WERSHEDDA SIBIDHKA BERBERA IYO GO'AAMADA MADAX
DHAQMEEDKA SUBEER AWAL
Dhammaan akhyaarta magacyadoodu hoos ku lifaaqanyihiin
oo ka mid ah qurba jooga ka soo jeeda Gobola Togdheer,
Saaxil, iyo Maroodi Jeex iyo Gabiley ayaa halka ku soo
gudbina ya fikradda ay ka qabaan iyo aragtidooda ku
wajahan hadalo is dabajoog ah oo ka soo ye edhaya koox ka
mid ah madaxdhaqmeedka Beesha Subeer Awal:--
Haddii aadamuhu ka xuubsiibto kaalintu kaga aadanaa
bulshada, oo hawl aan loo igman tu urta ku qaato waxa
hubaal ah in uu lumiyo milgihii, karaamadii, sharaftii,
qaderintii, iyo ma amuusba. Waxana hubaal ah marka ay
arrimaha noocaas ihi dhacaan in su'aalo badan la
is weydiiyo. Sida sooyaalka taariikhdeenu sheegayo
Madaxdhaqmeedku wuxu bulshada kaga jirijirteyu kaalin
mug leh oo ay ku lahaayeen ixtiraam maa daama ay hawsha
ay hayaan aq oonteedii iyo waayo aragnimadeedii lahaayeen,
sidaana ay ku kasbadeen kalsoonidii.
Horeyso iyo
dambeysaba kaalinta madaxdhaqmeed haybad iyo karaamo
kula lahaa waxay ahayd nabadaynta bulshooyinka degel
wadaag ah markay xurkufo iyo xasilooni darro ka dhex
aloosanto. Daawaantay iyo deminta colaaduna waxay ahayd
ta ugu muhiimsan. Sida darteed ayaa waxa lama huraan ah
in madaxdhqmeedka sebenku ku ekaado kaalintaa soo
jireenka ah ee ay ummada ugu igmanaayeen.
Iyada oo dalkuba sidiisa ula liito jahawareer
siyaasadeed oo la garan la'yahay xukuumadd ii dalka
taladiisa haysey meel ay ka socoto iyo meel ay ku
jiheysantahay toona, ayaan wax aan marnaba haboonayn in
ay qaar ka mid ah madaxdhaqmeedka Beesha Subeer Awal ay
ku dhex milanto qaabka iyo farsmada dib u dhiska iyo
Saami Qeybsiga Wershedda Sibidhka ee magaalada Berbera
sababtuna waxay tahay arrintu way ka baxsantahay
xeyndaabka cimaamadda madaxdhaqmeed ka taliyo. Inaga oo
ogsoon in dalku u baahanyahay wershed eyn iyo horumar
kaleba ayaa isla markaana wax habboon in jidka wax ku
qabsoomayaan a an indhaha laga lalin. Marka wershed
sibidh la hirgelinayo waxa ka horeysa in si cilmiyeysa n
looga baaran dego dhib iyo dheef masruuca noocan ah
wixii ka iman kara. Cidda daraasa dda samayneysaan waa in
ay noqdaan dad aqoonteedii leh oo lagu kalsoonaan karo.
Ka di bna waxay ummaddu iska kaashan kartaa maal gelinta
wershedda iyadoo gancsatada iyo bulshadu gudo iyo
debedba ka qeygeleysa. Shakhsi iyo kooxi toona xaq gaar
ah uma laha in ay ku kaliyeysato maalgashiga dalka e ha
la ogaado in loo simanyahay.
Sidaa marka ay tahay ayaan haba yaratee kaalini uga
bannaanayn kooxda madaxdhaqme edka Beesha Subeer Awal e
leh waxaanu go'aan ku gaadhnay in laba wershedood oo
sibid h Berbera laga dhiso. Kooxdan warbaahinta hadba wax
ka soo tebineysaa ha ogsoonaato in ay qori dab leh ku
qabteen ummaddii ay madax dhaqmeedka u ahaayeen, oo waa
taa m arkhaati madoon laba goosan u kala dhaqaaqday.
