Weynow Laba Taloba tii Roon.AAMIIN!!
Laba talaabo oo in badan iskaga
mid ah keebaa u dan ah ummadda ? Tirakoob qabyo ah oo aan sax
aheyn laakiin dabada ay ka riixayaan deeq bixiyayaasha iyo
diiwaangalin la'aan laga wada dharagsanyahay galda
loolooyinkeeda midkee lagu qabtaa doorashooyinka madaxweynaha JSL? Labadaa astaamood ayaa lagaga
soocaa Somaliland wadamada kale ee mandaqadda ku yaal gaar ahaan
Somaliyada ay naafeysay qalalaasaha iyo jahawareerku. Hadaba waxa imika fooda inagusoo
heysa doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo dhowr jeer oo
hore dib loo dhigay.Mar kasta oo dib loo digabana waxa ay inagu
abuurtay jahawareer iyo murran mararka qaarkood meel fool xun inaga
gaadha ,oo khatar gaadhsiiya jiritaanka Somaliland. Nasiib wanaag
mar walba waa loo guntaday oo sidii caadadeenu aheyd caqligaa laga
shaqeysiiyey oo is afgarad iyo wanaagbaa lagusoo afjaray dhibaato
kasta oo inala soo darista. 1) In talada la inala leeyahay oo sidii kuwii hore aanay aheyn.Talada habka doorashada waxa aynu waxa ka siinay shisheeye.Sidaa waxa aynu u yeelnay waxa ay aheyd inagoo ujeedo ka leh.Ujeedadaas oo aheyd markhaati caalamiya in ay huwanaato natiijada doorashadu. 2) In ay mudadii hawsha la gali lahaa ay gaabantahay oo aanu waqtigu inoo saamaxeyn in aynu la habsaano xallinteeda. 3) In maanta ay adagtahay oo dadku aanu liqi kareyn ama aqbali kareyn dib u dhig kale oo ku yimaada doorashooyinka 4) In uu caalamku aad daneynayo oo ay tahay mashkax la inagu qiyaasayo halka ay arrini inaga taal iyo mudakarnimadeena siyaasadeed. Waxa diyaar la inoola yahay in haddii si hufan oo xalaal ah aynu u qabsano doorashadan abaal weyn, oo wax ka tara himiladeena iyo qadiyadeena muqadaska ah, la inoo huro. 5)
In cadowgu aad u jecelyahay in aynu ku guuldareysano si aanay inoogu
suurtoobin in aynu helno abaalmarintaa caalamku inoolaa diyaarka
yahay. · In doorashooyinka lagu galo
diiwaangallin la'aan sidii kuwii horeba u dhaceen oo ay
ayidsanyihiin xukuumadda iyo xisbiga talada haya. 1) Waxa ay xisbiyadu ku heshiiyeen in natiijada kasoo baxda serverka lagu dhaqmo oo la ixtiraamo. Lagama afeef dhigan haddii boqolkiiba boqol natiijada lasoo saaraa sax noqon waydo ha la laalo. La islama meel dhigan ilaa xadkee in uu sax noqdo natiijada uu serverku soo saari doono ee aynu ku dhaqmeyno. 2)
Kol haddii labada dariiqoba uu madmadow iyo galdaloolooyin ka
muuqdaan waxa haboon in aynu qaadano ka aynu aduunweynaha ayidaad
kaga kasbeyno oo ah ka natiijada serverka ee la hayo. Waxa arrimahaas oo dhan ka wada mudan wixii lagu heshiiiyo.Somaliland na waxa ay halkan kusoo gaadhay in amuuraheeda ay ku dhameystaan is afgarrad, wada tashi iyo isu tanaasul. Reer Somaliland waa in aanay noqon kuwa ku hafta kala doorashada laba talaabo oo aan farraqweyniba u dhaxeyn oo ku murrankoodu u horseedin in ay ka wiiqanto doorashadu. Waxan ka digayaa in aynu noqono
inagoo isku luqad, dhaqan, iyo isku dan ba ah la inoo kala
turjumo oo cid kale inoo kala dab qaado sida ka dhacda reer Somalia.
|