onaaya weftigii saddexaad ee dalka soo gaadha intii madaxweynuhu magacaabay wakiilka imaaraadka carabta.

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Safiir Somaliland Ee Wadanka Imaaraadka Carabta Ba ashi Cawil Cumar oo yidhi “ Maanta farxad weyn bay runtii noo tahay inaan halkan kusoo dh awayno Hay’adda KHALIIFA FOUNDATION (Hay’adda Kheyrigaa ee Dawlada Imaaraadka Car abta) maaha runtii markii ugu horaysay ee Hay’addu timi dalka een marar horey timi baa jirtay oo ay ka waday haday noqoto mashaariicdii biyaha ama dhakhtarka, hasayeeshee muhiimada hada ugu wayne ay u timi runtii waxay ahayd inay u kuurgasho xaalada abaareed ee dalka ka jirta, waxaanaynu la soconaa markii Madaxweynuhu ku jiray safarkii ceerigaabo inay dalka lasoo derseen abaaro xun wakhtigaa Madaxweynuhu u saaray gudi heer qarana oo uu hogaaminaayo Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka JSL waxay guddigu markii ay deristay xaalada dalka ay sameeyeen qeylo dhaan ay u direen dhamaan Hay’addaha dunida iyo wada mada aynu jaarka nahay iyo kuwa aynu saaxiibka nahay, Markaa Madaxweynuhu isagoo tixgelinaya taladii gudiga waxaa uu sameeyey inuu u diro codsi Dawlada Imaaraadka Carabta uu ka codsaday in lasoo taakuleeyo shacabka reer Somaliland ee iyagu dhibaataysan marka a arrintani waxay jawaab u tahay taakulayntaa iyo dalabkaa uu Madaxweynuha JSL sameeyey,”

Waxa isna halkaa ka hadlay Wasiir ku xigeenka Waarada Arimaha Dibada JSL Axmed Aadan Ismaaciil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu tidhi “ Runtii maanta oo ay bishu 16- august waxaa farxad weyn noo ah hadaanu nahay Wasaarada Arimaha Dibada oo aanu ku metelay no Xukuumada Somaliland ee uu Safiirkii Imaaraadkuna nala joogo innaan halkan kusoo dha weyno Sayir Khaliifa Foundation(Jimciyatul Kheyriiya) oo runtii u timi jawaabta dalabkii qeylo dhaantii uu Madaxweynaha JSL u ka diray, Fursadan annagoo ka faaidaysanayna uga mahad naqaynaa Sayid Khaliifa Foundation yacni sida dhakhsaha ah ee ay qeylo dhaantii  Madaxwe ynaha iyo Gudiga Abaaruha Gudoomiyaha u yahay Madaxweyne Ku Xigeenku ay uga soo ja waabeen,

Waxay joogi doonaan hadii illaahay ka dhigo ilaa mudo ku dhow 20-cisho markaasoo ay indhahooda kusoo arki doonaan heerka ay gaadhsiisan tahay Abaartu saamaysay xoolaha iyo beeraha markaa runtii gadaal baanu ka sheegi doonaa meelaha ay tagi doonaan, iyagoo indhahooda kusoo arki doonaa waftiga kolay Media-hoodiina wata sida baaxada leh ee abaartu u saamaysay dad, duunyaba iyo xoolaba, Marlabaad iyo mar saddexaadba waxaanu u mahad naqaynaa Dawlada Imaaraadka Carabta iyo Siyid Khaliifa Foundation yacnii jawaabta ay kasoo jawaab bixisay sida ugu dhakhsiyaha badanle uga soo jawaabtay Dalabkii Madaxweynaha iyo qoraalka ahaa qeylo dhaanta ahaa iyo Gudiga Abaartaba ”