Arrintaasi waxay qumaati u dureysaa caqliga fayow oo
inna tusaya in awood dhaqaale wixii la helyo meel la
isugu geeyo si ay u fududaato kicinta wersheddan laba
iyo labaatanka sannadood fadhidey. Waxa la gudboon
madaxdhaqmeedka dalka gebebi ahaantoodba in ay ka
waantoobaan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha maa daama
aynu ka soo gudubney xiligii ay xukuumad iyo
madaxdhaqmeed talada dalka ku hirdami lahaayeen.
Ugu dambeyntii waxanu leenahay inta arrintan si toos ah
fara ugu la jirta iyo inta daaha d abadiisa ka
riixaysaba: Hayaanku marbuu ahaa; mar labaad si fudud
gibilka saarimayse, ya an meesha lagu karaamo seegin.
Madaxdhaqmeedoow shaqadaadii ku ekow oo halka bayla hda
dhabti ihi ka jirto ka hawl gala.
Magacaya dadka fikradan soo jeediyey:
Ahmed Ali Ibrahim
Hassan Osman Abdi
Adam Mohamed
Omar Mohamed
Abdirashid Hassan Ahmed
AbdiHakim Mohamed Abdillahi
Mousa Nour Duale
Ahmed H. Mohomed
Ahmed Ismail Meygag
Abdirezaq Hassan Adam
Abdi Ibrahim
Awil Adam Mohamed
Abdirasheed Ali Hassan
Ahmed Ali Hassan
Omar Hassan mohamoud
Yassein Abdillahi Elmi
Abdi Mohamed
Saeed Adan Mousa
Ibrahim Ali Osman
Dr. Kendiid Ali Hassan
Mohamed Osman Ali
Eng.Mohamed Abdillahi Nur
Hassan hussein Migane
Ali Abdi Jama (Ali Jackson)
Mukhtar Abdillahi Nur
Kendiid Ali Amman
Hussein Liban
Ibrahim Hassan Warsame
Muse Jama ( Muse Casood)
Mohamed Yusuf Ali
Ahmed Abdillahi (Gadhle)
Mustafe Hussein
Abdi Fatah Ahmed Mohamed
Farhan Abdilahi Elabe
Cabi M. Mohamud Omar Hashi
Abdirahman Yusuf (Anis)
Mohamed Ibrahim Qalinleh (Ciro Side)
Mohamud Khayre
Mohamed jama nuur
Cali Cabade
Ibrahim Mead
Abshir Nur Omar
Abdiqadir Muhumed Mah
Abdi Ismail (Dhamac)
Abdi Kayd Sahardid
Abokor Ibrahim Mohamed
Ahmed Mohamed Suleiman
Ahmed Nasir Mohamed
Ahmed Yassin Mohamed
Eric Raymond
Hassan Guleed
Ismail Hersi
Osman Hashi Awad
Hassan Adami(Cadami
Awale Abdirahman Mohamed
Abdirahman Batun
Ahmed Abdi Guleed
Yousuf Ahmed Absiye
Yousuf Jabouti
Dahir Mohamed Rageh
Mohamed Osman Ahmed
Ismail Yamakama
Mursal Odowa
Hussein Garage
Mohamed Ahmed H. Elmi
Abdirahman Kuwaiti
Mohamed Ali Hersi(Deeq)
Mohamed Osman Hashi
Mohamed Ali Egeh
Warsame Ali Egeh
Abdirahman Yousuf Osman
Ali Yousuf Osman
Ali Hassan Awale
Nasir Hassan Awale
Jamal Abdirisak (Jayna'ade
Abdirizak H. Ibrahim Jayna'ade
Mohamed Ibrahim Gamoute
Anwar Omar Kujoog
Jama Awl
Mohamed Ali Kostin
Ali Ibrahim
Wa taciyaha udun waaci
|