Weftigii Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Nairobi Kula Kulmay Safaaradaha reer galbeedka

 


Nairobi (TNN)-Weftigii uu Hoggaaminayay Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Ca bdilaahi Axmed ee gargaarka gaadhsiiyay Soomaalida abaaruhu tabaaleeyeen eek u jira xerya ha qaxoontiga ee dalka Kenya, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah safiirada wadamada adduunka u jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Weftigani waxay maanta si gooni gooni ah ula kulmeen Safaaradaha Maraykanka, Canada iyo Xafiiska midowga Yurub u qaabilsan horumarinta ee Somaliland/Soomaaliya.

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka hadlay kulamadan ay la yeesheen safaaradaha waxa uu yidhi “Sidaad ka warqabtaan-ba waanagii baryahan jo ognay magaalada Nairobi kulamo kala duwana la yeelanay dawlada Kenya iyo qaarka mid ah safaaradaha Yurub iyo mayreykanka, khaastan maanta(shalay) waxaan kulamo la yeelanay safaarada mareykanaka oo uu nagu qaabilay safiirku xigeenka u qaabilsan arrimaha siyaasada Somaliland iyo Soomaaliya sidoo kale waxaan la kulanay xafiiska midowga Yurub madaxdii u qaabilsaneyd arrimaha Somaliand dhamaantoodna waxaan uga xog waranay socdaalkayaga iyo kaalmadii ay shacbiga Somaliland ugu deeqeen dadka ku tabaaloobay abaaraha iyo macalu usha Soomaaliya.”

Wasiirku waxa uu sheegay inay kala hadleen dublamaasiyiintii ay la kulmeen xaalada guud ee Somaliland ku sugan tahay xiligan.

Sheekh Khaliil Cabdilaahi waxa uu intaasi ku daray inay maalmihii la soo dhaafay la kulmeen qa ar ka mid ah safaaradaha wadamada yurub.

Dhinaca kale warsaxaafadeed uu xafiiska Somaliland ee Kenya ka soo saaray kulankan ayaa u dhignaa sidan:-“Maanta oo ay tahay 7/10/2011 ayaa waftigii Jamhuuriyada Somaliland ee mu dooyinkii danbeba ku sugnaa dalkan Kenya una yimid inay deeq ay soo gaadhsiiyeen qaxooti ga ku tabaalaysan xeryaha Dhadhaab ee ku yaala dalka Kenya ay kulamo kala gooni gooni ah la yeesheen safaaradaha dalalka maraykanka iyo Kanada ay ku leeyihiin dalkan Kenya iyo sar aakiisha midowga yurub ufadhiya xaruntooda Nairobi.

Waftiga oo uu hogaaminayay wasiirka diinta iyo awqaafta Md Sh.Khaliil Abdilahi Ahmed waxaa ku wehelinayay Safiir ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ee dalkan Kenya Md Abdirizak Ah med Karaani ayaa ka gudoomay hambalyo iyo amaan ay soo gudbiyeen saraakiishii matalayay safaaradaha dalalka maraykanka iyo Kanada iyo waliba ururka midowga yurub xaruntooda Nairobi..

Wasiirka ayaa sharaxaad balaadhan ka siiyay safaaradan dalalkan ay maanta la kulmeen weft igu ujeedada ay Somaliland deeqdan u bixisay, isagoo xusay in Somaliland ay kamid tahay dala lka ay abaaruhu saameeyeen balse ay ka hadana ka damqadeen nolosha adag ee aadka uga sii liidata ta ay ku sugan yihiin shacabka Jamhuuriya Somaliland ee ay ku sugan yihiin dadka So omaaliyeed eek u tabaalaysan xeryaha qaxootiga Kenya iyo waliba kuwa ku barakacay guda ha Somaliya ee ay abaartu sababtay ka dibna ay go aan sadeen in ay wixii ay tari karaan ee taagtooda ah taraan, waxaanay ku guulaysanay ayuu wasiirku yidhi in aan caawimo soo gaad hsiino wefti ahaan 7000 oo qoys raashin ay ku noolaan karaan in ku dhow muddo bil ah, sido o kale Md Khaliil wuxuu xusay in Soamaliland ka qeyb qaadan doonto wax ka qabashada mushk iladaha nololeed ee soo wajaha dalalka ay mandaqada ku wada yaalaan sida ay uga qeyb q aadato sugida amniga ee mandaqada geeska Afrika, wasiirku wuxuu ku wargaliayay masuuliy iinta uu la kulmay in dawlada Somaliland ay u fasaxday dekeda Berbera in laga soo dejiyo gur madka degdega ah ee la gaadhsiinayo umada ku tabaalaysan Soomaaliya.”

Dhanka kale Qunsulka guud ee safaarada dalka Kanada ku leedahay Kenya ayaa xusay in ay tahay wax aad loogu farxo in Somaliland la safato dalalka horumaray iyo dalal dhaqaale ahaan ka waaweyn iyadoo xaaladeeda la wada ogsoon yahay balse ay tahay calaamad muujinaysa dawlada wanaag iyo wax wada qabsi. Sidoo kale masuulkii metelayay wakiilka dalka maraykan u qaabilsan arimaha Somaliland iyo Somaliya ayaa ka dhawaajiyay in dawlad ahaan ay ka qeyb qaadan doonaan habaynta iyo casriyaynta dekeda Berbera si ayuu yidhi deeqaha gargaarka degdega ah oo loo wado Somaliya ay u maraan taasna y kala shaqayn doonaan haayada WFP, wuxuu intaas ku daray wakiilku in ay Somaliland ka taageeri doonaan dhanka nafaqada caruu rta.

Ugu danbayntii Wasiirka diinta iyo awqaafta Md Khaliil ayaa uga wada mahadnaqay dhamaan safaaradaha dalalka Kanada iyo Maraykanka iyo waliba midowga Yurub dhiiri galinta soo dhaw aynta ay soo dhaweeyeen talaabada ay dawlada Jamhuuriyada Somaliland qaadatay.”

Kulamadan waxa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ku wehelinayay Wasiirka Ganacsiga, warshada ha iyo dalxiiska Somaliland Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, Xildhibaan C/Qaadir Maxamed Xasan (Indho) oo ka tirsan Golaha Guurtida ooh ore u sii joogay Kenya iyo Safiir Ku xigeenka Somalil and u fadhiya dalka Kenya.Weftigan bari ayaa lagu wadaa inay dalka dib ugu soo guryo noqd aan.



Source:Somaliland.Org