Weftigii Uu Hogaaminyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soma liland Oo La Kulmay Wasiirka Khaarijiga Dalka Masar Iyo Xubnu Kale Oo Ka Tirsan Golaha Wasiirada Dalkaasi

 


Qahira (TNN) :- Wefdigii uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibedda JSL Dr. Sacad Ali Shire si heer sare ah loogu soo dhaweyay dalka masar , wefigu waxay la kulmeen wasiirka khaarijiga dalka Masar Dr.Samix Shukri , kulanka labada wasiir ayaa waxaa u ka dhacay xarunta wasaaradda Arrimaha dibedda Masar, gaar ahaan xafiiska wasiirka khaaarajiga.

Waxay labada wasiir waxay ka wada hadleen sii xoojinta iyo joogteynta xidhiidhka labada dal . waxayna isku af garteen siddii dalka masaru taageeri lahayd dhanka ka qeyb qaadashada wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, kordhinta deeqaha waxbarashada somaliland la siiyo ,iskaashiga dhanka Ganacsiga iyo amaanka labada dal. Wasiirka arrimaha dibedda dalka masar Dr. Samix Shukri ayaa Somaliland ku bogaadiyay nabadgelyada iyo dimuqraadayda ka hirgashay Somaliland.

Waxa kaloo wefdiga ka socday Somalilnad la kulmeen xubno ka tirsan golaha wasiirada ee dalka masar oo uu ka mid yahay wasiirka tacliinta sare Prof. Dr. Ashref. Kulankaasi oo qabsoomay xar unta wasaarada tacliinta sare dalka masar waxay labada dhinac isku afgarteen in Somaliland si gooni ah loo siiyo sanad walba 50 deeq waxbarasho jamcadeed ah. Taageerida jamacadaha Somaliland dhanka Cilmi baadhista iyo tabobarada maclimiinta Jamacadaha. Waxa kaloo wasiirka tacliinta sare masar balanqaaday dhameystirka Xaruntii dhaqanka masar –Maktabada Masar.

Waxa kaloo wefdi Somaliland la kulmeen wasiir-ku xigeenka Tacliinta Prof. Dr. Ahmed Elgeushey waxaana kulnakaasi ka soo baxay qodobadan:

Khorninta maclimiinta Masaarida ee dhiga iskuulada somaliland, waxaana lagu kordhiyay 100 maclin oo kale. Taageerida jamacadaha Somaliland gaar ahaan kuliyadaha waxbarashada (Facu lty Education) in ay ka caawiyaan in ay jeeshaan Xarumaha tabobarada Maclimiinta.Taageerida wasaarada tacliinta masar dhanka tabobarka farsamada ee Jamacada Culuumta Bada ee Berb era .

Taageerida dhanka tobobarada maclimiinta iskuulada Somaliland

In ay masar u soo dirto Somaliland wefdi khubor dhanka waxbarashada Farsamda (Technical E ducation) si ay u darsaan baahiyaha dhanka waxbarasha farsamdaee Iskuulada Somaliland.
Waxa kaloo wefdigu la kulmeen wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Masar Marwo Dr. Maissa Shawky. Kulnanka waxay labada dhinac isku afgarteen sii xoojinta iskaasha labada dale e dhanka caafimaadka waxay isku af garteen:
In dalka masar joogteeyo soona diraan sanad walba Dhakhaatiir somaliland kafulisa qaliino bila asha ah oo wata dawooyinkoodii.

In dalka Somaliland la siiyo Deeq waxbarasho takhasus ah 5 Dakhtar sanad walba.

In somaliland la siiyo deeqo dawooyin ah , loona soo diro doono dawooyinkaas ka dib marka wasaarada caafimada somaliland ay soo dirto Liiska dawooyinka loogu baahida badan yahay dalka.
Dhameystirika Heshiishka is af-garad ee Labada Wasaaradood eeCaafimaadka labada dal.

imageWefdiga Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire waxaa ku weheliyay Danjire Ali Mohamed Ahmed –Wakiilka Somaliland ee Yemen Mr. Abdiqani Ahmed Goole- Agaas imaha Waaxda Siyaasadda Wasaaradda Arr. Dibedda Somaliland iyo Fahmi Qaasim Mohamed – Madax Bariga Dhexe iyo Aasiya ee Wasaarada Arr. Dibedda Somaliland

 



Source: Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation
Republic of Somaliland