Wefti ka Socda Shiinaha oo Booqasho ku Yimi Somaliland

 

Wefti ka socda kooxda lagu magacaabo Over Seas Group u qaabilsan wax-soo-saarka iyo ganacsiga

caalamiga ah ee dalka Shiinaha, ayaa shalay booqasho hawleed ku yimi caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Md. Cali Maxamed Warancadde oo weftiga ku soo dhoweeyey Madaarka Hargeysa, ayaa ujeeddada socdaalka weftiga ka socda dalka Shiinaha ku tilmaamay mid ka dhashay martiqaad tasmi ah oo xukuumadda Somaliland u fidisay, isla markaana dulucda safarkoodu salka ku hayo soo saarista khayraadka dabiiciga ah ee dalka iyo shaqo-abuurista muwaadiniinta Somaliland.

Md. Warancadde oo u warramayey saxaafadda maxalliga ah, waxa uu sheegay weftiga ka socda kooxda wax-soo-saarka iyo ganacsiga caalamiga ah ee dalka Shiinaha oo muddo 10 maalmood ah dalka joogi doona in ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan hay’adaha dawliga ah ee ku shaqada leh ganacsiga iyo khayraadka dabiiciga ah.

Hoggaamiyaha weftiga Shiinaha ah, ayaa isaguna sheegay in ujeeddada safarkoodu la xidhiidho sidii ay qiimayn ugu samayn lahaayeen mashaariic horumarineed oo doonayaan in dalka ka fuliyaan, gaar ahaan soo saaridda khayraadka ah ee ku dugan dhulka Somaliland.

 



Togdheernews