Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE ee Nairobi oo la Kulmay Safaaradaha
Dalalka Denmark, Finland, Australia iyo Hay'adda USAID
Nairobi ( TNN) :- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada
Jamhuuriyadda Somaliland ee KUL MIYE, ahna murrashaxa jagada
Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu
hoggaaminayo ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Kenya, ayaa kulamo la
yeeshay Safiirrada Safaaradaha dawladaha Denmark, Finland iyo
Australia ee ku leeyihiin magaalada Nairobi iyo madaxda sare ee
hay’adda USAID.
Shir ka qabsoomay xarunta Safaaradda Denmark ku leedahay magaalada
Nairobi, ayaa dublum aasiyiinta saddexda dawladood ee Denmarka,
Finland iyo Australia ee Nairobi ku qaabileen Gud doomiyaha KULMIYE
Md. Muuse Biixi iyo xubnaha weftigiisa oo ay ka wadahadleen arrimo
kala duwan oo la xidhiidha danaha Somaliland iyo wadashaqaynta ka
dhaxaysa dawladahan.
Waxa kalo weftiga Guddoomiyuhu la
kulmeen Agaasimaha hay’adda mucaawanada dibadda ee dalka Maraykanka
ee USAID u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Tyler Beckelman
oo uu wehelinayey La-taliyaha hay'adda USAID ee dhinaca
doorashooyinka Bariga Africa Johanna Wilkie.
Weftiga Somaliland waxay kala hadleen dublamaasiyiintan iyo madaxda
USAID xaaladdaha So maliland ku jirto oo ay ka mid yihiin abaaraha
saameeyey dalka iyo doorashooyinka ku soo foolka leh oo ay u
sheegeen in labada arrimoodba looga baahan yahay beesha caalamku
inay gacan ka gaysato.
Waxa kale oo ay u soo jeediyeen in deeqaha ay bulshada caalamku
siinayso Somaliland gaar looga dhigo, isla markaana lagu saleeyo
qorshaha shanta sanno ee horumarinta Somaliland ee ay dejisay
xukuumaddu.
Dhinaca kale, weftigu waxay kulan la qaateen Afhayeenka Baarlamanka
dalka Kenya Mr. Just in Muturi iyo hoggaamiyaha Aqlabiyadda
mudanayaasha aqalkaasi Md. Aadan Barre Ducaale, waxaanay ka wada
sheekaysteen xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya iyo sida
loo sii xoojin karo.
Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa kulamadaasi ku
wehelinayey xubna ha weftiga oo kala ah Guddoomiye-ku-xigeenka
koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Ka ahin iyo Wasiirka
Wasaaradda Khayraadka Biyaha Md. Xuseen Cabdi Boos, Safiirka
Somaliland u qaabilsan Kenya Md. Cabdillaahi Cabdi Cali, Wasiirkii
hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
iyo siyaasiga Cali Baashe oo ka tirsan xisbiga KULMIYE.
Xafiiska Warbaahinta Xisbiga KULMIYE
|