Worldremit oo ku Guulaysatay Abaalmarintii Ganacsiga ee Somali Achievement Awards 2010

 


Dr Ismail Ibrahim Ahmed, ayaa ku guuleystay abaalmarintii qaybta shirkadaha ganacsiga....


London (TNN)-Maareeyaha Guud ee shirkadda WorldRemit, Dr Ismail Ibrahim Ahmed, ayaa ku  guuley stay abaalmarintii qaybta shirkadaha ganacsiga ee Somali Achievement Awards 2010, taasi oo loogu aqoonsadey in shirkadda uu sameeyey wax weyn kusoo kordhisay nidaamka xawaaladaha.

Shirkadda WorldRemit (www.worldremit.com) oo uu aasaasay Dr Ismail Ibrahim Ahmed,waxay u  suu ra gelinaysaa dadka in iyaga oo gurigooda jooga ay ehelkooda lacagta u xawili karaan iyaga oo  isticm aalaya Debit ama Credit Card. Waxay tani u suuragelinaysaa in dadka lacagaha biilasha ah diraa ay g ebi ahaanba ka maarmayaan wakiilladii lacagta caddaanka loo geyn jirey ee wakhtiga badani ku lumi jiray.

Mulkiilaha shirkadda WorldRemit, Dr Ismail, oo ka hadlaya abaalmarintan ayaa yidhi, “Aad ayaan ugu faraxsan ahay in aan abaalmarin labaad isla sannadkan gudihiisa ku helo waxyaabaha cusub ee  Worl dRemit ku soo kordhisay nidaamka lacag diriska ee Geeska Afrika”.

Shirkadda WorldRemit waxay hore ugu guulaysatay oo kaalinta koowaad gashay tartan dhex mara s hirkadaha wax cusub soo kordhiya ee doonaya in ay maalgelin helaan. Tartankaasi oo ka dhacay  jaa macadda London Business School bishii May 2010 waxaa ku guuleystay WorldRemit oo heshay  abaal marin qiimaheedu ahaa £10,000. Waxay taasi shirkadda u suura gelisay in ay maalgelin ka hesho  “pro fessional investors”.

Ilaa 90% lacagaha biilasha ah ee Soomaalida ku nool Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ay u diraan ehe lkooda waa $100 ama wax ka yar, laakiinse wakhti marka la isku soo celceliyo gaadhaya saacad ayaa qofkiiba kaga luma in uu u safro meelaha wakiilladu ku yaallaan. Waxa intaasi dheer in meelaha lacag aha laga diro qaarkooda aanay macaamiishu ka helin Privacy oo marka faahfaahinta lacagta la yeed hinayo ay maqlaan dadka kale oo dukaaka ama Internet Cafe-ga wax ka iibsanayaa.

Worldremit waxay suura gelinaysaa in sidii looga maarmay tigidhadii diyaaradaha ee Travel Agent-ka laga iibsan jiray in gebi ahaanba laga maarmo wakiilkii loo tegi jiray si lacag yar oo biil ah looga diro.
 

 


Timacade News Desk