Weriye Muha oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Saxafiyiitna Afrika

 

Urur cusub oo loogu tallo galay inuu xidhiidhiyo saxafiyiinta qaaradda Afrika oo toddobaadkan lagaga dhawaqay magaalada Addis Ababa ayaa guddoomiye u doortay Muha Daahir Faarax Jire oo ah saxafiyad reer Somaliland ah oo hadda Addis Ababa ku sugan.

Ururkaas oo uu magaciisu yahay Journalists for African Renaissance (JAR], waxa toddobaadkan magaalada Addis Ababa kaga dhawaaqay saxafiyiin tiro badan oo ka kala socotay wadamada kala ah Somaliland, Ethiopia, Kenya, Zimbabwe, Botswana iyo Sudan, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay kulamo ku lahaa magaalada Addis Ababa. Muha Daahir Faarax Jire, oo ka dib doorashada loo doortay hoggaanka saxaafadda Afrika hadal kooban jeedisay ayaa waxa ay balan qaaday inay ku dedaali doonto sidii ay isugu xidhi lahayd saxafiyiinta tirada badan ee ku nool Afrika, waxaanay saxafiyiinta doortay ka codsatay inay ku garab gaalaan sidii ay u gudan lahayd xilka loo doortay. "Waxaan idiinka mahadnaqayaa xilka culus ee aad ii doorateen, waxaanan balan qaadayaa inaan ku dedaali doono sidii aan isugu xidhi lahaa saxafiyiinta Afrika ee aan uga shaqayn lahaa horumarintooda." Ayay tidhi Muha oo saxafiyiitna madasha joogtay kula dardaarantay inay ku dedaalaan sidii ay u sii horumarin lahaayeen mihnadooda.

Xubnaha kale ee loo doortay hoggaanka ururkaas ayaa waxa ay kala yihiin Walter Mavisi oo loo doortay Xoghayaha guud, waxaanu ka socday wadanka Zimbabwe, Mr. Fred Oluoch oo ka socday dalka Kenya ayaa isna loo doortay khasnajiga ururka, halka Elias Mescereter oo Itoobiya ka socdayna loo doortay hantidhawrka ururka.


Muha, ayaa ah saxafiyad reer Somaliland ah oo ka tirsan Telefiishanka Qaranka Somaliland, waxaanay sidoo kale Somaliland wakiil uga tahay jariirada Sub Sarahan Informer oo ay xarunteedu tahay magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya.


 



Wargeyska Geeska Afrika