Md. axmed cabdi-xaabsade oo ka soo degay gegeda diyaarahada ee magaalada london

 


Md. Xaabsade ayaa waxa garoonka Heathrow ku sugayey boqolaal ka mid ah Jaaliyada J. Somaliland ee Magaalada London. Waxaana loo galbiyey Mudanaha dhisme loo qurxiyey oo ku yaala Magaalada London.

Waxa ka soo degay gegeda diyaaradaha ee magaalada London siyaasiga weyn ee caanka ah Md. Axmed Cabdi Xaabsade.Xaabsade ayaa waxa garoonka Heathrow ku sugayey boqolaal ka mid ah jaaliyada Somaliland ee magaalada London,waxaana loo galbiyey dhisme loo qurxiyey oo ku yaala magaalada London.

Siyaasi Xaabsade ayaa wuxuu ka soo qabtay jagooyin kala duwan xukumadahii Soomaaliya soo maray oo dhan,isagoo Somaliland ka noqday gudoomiyaha Baarlamaanka,sidoo kalena ka noqday Puntland wasiirka arimaha gudaha,kadibna qayb weyn ka qaatay in gobolada Sool,Sanaag,iyo Buuhoodle ay mar labaad ku soo laabtaan gacanta Somaliland.


Xaabsade ayaa waxa ugu weyn booqashadiisa arrimo la xidhiidha caafimaadkiisa,isaga oo la kulmi doona dhakhtar loo  diyaariyey,wuxuuna markaas kadib kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda dawlada ingiriiska iyo jaaliyada Somaliland.