WEY KU CIIL BAXEEN CODKOODII EE MAXAA XIGA.
Ahmed Arwo

 


 

Bulhso wey badheedhay ooy codkoodii ku ciil baxeen. Wax yar aan iftiimiyo dhacdooyin iyo xiliyo maankeygu si ma-guurta ah u sajiley.Waa 26 Juune 2010 ayaan guulo badan, ayaan xuskeedu labanlaabmay, ayaan ididiiladii dadweynahu noolaatay, ayaan  horsee d u ah mustaqbal nuuraaya iyo horumar hagar la’aaneed. Waa ayaan Soomaliland u da reertay iyadoo siman oon qofna qof wax dheereyn, qof waliba xor u yahay inuu meel uu gooni ku yahay ku xariiqo isku-taalaab ka marag ah xisbiga iyo hoggaanka uu  dalk an u dooranaayo muddo shan sano ah.

Iyana mudnaanteed ayey yeelatay, waa habeen jimce 2 Juun 2010, waxa si rasmi ah l oogu dhawaaqay natiijadii codbixinta sida xorta ah ee xalaasha ah u dhacday. Waxa  d aaha laga furay arrin yar iyo weynba la ogaa ilaa maalintii xigtay ayaanta doorashada. Waxa la helay xogtii muraaqibiinta xisbiyada oo nin waliba soo ceshay nuqulkii loo  dhiib ay. Waxa iyadoon doorashaba dhicin laga odorasay dareenkii dadweynaha een  qarso onayn. Waa dad muddo ciishana, ciil aan aargoosi lahayn, ciil ah “maxaa xaqii aan u  la hayn inaan wax doorano noo diidan”. Wey raagsadeen, wey sugeen, wey sahansheen, wey doodeen, wey qiimeeyeen qalad iyo sax halka hoggaanka UDUB bulshada mariyey. Waxay gocdeen tamar yarida xukuumadda, dalaysiga sharciyada, shaqo la’aanta  dhali nta iyo dalxiiska hoggaanka. Waxay arkeen tamashlaha wasiirada, iyo daansho  daans hoodka lagu lumiyey hantidii qaranka, waxay hubiyeen inay u baahan yihiin isbedel  dh ab ah. Waxay arkeen danyarta guryaha bacaha ah ku jirta ee ay dariska yihiin  madax tooyada.Waxa taas marag ka ah codbixintooda ay si cad ugu kala saareen xisbiyada. Wey diideen inay qaybsamaan, wey diideen in cadad yar wax lagu kala helo. Waxay  gu ntiga isaga dhigeen sidii ay hubanti ahaan u dooran lahaayeen hoggaan wata  awoodo oda oo kalsoonidooda wax ku maamula.

Wey asiibeen oo waxay cugteen KULMIYE, xisbi qaran oo waayo-aragnimo cidi ku  gaa dhin, xisbi aqooneed, xisbi waayeel iyo dhalinyaro kulmiya, xisbi dumar iyo rag u badh ah, xisbi bari iyo galbeed ah. Xisbi darsay halkay tuurta ka lahayd xukuumadii Riyaale, xisbi ogsoon awoodda dadweynaha, xisbi ogol la xisaabtan, xisbi kulmiya aragtiyo kala duwan oo dalad u ah darafyo fikradeed sida xisbiyada dimuquraadigu yihiin. Xisbi aan qof lahayn, qoys lahayn sida dunida seddexaad, xisb qaran oo bulsho ku dhantay.

Waxaan markhaati ka noqday biseelka bulshada. Ayaamihii doorashada ka horeeyey waxaan kormeer aan kala go’ lahayn ku gaalaabixiyey Hargeysa. Ayaantii dorashada iyo habeenadii xigayna sahan, difaac iyo weerar gabad iyo dhufays la’aan ah ayey ii ahayd.Waxaa socday dilaal iyo doolar lagu hungureeyo danyarta iyo cid kasta oo lagu jilaaban karo. Dhalintu wey ka badheedeen. Waxaan maqlaayey “ KA CUN OO KA  COD EE”. Waxaan arkaayey Wasiiro, Shaqaale dawladeed, madax booliis oo si badheedh ah hantida qaranka iyo waqtigii shaqada u ololeenaaya hoggaanka doorashada lagu  jabi yey. Waxaa la adeegsaday Warbaahintii qaranka oo noqotay afkii UDUB, waxa  xiimaa yey gaadiidkii qaranka mid weyn iyo mid yarba, xafiisyadu waxay noqdeen qaar  haaw anaaya oo shaqaalihii loo diray olole aan sharci ahayn. Waxaan arkaayey kolka la arko anagoo KULMIYE ah sida sacabka iyo mashxaradda naloogu soo dhoweeyo. Waxaan arkay sida dhuumashada leh ee reer UDUB u hagoog xumaayeen.

