WAR-SAXAAFADEED

 


Madaxwayne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha madaxwaynaha Somaliland, Mudane Cabd iraxmaan C/laahi Ismaciil (Saylici), ayaa maanta hoolka shirarka ee qasriga Madaxtooya da ku qaabilay wafti balaadhan oo ka socda Isu-tagga Imaaraatka Carabta ee (U.A.E).
DSC_0001

Waftigan Imaaraadka oo ka koobnaa 10 xubnood oo uu hogaaminayay guddoomiyaha hay’ada Imaraadka Carabta u qaabilsan Arrimaha Diinta & Awqaafta, oo booqasho ku yimid dalka saaka.

Madaxa waftiga ayaa si weyn uga mahadnaqay soo dhawaynta uu kala kulmay Dawlada Somaliland iyo Shacbigeeda, laga bilaabo markii ay ka soo degeen dhabaha diyaaradaha ee Cigaal international Airport ilaa iyo intii uu maraayay xarumaha dawladda Somaliland ee uu boqday.

Madaxa waftiga hogaaminaayey Mudane Maxamed Madar Saalim Al-kacbi wuxuu ka xog waramay sida uu dalkoodu u ahaa dhowr iyo soddon sano ka hor goob lama degaan ah oo faqri iyo aqoon darro taallo, maantana dalkaasi u noqday mid ka mid ah dalalka ugu hormarsan dunida, taasi oo ku timid, ayuu sheegay madaxa waftigu hogaaminta wanaa gsan ee sheikh Saa’id Binu Suldaan Aala Nahiyan, waxaana uu intaa ku daray inuu halka n ka arkay in dalkan uu hogaaminayo Mudane Axmed Maxamed Silanyo iyo Madaxwayne ku-xigeenkiisuba ay si wanaagsan oo horumar lagu gaadhayo ay ku hogaaminayaan da lka Somaliland.

Wuxuu intaa ku daray in waxkasta oo karaankooda ah oo ay la qaban karaan aanu dalk a Imaaraadku kala hadhaynin dalka Somaliland oo uu u arko dal walaalo ah Carab ah oo Islaam ah.

Isagoo ka hadlaya noocyada taageero ee ay u fidinayaan Somaliland, wuxuu sheegay inay dhisme u samaynayaan Idaacada Qur’aanka kariimka ah ee wasaarada warfaafinta wacyi galinta iyo dhaqanka, isla markaana ay ugu tababari-doonaan Shaqaalaha ka haw l-gala Idaacada Qur’aanka Kariimka ah Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu intaa raaciyay inay mashaariic ka fulin doonaan Xarunta Agoomaha Hargays a, sidoo kalena ay jaamacada hargaysa gaar ahaan qaybta kulliyada daraasaadka Islaa miga ah ay si weyn wax ula qaban doonaan, taasina ay heshiis kala saxeexanayaan ma amulka sare ee Jaamacada Hargaysa.

Madax waftigu waxaa uu ka codsaday Madaxwayne ku xigeenka ahna ku simaha madax waynaha inuu salaan sharaf ka gaadhsiiyo Madaxwaynaha JSL Mudane Axmed Maxam ed Siilaanyo oo uu ku sifeeyay inuu muujiyay hogaamiyenimo wanaagsan sida uu ka ar kay dalka intuu ku sugnaa.

Dhinaca Somaliland Madaxwayne ku xigeenka JSL ahna ku simaha Madaxwaynaha wuxu u si weyn uga mahadnaqay hogaanka isu-tagga Imaraadka Carabta kuwaas oo uu ku til maamay inay gurmad laxaad leh oo qiimo badan u yeesheen Somaliland gaar ahaan int an abaarta ba’ani jirtay, iyadoo ayuu sheegay ku simaha madaxwaynuhu in ay dhowr jeer Imaaraadku keenen mucaawimo ay ku jirto kaalmo dhinaca ceelasha biyaha ah haa tana uu taagan yahay dekada Barbara deeq mucaawimo ah oo ay Imaaradku leeyihiin oo loogu talo galay dadka abaaruhu ku habsadeen.

Waxaanu raaciyay ku simaha Madaxwaynuhu in mucaawimo intaa ka badan waliba laga sugayo dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan wakhtigan ay sii baahday abaartu, dad iina ay u dhimanayaan xaalada abaaraha, iyadoo ay xooluhuna ka horeeyeen.

Ugu Danbayntii ku simaha Madaxwaynuhu wuxuu ka dalbaday madaxa waftiga in maha dnaq iyo salaan ka gaadhsiiyaan amiirka isu-tagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Saa’id Binu Suldaan Aala Nahiyan, xukumadda iyo shacbiga Imaaraadka, waxaana uu halkaa ku gudoonsiiyay kusimaha Madaxwaynuhu Shahaado sharaf madaxa waftiga Maxamed Madar iyo Hay’ada Sheikh Saa’id Foundation ee u qaabilsan Imaraadka gargaarka.

Waftigu intii ay dalka joogeen oo ahayd galinkii hore ee Jimacaha waxay indho-indheeye en xarumaha wasaarada warfaafinta, iyagoo shir la qaatay wasiirka wasaarada warfaa finta JSL Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo si gaara uga waramay xaal ada abaarta dalka ka jirta, oo ay ku wahelinayeen wasiirku xigeenka wasaarada warfaa finta Marwo Shurgi Xariir Ismaciil, iyo masuuliyiinta kala duwan ee wassaaradda.

Waxay kale oo ay mareen waftigu xarunta cusub ee loo dhisayo wasaarada diinta iyo awqaafta iyagoo halkaa warbixin kagaga dhagaystay wasiirka diinta iyo awqaafta mud ane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo waftiga dhiggiisa ah gadhwadeen u ahaa intay dalka joogeen, waxaa kale oo ay mareen xarunta agoomaha ee hargaysa oo ay warbi xin kaga dhagaysteen masuuliyiinta xaruntaasi ka masuulka ah oo ay horkacayso Marw o Caasha Maxamuud Qaalib, waxay kaloo mareen xarunta jaamacada hargaysa halkaasi oo ay kulan balaadhan kula qaateen Guddomiyaha Jaamacada Hargaysa Prof. Maxamu ud Yuusuf oo ay waheliyaan masuuliyiinta kale ee Jaamacadu oo uu ka mid ahaa hormo odka daraasaadka islaamiga ah Prof Bade.

Weftigan iyo socdaalkooda dalka waxa xidhiidhinaayey Safiirka Somaliland ee isu-tagga imaaraadka carab Amb. Baashe Cawil Cumar oo isagu hawlo shaqo awgeed aan u soo raacin.

Madaxda dalka Somaliland ka socotay ee dalka ku soo dhawaysay weftiga waxa ka mid ahaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Duulista iyo Hawda Axmed Nuur Faahiye, Agaasima ha Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali, Gudoomiyaha Diwaanka Sekeda Sheekh Siciid Maxamed Faarax, iyo Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi).
 


ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.