Weriye Siciid Maazim Axmed Cawaale Oo Soo bandhigay Sobobta keentay
kacdoonka shaqaalaha wasaarada warfaafintu fariinna u diray
Madaxweyne Silanyo
Anigu mudo 6 sano iyo dheeraad ah ayaan u soo shaqaynayay Tv-ga
qaranka iyo Idaacada Radio Hargeisa waxaanan uga tagay arimahaas iyo
dhexdhexaad la’aanta ka jirta..........
Ankara (TNN):-Waxa dhamaan bulshada Somaliland beryahan
dhagahooda ka badatay arinta ka taagan wasaarada warfaafinta
somaliland oo gaadhay heer ay shaqaalihii adkaysan kari waayaan
dulaynta nafsi ee lagu hayo balse laysku dayay in laga leexiyo
dariiqa dhabta ah ee ay lahayd arintu.
Marka hore waxan aad u taageerayaa isku duubnida ay sameeyeen
shaqaalaha wasaarada wa rfaafintu, mana aha markii ugu horeysay ee ay
tanoo kale dhacdo laakiin sobobta kicisay xaraa rada dulmiga ka
taagan wasaarada gaar ahaan tv-ga qaranka somaliland ayaa ku qotonta
ka dib markii ay adkaysan waayeen waxyaabaha bini-aadannimada ka baxsan ee lagula kacay sida iyada oo la duudsiyay
xuquuqdoodii, cabudhin joogto ah, gunooyinkoodii oo si sharci daro
ah loo goostay kuna dhaca jeebka maareeyaha Tv-ga qaranka,halka qaarkoodna lagaba goostay mus haharkii, waxaba taas ka daran
shaqsiyaad aan ahayn shaqaalaha rasmiga ah ee wasaarada oo ka soo
jeeda ardaaga maareeyahu (ilmaadeer isku dhaw) ay ku hayaan
bahdilaad kuwaasi oo lugu naasnuujinayo lacag shan jeer kusoo laban
laabanta inta ay qaataan shaqaalihii rasmi ga ahaa ee ay dawladu ka
qaaday imtixaanka.
Waxa kale oo jira shaqaale kale oo sanado badan ka hawl galayay tv-ga
qaranka Somaliland iyo Radio Hargeisa kuwaasi oo aan ilaa iyo hada
qaadan wax mushahar ah taas micnaheedu maaha in aanay dawladu siin
balse waxa lacagtooda qaata qaar kale oo dhexmarayaal iyo daba
dhilif u ah maareeyaha tv-ga, shaqaalahaasi dhididkooda la duudsiyay
waxa ka mid ah weriye Khadar Nuux Yoonis.
Musuq maasuqa ka taagan tv-ga qaranka Somaliland waxa uu gaadhay heer
la ba dalo oo bilaa camal laga dhigo dirawaladii lana keeno kuwo
cusub oo maareeyaha tv-gu Khadar Cali Gaas ay ood wadaag yihiin,
arimahaasi iyo kuwo kale oo is biirsaday ayaa keentay in shaqa aluhu
ay ka dhiidhiyaan bahdilaada nafsiga ah ee lagu hayo.
Anigu mudo 6 sano iyo dheeraad ah ayaan u soo shaqaynayay Tv-ga
qaranka iyo Idaacada Ra dio Hargeisa waxaanan uga tagay arimahaas iyo
dhex dhexaad la’aanta ka jirta, waxaase dhici doonta mar ay timaadaba
in ay albaabka boobaan shaqaalaha wasaaradu hadii aan waxba laga
qaban arimaha ay ka cabanayaan
Waxan jecelahay in aan si gaar ah fariin ugu diro madaxwynaha
Somaliland Md.Axmed Maxamed Silanyo oo tan iyo wakhtigii uu xilka
madaxweynenimo la wareegay aan si dhaw ula shaqayn jir ay ‘’ mudane
madaxweyne dulmigan lagu hayo shaqaalaha wasaaradu mudo badan ayuu
qarso onaa hadiise uu maanta dibada u soo baxay maaha in aad indhaha
ka qarsato ama aad baabaca da saarto shaqaalaha xaqooda raadinaya,
hadi ay dhacdo waxa ka dhalan doonta cawaaqib xu mo saamayn doonta
shaqaalaha dawlada oo dhan, waxana iman doonta in ay timaado kacdoon
shacbi oo kuugu iman doona qasriga ay umadu ku fadhiisisay’’
Timacade News Desk
Ankara,Turkey
|