Waan gartay in doorashada la kalo helay, waan gartay inaan dareen bulsho la gadan Karin, waan gartay inaan lacagtu hantiyi karin qalbiga dadweynaha. Waxaan ogaaday in guusha ugu weyn tahay inaan ummadeyda lacag lagu iibsan Karin. Waxaan taabtay inaan tahdiid, xadhig iyo laaluush midna joojin Karin fikirka xorta ah ee aadmiga. Waxaa kale oo guul ah inaan caadifad qabiil lagu abaabuli karin bulsho dhibta xukuumaddu wado gaadhay, inaan madaxa leyu gelin Karin, inaan gobalada cadaawad la dhex-dhigi Karin. Waxaan ogaaday in boolisku la jaanqaaday duruufaha oo ay aad ula aragti yihiin dadweynha, sidoo kale ayey ciidanku guud ahaan u noqdeen dar bisil oo fahamay  muhi imiyadda ay leedahay doorashadu iyo rajada ku sidkan, ha noqoto himmilada  dadwey naha amba ictiraafka caalamka. Waxay noqdeen in yar mooyaane, dar u darban tiirinta sharciga iyo ilaalinta dhexdhexaadnimada doorashada looga baahnaa.

Waa guul oo bayaamo isdabajooga ah ayaa bilaabmay isla maalintii doorashadu Waa hanbalyo iyo bogaadin hab-wanaaga iyo maamuuska doorashadu u dhacday. Waa kow oo Guddiga Doorashadu ubax iyo biladaba loo calaamadiyey. Waxa bulshada caalamku isku raacday inay dalka ka dhacday doorasho xor ah oo xalaal ah. Waxa akiday  goob joogayaasha maxaliga ah oo kor u dhaafay 750 xubnood. Waxa akiday culumada dalka oo soddon kor u dhaafay kana kala yimid lixda gobal ee dalka. Wey socotay oo iyadoo caleemo saar u boqooshay ayey nataakhday arbacadii kolii Xoghayaha UDUB iyo  Cism aan Hindi ay caroog tiiraanyo iyo naxadin ku riday ummadda la shir yimaadeen. “Waa lagu shubtay 4ta Gobal ee dalka iyagoo ka tegay labada gobol ee ay UDUB  hogaamin aysay oo ah Awdal iyo Saaxil”.

Intaas kumay joogsan ee afarta ayey kala sooceen si qabyaaladaysan. Waxay  damce en inay bulshada reero u kala saaraan. Waxa kow ah ooy dimuquraadiyada Afrika ku soo kordhiyeen iyo caalamka guud ahaan, xisbi talada haya oo yidhaahda “waa lana dhacay oo mucaarad ayaa ku shubtay”. Looma joojin ee bulsho waxay cod iyo adinba u taalabsatay Madaxtooyada. Waa gar iyo lama ogi ayuu Madaxweyne Riyaale bulshada ku soo dhaweeyey. Waxuu ku daray isagoo shir jaraa’id si toos ah xaal uga bixiyey  wa xii shalay UDUB ka soo yeedhay. Waxuu kaloo uu si wacan ugu bushaareeyey inaan qas iyo qalalaase ka dhacayn dalka oo haddii laga helo uu si sharaf ah ku wareejin doono xilka. Waxay noqotay guul bulshadu isku hanbalyeysay. Dhinaca kale labada  hawlwade en ee UDUB, waxa weli leys weydiinayaa ma keli ayey talada fooshaxun ku ahaayeen, mise dabin loo xidhay ayey qoorta la galeen, oo waa aargoosi hoose oo dhexyaal UDUB iyo fashilkeeda siyaasadeed. Waqtiga ayaa ka jawaabi iyo dildilaac iyo eedeemo so bixi doona sida looga bartay xaalkan oo kale.

Waa 2 Juun 2010 iyo madal aan goobjoog ka ahaa, madal sharaf iyo quruxda Maansoor ay weheliso bulsho u soo labesatay maalin ciida iyo aroos umadeed. Komishanku  wax uu ku dhawaaqay in Doorashada ay ku Guuleysteen Axmed Maxamed Siilaanyo oo  Mad axweye ah, iyo Cabdiraxmaan Saylici oo KU xigeen ah. Waxayna ku sheegeen inay  xisbi yadu kala heleen tiradan:

 

KULMIYE

266,906

UDUB

178,881

UCID

92,459

TOTAL

538,246


Kumiye waxuu helay tiro u dhiganta inta labada xisbi heleen. Waana kalsooni buuxda  o o dadweynahu u muujiyeen. Waxa bilaabanatay sidii KULMIYE u dhisi lahaa xukuumad kooban oo tayo leh, barnaamaj horumar dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeedba leh. Waxa bilaabantay hawshii muddada dheer laga dhur-sugaayey. Waa mid u baahan  fiir sasho iyo foojignaan, waa mid u baahan midnimo, waa mid u baahan uruurin iyo  dulqa ad. Waa guusha ummaddu siisay oo hagrasho la’aan loo ajiibo. Dedaal aan la nasan, da acadnimo lagu shaqeeyo iyo hawl-maalmeedka xukuumadda oo la labanlaabo.

