Xaaji Cabdi Waraabe Oo Ingiriiska Ku DhaliilayDib U Dhaca Ay Kaga Ga abisay Aqoonsiga S/land, Socdaalada Madaxweyne Siillaanyo Ee Djibouti,Ethiopia Iyo UK-na Ku Tilmaamay Kuwo Taariikhi Ah


 



Maanta Waxa La Hayaa Suldaan Shufto Ah Oo Kayn Galay Oo Dib Jir Ah Oo Beeshiina Ka Dhex Baxay, Lamana Arki Jirin Suladaan Abaan Duule AhXaji Cabdi Xuseen


Hargeysa, November 22, 2010 (TNN) Xaaji C/kariim Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) oo ka mid ah odayaasha ruug cadaaga ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa ku canaantay dawladda Ingiriiska oo uu sheegay in  Somalila nd ay ka dhaxaysay xidhiidho qoto dheer ay dib ugala dhacday inay aqoonsato Somaliland, isagoo safarka  Madax weyne Siillaanyo dalka Ingiriiska uu ku joogo iyo kuwii uu ku soo maray dalalka Djibouti iyo Ethiopia ku tilmaamay safar taariikhi ah oo qaranka guul u ah kuna bogaadiyey Madaxweynaha Djibouti Ismaacil Cumar Geelle iyo Raysal Wasaaraha Ethipoia Meles Zenawi soo dhawentii ay ku qaabileen madaxweynaha iyo waftigiisa mid Milgihiisa  dawl addnimo lahaa.

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa dhinaca kalena qaar ka mid ah hab dhaqanka madaxdhaqameedyada ee wakhtiyadan danbe ku tilmaamay kuwo ka shaqeeya colaad hurinta, balse aan ka shaqaynin nabadaynta beelaha isagoo  mada xdhaqameedyada Sool iyo Buhoodle-na ugu baaqay inay joojiyaan taageerada ay siiyaan maleeshiyada nabad diidka ah una soo jeediyay inay ka shaqeyaan siddii nabad loogu soo dabaali lahaa deegaanada colaadu ka  dhaca day.

Xaaji Cabdi waxa kale oo uu sheegay in odayaashoodii lagu aasaasay golaha guurtida ay wakhtigan ka joogaan saddex iyo toban xubnoood una qaybsameen wax dhintay iyo wax jiifa, isagoo tilmaamay in beeluhu ay keeneen wiilal dhalinyaro ah oo lagu soo badalay odayaashi golaha ka baxay.

Xaaji Cabdi Xuseen oo shalay wergeyska Haatuf xog warysi khaas ah kula yeeshay magaalada Hargeysa oo baaq nabadeedna u jeediyaya beelaha ku dagaalamayay Kalshaale ayaa ku bilaabay hadalkiisii “Labada beelood  ILAA HAY waxaan uga baryayaa inuu dabayl nabad galyo ah siiyo, Timacade ayaa maanso ku yidhi bal inay dalfoof  tah ay oo caqliga dooni laga saaray wixii hore u soo daashadaybay digashanaysaaye, ninkii Xarbi ee reer dhagax  bu ur-na waxa uu yidhi Isaaq iyo Ogadeenka kale naga ayaanroone anaga iyo iridahan Ciida-gale waanu isu idlaane alahayow abuurtii hore muyuu mid ka ilaawo. Labadaa beelood cimrigood isku deegaan bay ahaayeen wixii  dhin tay soo noqon maayaan walalayaal ILAAHAY ka baqa oo aakhiradiina u tudha Wiil iyo Abtigii ayaad tihiin raga  sh irarka loo qabto nina ceebuu ka qaada oo waxa la yidhaahdaa waar muxuu ku hadlay nina inkaarbuu qaata oo ta lo xunbuu jeediyaa nina gobanimuu qaataa oo samir buu qaataa nina amaanbuu ka qaataa oo talo wanaagsan buu ku taliyaa, ergo ninkii diidaana inkaar iyo cadaabuu ku qaata, inkastoo aakhri sabankii la arkay madaxdhaqameed colaad soo hurinya Garaad Abshir oo wax wacdinayaa ayaan arkay oo waa sidaan ku waday, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo aanu Aabihii rafiiq ahayna, Garaad C/laahi Garaad Soofe oo aanu Aabihii Saaxiib ahayn waxa an leeyahay sidii Aabahaa noqo, ina Cumar Camay-na nin raga oo taliya ayuu ahaa walalayaal colaada damiya oo gooni ubax iska daaya. Xisbiga colaada hurinaya ee magaca aad u bxiseena daaya”.

