Wefti ka socda Golaha Guurtida Somaliland Oo u kicitimay Magaaladda Jig-jiga

 

 

 



Hargeysa (TNN)-Wefti uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Gudida Joogtadda ee Golaha Gu urtida Md. Muxumed Aw-Axmed iyo Xildhibaano ka tirsan Golahaasi ayaa shalay u kicitim ay xarunta dawlad-deegaanka Soomaalidda Itoobiya, halkaasi oo madaxda is maamul gob oleedkaasi kala hadli doonaan sidii loo joojin lahaa dagaallo khasaare badan dhaliyay ka dhacay deegaamo ka mid ah degmadda Gaashaamo oo u dhaxeeyay dad rayid ah iyo ciid anka gaarka ah ee Liyuu Booliska.

Weftigan Guurtidu waxa ka mid ah Xildhibaan Xaaji C/Kariim Xuseen Yuusuf (Cabdi waraa be) iyo xubno kale oo ka mid ah Xildhibaanadda ugu magaca weyn Golaha Odayaasha Som aliland, waxaana lagu wadaa inay mudada ay ku sugan yihiin magaaladda Jig-jiga inay la kulmaan madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar oo ay kala hadli doonaan sidii loo joojin lahaa dagaaladda ka dhacay deegaanka gaashaa mo oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ahi markii ay ku soo duuleen ciidanka Liyuu boo liska ee ka amar qaata isaga.

Waxa kale oo lagu wadaa inay Jig-jiga kula kulmaan odayaasha dhaqanka ee deegaanka asi.


source:so