Wefti Ka Socda Xukuumadda Oo Gaadhay China iyo Ujeedada socdaalkooda



 


China (TNN):- Wefti ka kooban Maareeyaha Wakaalladda Waddooyinka Somaliland Prof: Xasan Cali Cismaan , Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Mudane Aadan Cabdi llahi Xassan Nugaal iyo Xoghayaha Wasiirka Madaxtooyadda Sharmaarke Axmed Muxumed ayaa soo gaadhay magaalo madaxda Gobolka Guangzhou ee dalka China.

Weftigaas oo ujeedada socdaalkooda aanu wax ka weydiinay Mareeyaha wakaalladda Wa dooyinka Somaliland “RDA ”Prof Xassan Cali Cismaan ayaa sheegay in socdaalkoodu salka ku hayo u kuur-gelidda qiimaynta iibka qalabka waddooyinka lagu dhiso oo ay darsayaan.

Meereeyuhu Waxa uu tilmaamay in ay xukuumaddu doonayso inay dalkaasi ka soo iibsato agabka loo adeegsado samaynta waddooyinka, waxaanu xusay in horumarinta jidadku yih iin hal-bowlaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo furaha dhaqaaluhu ku tannaado.


Gudoomiyaha Gudida qandaraasyada qaranka Mr Aadan Cabdilaahi Xasan Nugaal ayaa ku sheegay in socdaalkoodani uu yahay mid ahmiyad weyn u leh dalka, maadaama oo ay qiim aynayaan qalab xukuumadda Somaliland ka soo iibsanayso dalka China si ay waddooyinka u casriyeeyaan. Waxaanu sheegay inay qalabkaasi ku doonayaan qiime macquul ah oo ay awoodda dhaqaale ee dalku gaadhi karto.

Gudoomiyaha Gudida qandaraasyaddu waxa uu intaas ku daray inay hadda qiimayn iyo in dho-indhayn ku sameynayaan shirkado kala duwan oo ay ka doonayaan qalabka ay u baah an yihiin.

Aadan Xasan Nugaal waxa kale oo uu sheegay inay mudada ay joogaan dalkaasi ay doona yaan inay abuuraan xidhiidho kala duwan oo lala sameeyo sharaa’ig gacan ka geysan kara horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, sida beeraha iyo dhaqaalaha.

Gudoomiyaha Gudida qandaraasyaddu waxa uu intaas raaciyay inay isbarbar-dhig ku sama yn doonaan qiimeyaasha shirkaduhu u sheegaan ee la xidhiidha qiimaha qalabka ay u baah an yihiin. Waxaanu sheegay in socdaalo kale ku tagi doonaan waddammo kale.

Weftigan ayaa markii uu ka soo degay madaarka Gobolka Guangzhou lagu soo dhaweeyey si diiran oo meeqaam sare leh, waxaana madaarka ka qaaday Gawaadhida martidda loogu tallo-galay.

Socdaalka Masuuliyiintan ayaa qeyb ka ah himilladda xukuumadda Somaliland ee la xidhiid ha in mustaqbalka dhow la casriyeeyo jidadka dalka isla markaana arrintaasi ay u leedahay ahmiyad weyn oo ay culayska saarayaan.
 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland