Wefti CIA-da Maraykanka katirsan oo socdaal ku yimi Hargeysa


Hargeysa (Lobglivesomaliland News) - Wefti la sheegay in uu ka  socd ay Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, ayaa shalay socdaal ku yimi magaalada Hargeysa.

Weftigan oo ka koobnaa afar xubnood, waxa Madaarka Hargeysa ku qaabilay Saraakiil sare oo ka tirsan Sirdoonka Somaliland. Weftigan oo abbaaro 9:00 subaxnimo ee shalay ay Madaarka Hargeysa  keen tay Diyaarad gaar ahi, waxa ka soo gelbiyay Saraakiisha sarsare ee   Sird oonka Qaranka. . inkasta oo aanay jirin wax War ah oo ka soo baxay socdaalka Saraakiishan oo aan ujeedada socdaalkoodu  cadda yn, had dana siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Wargeyska  Oga al u  she egeen, weftiga iyo Madaxda Nabad-sugida Somaliland waxay  wadaha dalo muddo saacado ah qaatay ku yeesheen gudaha  Caasim ada  Hargeysa, lamana sheegin waxyaabaha ay ka wadahadleen.

Waxaanay  Wararku intaa ku dareen in ay ka soo kicitimeen dalka  Ja buuti , isla markaana waxay abbaaro 12:00 duhurnimo ee shalay dib uga duuleen Garoonka Diyaaradaha Hargeysa.

Socdaalkani wuxuu Khubaradan CIA-da ka tirsani ku yimaadeen  Harg eysa, wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalmo ka hor Wasiirka  Khaar ajiga Somaliland Cabdillaahi M. Ducaale kulan kula yeeshay  Washingt on Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Mr. Johnnie Carson, kaasoo ay kaga wadahadleen  ar rimo la xidhiidha La-dagaalanka Argagixisada iyo amniga.
 


Source: Ogaal