Weftigii Madaxweyne Siilaanyo oo galabta soo gaadhay Itoobiya

 

 

 

Addis ababa (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminayay ee socdaalka shaqo iyo fasax ku joogay dalka Ingiriiska, ayaa galabta soo gaadhay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Weftiga oo ay madaarka ku soo dhaweeyeen Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya iy o masuuliyiin kale, waxaanay sheegeen inay caawa ku hakan doonan Addis ababa isla marka ana ay maalinta bari ee Jimcaha ay u kicitimi doonaan dalka Jabuuti, halkaasi oo la filyo inay wada hadalo iyo kulamo heerkoodu sareeyo ay kula yeelan doonaan Madaxda xukuumadda Jabuuti.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa amma an u jeediyay jaaliyada Somaliland ee wadanka Ingiriiska oo uu ku tilmaamay kuwo u abaabu lan inay taageeraan qaranimada Somaliland iyo xukuumadooda, waxanu uga mahad celiyay sidii ay u soo dhaweeyeen weftigii Madaxweynaha ee uu ka midka ahaa.
Waxa kale oo uu xusay inay kulamo la yeesheen Wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska iyo xub no ka mid ah saaxiibada Somaliland ee wadankaasi, kuwaasi oo uu kala hadlay horumarinta danaha labada dal.


Weftiga Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkiisan ku weheliya Wasiirka Arrimaha dibad a Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Ma xamed Jirde (Aamina Waris), waxa kale oo dalka Jabuuti ku sii sugan oo ku biiraya weftigan Wasiirrada Madaxtooyadda, Kalluumaysiga, Macdanta iyo biyaha, Ciyaaraha, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda Iyo La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda.

Source: Somaliland.Org