Wefti Balaadhan Oo Ka Socda Dalka Jabtuuti Oo Maanta Soo Gaadhay Hargaysa

 

 


 

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar oo weftigan soo dhaweeyay ayaa uga mahad celiyay dawlada jabuuti....
 

Hargaysa(TNN):-Wefti balaadhan oo ka socda dalka jamhuuriyada jabuuti oo isugu jira wasiiro,xildhibaano,ganacsato iyo masuuliyiin kale ayaa manta soo gaadhay magaalada hargaysa.

U jeedada waftigan ayaa ah sidii ay xukuumada iyo shacbiga Somaliland ugala qayb geli lahaayeen sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii Madax banaanida Somaliland oo maalinta bari ah si weyn looga xusayo guud ahaan dalka.

Weftigan ka socda dalka Jabuuti waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Haragysa ku soo dhaw eeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu horkacayay Wasiirka Arimaha Dibada Som aliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo xubno kale,dhinaca weftiga jabuuti waxaa hogaaminayay Wasiirkii hore ee Gaashaan dhiga Jabuuti Aougure Kisle, waxaana ka mid ah Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd, xildhibaano iyo ganacsato


Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar oo weftigan soo dhaweeyay ayaa uga mahad celiyay dawlada jabuuti weftigan ay u soo dirtay,kaasi oo ay u jeedadiisu tahay sidii ay shacabka iyo xukuumad asomliland ugala qayb gelilaaheeyn xuska 20-guurada ka soo wareegtay Gooni isu taaga Somaliland,waxaana uu sheegay wasiirku in weftigan uu madaxwaynaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geele u soo wakiishay in ay ka 18-ka may,iyada oo ay da wlada Somalialnd marti qaad u fidisay.


Dhinaca kale waxaa la filayaa in ay dalka soo gaadhaan saacadaha soo socda wufuud kale oo kuwaasi lagu wado in ay ka yimaadaan wada somalialnd la jaar ka ah gaar ahaana Keny iyo Ethiopia.
 

 


Khadar Cabid Muse
Timacade  News Desk
Hargaysa  Somaliland