Waxa dimuquraadiyada Somaliland cagta saartay dhabbo aan soo noqod lahayn. Waxa si sharaf leh hanbalyo iyo ereyo qiime leh soo jeediyey Murashaxiintii laga  guulaysata y. Waxa lama ilooban ah sida Madaxweyne Riyaale uu hanbalyo iyo gacmo furan ugu fidiyey Madaxweynaha Cusub. Sidoo kale ayuu Mudane Faysal Cali Xuseen uu hanbalyo iyo bogaadin u soo jeediyey Madaxeyenaha cusub isagoo sidoo kale uu hanbalyada u diray shacbiga Somaliland talooyin wax-ku-ool ahna u soo jeediyey kuna balan qaday inuu xukuumadda cusub la shaqayn doono. Waa guul aan bar mugdi lahayn, waa  wada jir tilmaamaaya biseelka xisbiyada, tabo-galka dimuquraadiyada iyo baraaruga bulsho weynta Somaliland.

MAXAA XIGA EE LOOGA BAAHAN YAHAY MADAXWEYNE RIYAALE


Hadalka Madaxweyne Riyaale ee bulshadu u bogtay,waa inay xigtaa xil-wareejin  xuku umadda ah min madaxweyne ilaa Wasaarad kasta oo raad-raac leh, la-xisaabtan leh, tilmaan iyo dardaaran leh, hanti-tirin leh, waa inaan carqalad iyo qodox hoose loo  dhi gin maamulka cusub. Insha Allah Madaxweyne Riyaale taasna wuu gudan, oo si  habbo on ayuu xukuumaddiisa u fari inay gutaan waajibka qaran. Qiimeynta ugu weynina waa kolba sida ay xilka u wareejiyaan, iyo raad-raaca ay ka tagaan. Taas ayaa lagu  xusuu san laguna qiimeyn, taariikhdana u gali doonta.

MAXAA XIGA EE BULSHADU SUGEYSAA

Haddaba waxa mudan in caalamka oo indhaha inagu haya laga faa’iideysto lana  muuji yo midnimada dadweynaha iyo ka midho dhalinta rabitaankooda. Hab-maamul-wanaag u waa muraayad ka turjumaysa tayada dawlada, waxa qadarin iyo qiimo lagu helaa  w aa inaynu dhisno maamul la dagaalama musuqa, dhisa bulsho sharcigu hogaamiyo, nida am sima muwadinka yar iyo weyn, gobal kasta ha joogee. Maamul daryeela haweenka iyo dhallaanka, u heegan ammaanka qaranka, badbaado caafimaad iyo horukac dhaqa ale leh, mid waxbarasho iyo adkeynta dimuquraadiyadda iyo hay’adaha sharci dejinta iyo garsoorka leh.

Wey ku ciil baxeen codkooda, ee ILLAAHAY ha ka ajiibo rabitankooda ay doonayaan  h oggaan daacad ah, ma daalo ah, una horseeda bashbash, barwaaqo, iyo cadaalad. Waxa KULMIYE ahaan inoo yaala tabo-gelinta barnaamajkii codbixiyayaashu inoogu  co deeyeen. Waa inaynu kaalin xisbi iyo mid shakhsiba u diyaar ahaanaa u-adeega  bulsh ada iyo ka-midho-dhalinta barnaamajka lagu cabri doono wax-qabadka xukuumadda  M adaxweyne Ahmed Siilaanyo. Iyadoon ognahay inaan barnaamaj sadaal ah iyo odoros qorshe aan meelna boqolkiiba boqol laga fulin, haddana waa in hadafkeenu ahaadaa tiigsiga ugu fog uguna sareeya ee la fulin karo, iyo inagoo u soo bandhigna bulshada dhib kasta oo carqalad ku noqota rumeynta qorshaheena. Waxa inoo sal ah la-tashi bulsho iyo nidaam ku dhisan la-xisaabtan iyo furfurnaan. Waa in xukuumadda cusub ahaataa mid daahfuran oo ku bilowda xilwareejinta, iyadoo la sheego waxii wasaarad walba loogu tegay iyo halka miisaaniyaddu ay marayso, sidoo kale hay’ad kasta.

Hambalyo kal iyo lab ah waxaan u dirayaa Hoggaanka cusub, shacbiga, xisbiga  KULMI YE taageere iyo hawlwadeenba, Guddiga doorashada,Guddiga Anshaxa doorashada, Xisbiyada laga guulaystay, Ciidamada qalabka sida, iyo tiirka adage ee warbaahinta xorta ah ee leh Wargeesyo, TV, iyo internet, iyo Radio Hargeysa..

Guul Alle ayaa leh, hanbalyo iyo bogaadina bulshoweynta Soomaliland ayaa leh.

Waa inoo maqaal kale iyo dareen aan idinla wadaago, Insha Allah
 

 


Ahmed Arwo

+2522 4096421
Hargeysa
samotalis@gmail.com

JOIN SAMOTALIS Group

http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/group.php?gid=143687650990&ref=mf

JOIN SAMOTALIS Page AT:

http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/pages/SAMOTALIS/238585618589

http://samotalis.blogspot.com/