West London Somaliland Community oo lagu marti qaaday kulan lagaga hadlayay Geeska Afrika oo jaaliyada Eritrean-ka ee Ingiriisku samaysay





London (TNN):-Waxa maalintii Sabtida ee bishan July 20-keedi, ururka la yidhahdo Eritrean R elief Association ku qabteen magaalada Lewes ee koonfurta dalka Ingiriiska kulan ay taageer ayaashooda Ingiriiska ah ugu bandhigayeen dalalka kala duwan ee ku yaal Bariga Afrika siiba Geeska Africa ka dib markii taageerayaashoodu codsadeen.


Kulankaas waxa kasoo qayb gallay jaaliyado ka socda dalalka South Sudan, Kenya, Ethiopia, Somaliland iyo Eritrea oo iyagu qaban qaabiyay. Waxa Somaliland kulankaas ku matalayay West London Somaliland Community (WLSC).


Agaasimaha WLSC Iid Xasan Aw Muuse ayaa kulankaas ka jeediyay warbixin ku qotonta taar iikhda Somaliland iyo halkay maanta marayso. Waxa su’aalo la boobay agaasimaha dadkii Ingi riiska ahaa ee kulanka kasoo qayb gallay oo warbixinta aad u xiiseeyay, halkaas oo uu agaasi muhu si hufan ugaga jawaabay su’aalihii ku aadana dalka Somaliland. Waxa kulankan agaasim aha ku wahelinayay xubno ka tirsan gudida WLSC oo kala ah Eng. Sayid Cabdillahi Cige iyo Warda Mohamed Ahmed, iyo waliba Sagal Ahmed oo ka mida dhalinyarada reer Somaliland oo daggan East London.


Waxa kulankaas joogay Mayor-ka magaalada Lewes Marwo Ruth O’Keeffe oo aad u xiisaysay warbixintii Somaliland balanqaadayna inay wax alliyo wixi karaankeeda ah taageeri doonto qadiyada Somaliland. Sidoo kale waxa xidhiidh sokeeye dhex maray jaaliyada South Sudan oo islaan caddaan ahi matalaysay (Mrs Christina Abuk) iyo WLSC, waxayna agaasimaha WLSC u balanqaadeen in kulan uga sameyn doonaan safiirka South Sudan ee dalkan UK.


Mayor-ka Lewes iyo dhammaan dadkii kasoo qayb gallay kulankani waxa ay u mahad naqeen dadkii warbixinaha kala duwan ee dalalka kala duwan ku aadana halkaas ka jeediyay, waxayna ku nuux-nuuxsadeen in macluumad iyo xoggo ka maqnaa kulankaas loogu kordhiyay.