Weftigii Somaliland oo ka hadlay shirkii Istanbul iyo Qodabadda ka soo baxay

 



Istanbul,Turkiga (TNN)-Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa xalay faah-faahin ka bixiyay shirka ay kaga qayb galeen Magaalada Istaa nbuul ee Turkiga iyo Qodobada Somaliland ka khuseeya ee ka soo baxay shirkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibada oo ku sugan magaalada Istaanbuul ayaa sheegay in Somaliland ay ka ga qayb gashay shirkaas hab maamuus u gaar ah oo la mid ah ka madaxda dunnida ka socotay la siiyay.

Wasiirka Khaarajigu wuxuu xusay in weftiga uu hogaaminayaa ay kulamo la qaateen Ra’isal Wasa are ku xigeenka dalka Turkiga,Wasiirka Arrimaha dibada ee dalkaas iyo maddax ka socotay duni da.

“Arrimihii aanu shirkan Istanbuul u nimid waxay ahayd casuumad iyo marti-qaad aanu ka helay dalka Turkiga. Waxyaabihii aanu u nimidna waxa ka mid ahayd 1-Inaanu Somaliland qeybteeda ka hesho wax kasta oo taageero ah sida dhaqaalaha iyo mucaawimooyinka. 2. Waxa kale oo aanu u nimid inaanu dawladda Turkiga oo u soo banaan baxday inay arrimaha Soomaalida wax ka qabato inaanu u sharaxno kana dhaadhicino himiladda iyo qadiyadda Somaliland. 3- in aanu wadamadda aduunka ee shirkan ka qeyb galay la yeelano shir doceedyo ah kala yeelano arrimaha siyaasadda iyo horumarka ee Somaliland ka socda,”ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda oo shirkaasi markii uu soo xidhmay la hadlayay saxaafaddu.

Wasiirka oo ka hadlayay qodobadda Shirkaasi ka soo baxay ee khuseeyay Somaliland wuxuu yidhi “Qodobadda muhiimka ah ee shirkaasi ka soo baxay ee Somaliland khuseeya ee aanu filaynay ina y nooga soo baxaan waxa nooga hirgalay 1-In balan-qaadkii baaqa ahaa ee ka soo baxay shirkan in dawladda Turkiga iyo dawladihii kale ee shirkan balan qaadka ka sameeyayba ay balan-qaade en inay wixii dhaqaale ah iyo horumarin ah ay toos u siinayaan Somaliland wixii kaga soo hagaaga mucaawimaddii halkan lagaga dhawaaqay. 2-Waxa nooga soo baxay waxaanu shir la yeelanay Ra ysal wasaare ku xigeenka Turkiga iyo wasiirka arrimaha dibadda waxay sheegeen inay Somaliland ka furaynayso xafiis qunsuliyad ah iyo xaga horumarinta ah si ay muwaacimadda Turkiga iyo Som aliland u noqoto mid toos ah.3- waxay Somaliland fursad u heshay shirkan oo ay ka soo qeyb galeen lixdan dal inay ka soo jeediso dareenka shacbiga iyo himilooyinka qaranka Somaliland. 4- qodobkii ku baaqayay inay wada hadal Somaliland iyo Soomaaliya yeeshaan wada hadal ayaa ka mid ahaa isna qodobaddii ku soo baxay war-murtiyeedkii shirkaasi laga soo saaray.”

Dr. Maxamed Cabdilaahi wuxuu intaasi ku daray inay Raysal wasaare Ku xigeenka dawladda Turki gu uu dhawaan socdaal rasmi ah ku iman doono Somaliland.

Wasiirka Arrimaha dibadu waxa uu sheegay inuu khudbad nuxurkeedu ahaa madax banaanida iyo qaranimada Somaliland uu madashii shirkaas ka jeediyay taas oo uu sheegay inay beesha caalam ka kaga doonayaan Taageero dhaqaale iyo aqoonsi caalami ah.

Mudane Maxamed C/laahi Cumar waxa uu tilmaamay in iyadoo laga duulayo go’aamaddii ka soo baxay shirkii Magaalada London ka qabsoomay 23-kii bishii feberwari ee sannadkan ay beesha caalamku xaqiiqsatay kala duwanaanshaha Somaliland iyo Somalia, sidaas darteedna ay ugu baa qeen sidii beesha caalamku ay uga taageeri lahayd wada hadal laba geesood ah oo ay wada yee shaan Somaliland iyo Somalia,si ay uga wada hadlaan isla markaana uga wada tashadaan ayaahooda.

Wasiirku waxa uu cadeeyay in Somaliland loo balan qaaday in qaybteeda laga siiyo deeqaha horu marineed ee shirkaas lagu go’aaminayo, gaar ahaan in laga caawiyo mashaariicda ay ka mid yihiin Biyaha,Wadooyinka iyo wixii la mid ah.

source:
so