Xaaji Cabdi Waraabe Oo Ka Hadlay Weerarada Hubaysan Ee Dalka Ku Soo
Kordhay Iyo Siyaasiyiinta La Baxay Madasha Wadatashiga
“Xabadaa dhexdeena laysku ridayaa xumay dabada ku wadataa, Xaashi
Muusena nin xumo u dha shay maaha, laakiin waxa lagu xidhay waa wax
adag ee hala hubsado, nina Dawladnimadu way ku soo socotaa nina way
ka sii socotaa”
Hargeysa (TNN): – Gudoomiyaha guddiga joogtada golaha guurtida
Somaliland Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) ayaa sheegay in
falalka laysku adeegsanayo rasaasta ee dalka ku soo kordhay ay
yihiin falal fool xun oo cawaaqib xun ku keeni kara xasiloonida iyo
nabadgalyada dalka, waxaanu tilmaamay in siyaasiyiinta madasha
wadatashiga iyo toosinta qaranku ay yihiin ragii halganka dheer usoo
galay xoraynta dalka.
Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu intaa ku daray, in khilaafka ka dhex
taagan shirgudoonka golaha wakiiladu haddii ay xalin waayaan oo loo
baahdo gole ahaan ka hawlgali doonaan.
Xaaji Cabdikariin Xuseen oo shalay waraysi dhinacyo badan taabanaya
siiyay wargeyska Haatuf, ayaa sidoo kale ka hadlay madaxweynihii ay
sida wayn iskugu dhawaayeen madaxweynayaashii soo maray Somaliland.
Ugu horayn Xaaji Cabdi Waraabe oo aanu waydiinay madaxweynihii ay
isku dhawaayeen madaxweynayaashii soo maray dalka, waxa uu yidhi
“Horta shakhsigayga dadka mid aan u diido mooyee anigu midna maan
diidin, laakiin waxaa iigu dhawaa marxuum madaxweyne Maxamed Xaaji
Ibraahim Cigaal ayaa iigu dhawaa, oo aanu aabihii saaxiib ahayn,
balse anigu midna maan diidin”.
Xaaji Cabdikariim mar aanu waydiinay sida uu u arko siyaasiyiinta
madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka, waxa uu yidhi “Ma filaayo
ragaasi inay xumaan wadaan waa ragii dawlada ku soo tabcay weeyi,
rag magac leh weeyi, ragii soo dagaalamay weeyi waa nimankay
dawladnimadu ku socoto weeyi, dawladnimadana nina wuu ku soo socdaa
nina wuu ka sii socdaa, rag ku soo socda weeyi.
Waxaan leeyahay ninkii idinka aqoon gaaban afka hawgu ridina
cilaaqda, toosin baa loo baahan yahay, ragii ergayn lahaa baa
tihiine ragii loo ergayn lahaa ma tihidin”
Falalka amaan darada ah ee laysku weerarayo waxa uu yidhi “Waxaynaan
aqoon baa ina soo galay, xabadaa gudaheena laysku fiiqayaa xumay
wadataa, xabadaa laysku ridayo waa inuu Bilaysku ka feejignaado
weeyi, shacbiguna ha feejignaado, nin odaya ayaa hada xidhan oo
Xaashi Muuse la yidhaahdo, Xaashi Muuse nin xumo u dhashayna maaha,
nin odaya ayuu ahaa dee waxaa lagu xidhay waa wax adag uun, haloo
hubsado”
Source:Haatuf
|