Wefti Uu Hogaaminayo Safiirka Sweden U Fadhiya Kenya Ayaa Gaadhi Doona Maalinta Arbacada Dalka Somaliland

 

Kenya/Nairobi (Longlivesomaliland News)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe oo maal mahan ku sugnaa wadanka Kenay gaar ahaana magaalada Nairobi ayaa ka waramay intii uu joogay magaalada Nairobi masuuliyiintii uu la kulmay.

Waxaanu sheegay in isaga iyo gudoomiyaha kale ee xisbiga mucaaridka ah ee Axmed siilaanyo ay si gooni gooniya ula kulmeen maalintii shalay ahayd safiirada dalka Kenay u fadhiya European Union-ka gaar ahaan safiirka dalka madaxda u ah European Union-ka oo ah nin Swedish ah iyo safiirka dalka Spain u fadhiya Nairobi iyo waliba Komishanka reer yurub.

Gudoomiyaha Ucid Faysal waxa uu sheegay in ay masuuliyiintaas ay la kulmeen uu wixii ay ka wada hadleen ay ahayeen arrimaha hada ka taagan Somaliland ee ay ugu horayso diwaangelintii ay komishanka iyo madaxweynu isku raaceen laalisteeda.

Gudoomiye faysal waxa kale oo uu sheegay in laga soo amray Brussels isala markaana wasiiru khaarijiyaasha Yurub oo dhami ay doonayaa in laga soo saaro go’aan deg deg isla markaana ay ka doonayaa madaxweynaha Somaliland war deg deg.

Intaas waxa uu ku daray gudoomiyaha xisbiga Ucid in maalinta arbacada soo socota dalka Somaliland loo diri doono wefti heer sare ah oo uu hogaaminayo safiirka Sweden u fadhiya Kenya, weftigaas oo uu sheegay in ay Somaliland joogi doonaan mudo 2 ilaa 3 cisho ah si ay u ogaadan ayuu yidhi gudoomiyuhu runta iyo xaqaa’iqa ka jira Somaliland iyo wax madaxweynuhu ku keenay wax aan jirin isaga oo uga jeeday muranka diwaaangelin la’aanta.

Gudoomiyaha xisbiga Ucid wax kale oo uu sheegay in ay si weyn u rabeen in ay la kulmaan xoghayaha arrimaha dibada ee dalka maraykanka Mrs. Hillary Clinton in kasta oo uu sheegay in aanay u suuro gelin.

Wuxuu intaas ku daray gudoomiyaha Ucid in ay kulamo la yeesheen wefti ka socoda xukumada Maraykanka iyo xoghaya wasaarada arrimaha dibada u qaabilsan arrimah afrika Mr. Donald Payne iyo safiirka maraykanka u fadhiya safaarada Nairobi.

Md Faysal waxa kale oo uu gaashanka ku dhugtay in ay weftigaasi si gaara isha ugu hayeen xasiloonida Somaliland iyo hanaanka dimuquraadiyada isla markaana aanay doonayn in faraha ka baxdo nabada iyo deganaanshaha.

Ugu danbayntii Faysal waxa uu sheegay in dawladu ay xafidi kari weyday  dee gaanka u dhexeeya labada Gobo lee Awdal iyo Gabilay aanu ku tilmaamay dawlada dalkeeda xafidi kari weyday in aanay cidna ictiraafayna isla markaana aaan la maal gashanaynin.





Mustafe Future

Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa/Somaliland