WUXUUN BAAN DUNSHAA, MABA DAYRAN KARO

 



Waan idin salaamay dhamaan Timacade website Groub ,iyo dhamaan reer somaliland ka dhab ta een is daad raacinayn. Marka labaa waxaan halkan ku soo lifaaqa,maan sadan ku  xusan, idin koo mjahad san ila eega.


Waa Masaafo, la magac baxday ( WUXUUN BAAN DUNSHAA, MABA DAYRAN KARO).Waxay soo baxday maanta oy taariikh du tahay 11/3/2013. sida akhris wanaagsan
 

 


Duul baan wadaa, wada dirira yoo
Dabkii baan bakhtiin, duur ka laygu shiday
Doog iyo nimcaan wada Diidayaa
Duli baan rabaa, Dusha layga raro
Anoon daalin baan, Raaxo daydayaa
Dub jir baan ahoo, Darbiyada fadhiya
Aqal kaan dun shaan, maan ta dayrayaa
Igu digay col kii, Danab kay la dhacay

*****

Daruuraha hor teed, wax ba siima dayo
Onkood ka dushiyo, Sanqadhadaba dul dhigay
Hilaacoo daryeel igu dadan dhamaan
Roob kiyoo da,an Biyo daydayaa
Dooxoo socday Dabay shina dhacdaa
Doog dhabasha iyo,Dhaan ki may dayn
Dibiraan habeen, macaluul ku daray

*****

Diraac muuqataan, Meel kale dayaa
Dayra dhaaf ka jira, Dirbibaan hurdaa
Nin kaan shalay dilaan, Maan ta doonayaa
Awr kii aan dabreen,Dusha sare ka raray
Suun ka uugu daray,Dacshana ka xidhay
Indhuhuna dam yiin, Maqal kina dabool
Daah adag ku xidhay, Ku dabaalay xero
Dayr adag ku jira, Miyuu socod dayaa ?

*****

Anigoon dabaal , Durki karin awood
Doonidii badway, Duufan ku kacay
Dhakhal kana mid baas, Dusha uuga baxay
Inta aanay dagay, Ma dabaalan karo
Dalool baa jiroo, Biyuhuna daf yiin
Dildilaac da yoo, Dhakkal kiina jabi
Libaax baa dushiyo, Dacalada ka jira
Maska duluc layn, Micidana ku daya
Anigana dan tii daaqad baa I maqan
Dabaylaha war kii, Taar kii ma dirin
Waxaan doonayana Daahir uuma aqaan

*****

Dafloow waanadii,Taariikh ma dayin
Halkii lagu dagee, Lagu dilay barayana
Damac baa jiroo waa la doonayaa
Garashaa dilaal, loo diaray malaal
Diir kuun baan arkee, Hoos taba ma dayin
Dawladaan dhisteen ku dadaalay waa
Haddii ay dur keen,Meel kala la dayay
Liixdan kii may dayin, Mana dayo aqoon
Wuxuun baan dunshaa, maba dayran karo

*****

Damqashana nacoo, Maba helo dubaax
Dayn kiyo magtana, Maba doonan karo
Nin kii shalay I dilay, kuma dayo colaad
Taariikh da duug, Kuma dayo aqoon
Dumaashii horaan, Wali daba socdaa
Dabin kaan galaan , Hadda doonayaa
Dushoo layga rarao, Darxumaan rabaa
Ma dayoobo nacas, Mana dayro nacab
Doqon tana warkeed,Dab kii baa ku maqan

*****

Nin ka daawi geel, Daylo iyo lax dii
Dibi naaxayoo,feedhuhu durkeen
Geed damala hoo,Dooguna ag yaal
Darajiyo wanaag , lagu daray tilmaan
Dawlad calan lahoow,Wehel diintu tahay
Dayax muuqda oo, gacan lagu dadayn
Cadceedaa dushana lama dayri kari
Maxaan donayaa, maxaan diidayaa?
Dab miyaan sudhnaa, waxaan door tay bari ?
Haba dooxan tee miyaan kala dirnaa ?
Door kani adduun muxuu doonayaa ?
Dabin kaa qarsoon ,Miyaan door ka biday?
Daluun aasan uun Miyaan daba socdaa ?
Daacaddii Rasuul, Miyaan diin ti nacay ?
Deeq dii ilaah Nagu doojin jiray
Dalkeenii dhamaan, miyaan daadi naa ?

*****

 

 

Abdulkhaliq Ali Mohamed
S. Arabia