Mar aanu weydiinay Xaajiga asbaabaha keenay in baryayhan danbe salaadiintu ku sifoobana colaad oogayaal iyo sidda uu u arko suldaanada la iska magacaabo ee tirada badan waxa uu yidhi “Salaadiinta oo kaliya may kordhin ee waxa kordhay Gaadiidkii, Daarihii, Diintiibaa ayaa la fidiyey, dumarkiiba Raysal Wasaare iyo wasiiro noqday  ma ynu arki jirin Suldaan Abaan-duule ah oo dhalinayaro inta uu kaxaysto yidhaahda guryihiinii ku duula oo  odayaas ha laaya maatidana qaxiya, maanta waxa la hayaa Suldaan shufto ah oo kayn galay oo dib jir ah oo beeshii ka  dh ex baxayoo isbaabiyay, hogaan dhaqameedkiina ceebeeyey isagaana is baabiiyey, hogaan dhaqameedkoow u dhaqan milgihii madaxdhaqameedka, ka duulaya iyo ka lagu duulayba madaxdhaqameed baad u tahay”.

Mar aanu waxa ka weydiinay dhaqan guurka ku dhacay golahoogii guurtida oo dhalinyaro isku badalay waayadan danbe waxa u yidhi “Dhalinyarada wakhtigaa ku soo guray lamana soo dooran oo codna looguma ridin saduuqa doorashada guud, ummadana lama odhan soo kala doorta Xaaji Cabdi iyo Warsame oo midna tacliin leeyahay midi-na xeer beegti waayo aragnimo leeyahay, xilgii guurtida la aasaasay saddex iyo toban xubnood baanu kaga  joog naa markaa tirada xubnaha iyo muddada golaha la kordhiyayna beel waliba iyadaa nin yar keentay, ragii guurtida lagu soo aasaasayna wax yarbaa ka sii jooga, intii yaraydna wax dhintay iyo wax jiifa ayay noqdeen Sheekh  Axm ed Sheekh Nuux wuu jiifaa, Ibraahim Jiciir-na wuu jiifaa aniguna waan jiifaaye afka uun baan ka hadlayaa golihiina rag dhalinyaro ah baa ku soo batay ceeb se ma laha ee waa inay dhalinyaradu edeb samaysaa markay golaha fad hiyaan”.

Mar aanu weydiinay sida uu u arko socdaalkii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ku tagay dalalka Djibouti, Ethiopia iyo kan Ingiriiska uu ku joogo ayaa waxa uu yidhi “Djibouti iyo Ethiopia waan u mahad naqaynaa sida balaadhan ee ay u soo dhaweyeen madaxweynaha, Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle  IL AAHAY cimrigiisa ha dheereeyo Meles Zenawi waan u mahad naqaynaa, sidoo kale Ingiriiska-na bah baynu ahayn inkastoo uu aqoonsigii dib inoogala dhacay, boqorada iyo Raysal Wasaaraha Ingiriiska waxaanu ka rajaynaynaa inay madaxweynaha si balaadhan u qaabilaan, safarkaasina waxaan u arkaa mid munaasib ah oo guul qaranimade ena u ah”.
 


Source: Haatuf