Xaafado ka mid ah Magaaladda jabuuti oo Rabshaddo dhaxtuur ka dhex
Aloosanyahay iyo Booliska oo la tacaalaya Daminta Rabshadahaasi.
Jabuuti (TNN)-Jawiga Magaaladda jabuuti
ayaa maalmihii ugu danbeeyay laga dareemayaa qalalaase u dhexeeya
xaafado ka mid ah magaaladda jabuuti oo uu ka bilaabmay dhagax tuur
iyo shiid u dhexe eya dhalinyaradda xaafadaha kaarteeyadda.
kuwaasi oo ku dagaalamaya xaafado iska soo horjeeda gaar ahaana
dhalinyaradda oo isu adeegadda dhagaxaan iyo budhadh halka qaar kale
ay soo qaataan faashash iyo toorriyo, waxyeelana la soo g aa
dhsiiyay qaarna midiyo la galiyay.
Subaxdii marka aad toosto ayaa waxaad ku waabariisanaysaa waxaa jira
shiid saaka oo kaartee heb el iyo kaartee hebel ayaa is
laynayee ha bixin
Booliska Dalka jabuuti ayaa kala dareeriya maalin walba Xaafado
dhagax tuur isku adeegsanaya, iya da la raafo isla markaana la xidho
dhamaan dhalinyarada ku dhaw goobaha uu dagaalku ka dhacayo.
Booliska ayaa Waxyeelo soo gaadhsiiyay dadka ku dhaqan goobaha
shiidku ka dhacayo gaar ahaan meheradaha qaarkood ay albaadada u
laabaan sida hoteeladda gaar ahaana kuwa ku yaala istaanka baabuurta
Hargeisa ama Avenea-ga, kuwaasi oo boolisku qaarkood ka jajabiyo
alaabadda iyaga oo aan waxba galabsan.
Kuma koobna Dhagaxtuurku laba xaafadood oo kaliya balse waxa uu
maalinba dhex maraa laba ama seddex xaafadood kuwaasi oo isku
shiidaya xaafad xaafad balse aan la garanayn u jeedada dhabta ah ee
ka danbaysa dagaalkan subax walba lagu waa bariisto.
Ardayda Dugsiyadda iyo Jaamacadda Dalka jabuuti ayaa iyaguna maalmo
dhawayd bilaabay dhagax tuur iyo shiid ay kula kacaan baabuurta iyo
goobaha ganacsiga ee suuqa kuwaasi oo albaabada u laaba meelo badan.
Dhagax tuurka ardayda ayaa salka ku haya imtixaankii jaamacadda oo
ay waayeen arday badan oo gaadhaysa 198 arday, iyada oo la sheegay
inay soo baaseen imtixaankaasi laba arday oo kaliya taasina ay ka
dhaadhici wayday ardaydaasi oo ay gaashaanka ku dhufteen najiiyadii
ka soo baxday.
Dhinaca kale dadka reer jabuuti ayaa sheegaya in siyaasad kale ka
danbayso rabshadahan soo noq noqaya todobaadyadii ugu
danbeeyay kuwaasi oo sheegaya in laga soo horjeedo Taliyaha ciidanka
booliska C/laahi Cabdi, oo la doonayo in laga badalo, halka dadka
qaarna u tirinayaa mucaaridka jabu uti inuu soo Abaabulayo
rabshadahan.
Ciidanka booliska ayaa la tacaalaya qabqabashada dhalinyaradda
rabshadda ka wada gudaha maga aladda jabuuti iyaga xabsiyadu
buuxaan isla markaana qaar ka mid ah dhalinyaradda loo raafo
maga aladda lawya caddo si ciqaab ay u dareemaan.
Jawiga magaaladda ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa rabshadaha
dhalinyaradda xaafadaha jabuuti ka dhex aloosan iyaga ay soo
dhawdahay doorashadii madaxtinimadda dalkaasi jabuuti oo la odhon
karo hadii ay sii xoogaystaan rabshadahaasi hakad ayay galin karaan.
Dumarka iyo dadka reer jabuuti ayaa badanaa taageersan Madaxwayne
ismaaciil Cumar geele oo la gu amaano inuu wax badan ka qabtay
horumarka bulshadda iyo dhismaha dalkiisa iyada oo ay yar
yihiin dadka ku mucaaridka ah iyo xisbiyo mucaarid ah oo ka soo hor
jeedaaba.
Dumarka Reer jabuuti ayaa iyagu si aad ah utaageersan madaxwayne
Geele kuwaasi ku taageeray Xeerka Qoyska ee Dalkaasi loo sameeyay oo
gacan siinaya Dumarka iyo Baananka Daynta oo dum arka danyarta
ah u gaar ah kana qaataan lacago ay Ganacsi ku samaystaan oo
bishiiba woxogaa yar ay soo celiyaan illaa iyo inta ay ka
dhamaanayso.
Dhagaxtuurka iyo shiidka dhalinyaradda jabuuti ayaa ah mid ku cusub
mandaqada kaasi oo ah nooc dagaal oo ay hogaaminayaan dhalinyarro
adeegsanaysa dhagaxaan dumarkuna ay daba sidaan biya ha iyo
jaadka iyada oo lagu duulayo xaafad kale oo ka tirsan uun isla
magaaladda jabuuti.
Dhinaca kale Waalidiinta dhalay Dhalinyaradda shiidka ka wada
Xaafadaha ayaan awood badan saa rin inay ka joojiyaan qaska ay
wadaan ubadkoodu iyaga oo la odhon karo qayb ayay ka yihiin sida ay
wax u socdaan maalmahan danbe.
Rabshadaha ayaa shalay soo gaadhay illaa masaajidka Baxsane ee
Xaafada seddexaad kaasi oo rab shadi ka bilaabantahay iyadda
oo salaadii lagu jirro, dad badan oo cibaadaysanayayna ka yaaceen
halkaasi ka dib markii dhagaxaan iyo budhadh lala soo galay
masaajidkaasi.
Ciidanka ayaa garaacid iyo xabsi isugu dara dhalinyaradda ay u
qabtaan rabshadaasi balse taasi wali xal u ma noqon inay damiso
rabshadahaasi oo maalinba xaafad ka bilaabmaya.
Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
mccfuture@hotmail.com
Timacade News Reporter
Jabuuti,Jamhuuriydda Jabuuti
|