Xaaji Cabdi Waraabe Oo Ku Eedeeyay Hogaamiyaha Majeerteeniya Dag aal Ooge Ku Khamaaraya Beesha Dhulba-Hante, Kana Digay Kooxaha Argagixisada Iyo Cadawyada Isku Soo Bahaystay S/Land
 

 


“Qisada aan kursiga kula saaxiibay waxay ku soo baxday…., Siyaad Barre-na wuxuu yidhi ninkaas uunbaa runta ii sheegay, inankaa khaarajigana cid caawisa ha la raaciyo”


Hargeysa, February 23, 2011 (TNN) - Xaaji C/kariim Xuseen (Cabdi-Waraabe) oo ah xildhibaanka ugu da’da wey n Baarlamaanaka Somaliland ayaa ku eedeeyay hogaamiyaha maamulka Majeerteeniya C/raxmaan Faroole inuu doonayo inuu colaad ka dhex abuuro beesha Dhulba-hante oo uu tilmaamay inay ka badbaaday xasuuqii Siyaad Barre kula kacay beelaha reer Somaliland, isagoo intaa ku daray in kooxaha Argagixisada iyo Maleeshiyooyinka ay Majeerteeniya ku soo daad guraynayso Tuulada xadka ee Tukaraq iyo deegaanka Buuhoodle ku tilmaamay  c olaad aan waxba u soo kordhinayn maamulka Majeerteeniya , ugana digay beesha Dhul-bahante inay ka  feejign aadaan colaadaha lagaga hor keenayo Somaliland.

Xaaji C/kariim ayaa sidoo kale markii ugu horaysay faah-faahin ka bixiyay asbaabaha xukuumaddihii Somaliland iyo Somalia soo kala maray ugu dha-dhawaa iyo qisooyinkii ay ku soo baxeen inuu madaxweynayaasha Kursiga ku fadhiya hadba la saaxiibo, isagoo dhinaca kalena ka hadlay aragtidiisa ku wajahan siyaasada xukuumadda  m adaxweyne Siillaanyo ee guddaha iyo dibada iyo waxyaabihii u qabsoomay muddadii ay xilka haysay, isagoo  int aa ku daray in axsaabta Mucaaridka ay xaq u leeyihiin in xukuumaddu ay la socodsiiso siyaasada cusub ee  alba abada Ictiraafka ay ku garaacayso iyo ka qayb galka shirarka caalamku ku marti qaado.

Xaaj Cabdi- Waraabe waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaasa oo Wargeyska Haatuf shalay kula yeeshay xarunta golahooda, kaas oo uu kaga hadlay dhinacyo badan, hase yeeshee Xaaji Cabdi Waraabe isagoo ugu horayn ka hadlaya hanjabaada ka soo yeedhay hogaamiyaha maamulka Majeerteeniya C/raxmaan Faroole iyo kooxaha nabadiidka Buuhoodle ee colaadaha ka wada deegaanadaasi, waxa uu yidhi “Madaxweynahaa maamulka Puntland si wanaagsan uumu hadal, weerarka cida soo qaadayna wey cadahay, Somaliland iyo Somalia-na dhulkoodii wey kala calaamadsan yihiin oo wax muran ku jira maaha, Puntland isku helimayso Qabyaalad abaanu ku shaqaynaynaa oo beel aanu isku hab nahay ayaa halkaa degen iyo maamul goboleed baanu nahay, qabyaalad iyo qaran ma wada shaqeeyaan, abtirsiinta waxa ka weyn xuduudaha reer Soamliland ay wada leeyihiin xiligii Rajiimkii Siyaad Barre beeshaa Dhulbahante ayaa u fayoobaydi iyagiina waa kuwaa maanta lagu khamaarayo, ninkaa Faroole-na dagaal waxba ku qaadi maayo wax nin weyni ku hadlana kumuu hadal”.

Xaaji C/kariim isagoo ka hadlaya isirka haybeed ee hogaamiyaha Majeerteeniya ku sheeganayo deegaanada Sool iyo bariga Sanaag, waxa uu yidhi “ Hayb iyo waa kala laba dawladnimo, Dir iyo Daarood buu xadku kala ahaa, waxay madax u yihiinba waa Dir, waa ceeb, ka hor intii ayaynaan dawlada madaxabnaan noqon ayaa waxa la odhan jiray dadku waa Dir iyo Daarood, imika se Somaliland iyo Somalia dhulkii ay kala degenaayeen ayay dawlad madaxbanaan ku yihiin, gooni isku taaga Somaliland dawladnimadeeda Dhulbahante ayaa kow u ahaa oo abaabul u ahaa jiritaankeeda, Somaliland xuduud bay lahayd fac weyn, ninka ku soo xad gudbaya xadka Somaliland ayaa gar daran”.

Xaaji Cabdi oo ka hadlaya kooxaha Argagixisa, ONLF iyo Maleeshiyooyinka ay kooxaha nabadiidka Buuhoodle ka soo kaxsyteen deegaanada Gaalkacayo iyo Caabud-Waaq iyo Kililka shanaad ee Ethiopia, waxa uu yidhi “Argagixisada iyo shisheeyaha la soo kaxaysanayo ha joojiyaan waar ka daaya dabka aad galinaysaan dhalinyarada Laascaanood iyo Buuhoodle Ilaahay wuu idin arkayaaye, Aadamuhu-na wuu idin arki doonaa”.

Xaaji C/kariim mar aanu weydiinay shirkii dhawaan lagu qabtay magaalada London ee dalka UK ee lagaga hadlayay arrimaha Somalia ee Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ka qayb galay, ee labada xisbi Mucaarid UCID iyo UDUB-na ku eedeeyeen xukuumadda madaxweyne Siillaanyo inay ku kacday khiyaamo qaran argtidiisa ku wajahan, waxa uu yidhi “Arinkaa xisbiyada Mucaaridku kaga hadleen Wasiirka Khaarajiga waxay ogaayeen in dawladii hor fadhiisan shirarka caalamku kaga hadlayo Somalia, Faarax Suldaan baa lagu yidhi, maxaad taladii shalay aad guddoomisay kaga wareegtay, wuxuu yidhi “taladii aan shalay idiin guddoomiyay haddaan arko mid idiin dhaanta soo idiinku yeedhi maayo”

Dawladana madaxweyne Siilaanyo waxay tidhi “Xidhxidhnaan mayno meeshii lagu shiraba waanu tageynaa, ninka Ictiraafkeena hor joogana golahaa aad fadhido ayaad uga jawaabaysaa, kiinii gar leh ayaa la raacayaa, in madaxweynuhu albaab kasta uu u garaaco Ictiraafka waanu ku taageersanahay, laakiin haday yidhaahdaan Mucaaridku haddii albaabkii siyaasada furteen miyaad na talogalisaan gar bay u leeyihiin, in la caayana maaha, in shirarka qof kaliyi ahi inaga tagana maaha, inankaa Khaarajiga cid caawisa waa in la raaciyaa, shirkii la inagu marti qaadaba waa in golayaasha Guurtida, Wakiilada iyo golaha Wasiirada wada jir loo wada tagaa oo midnimo aynu ku doono aqoonsiga ayaa haboon, Wasiirkaasi biladbuu leeyahay laakiin waa inuu weheel helaa, imikana doorasho ma dhawee qolada axsaabta Mucaaridku ha dagto, xukuumaddana mud mudka ha ka daayaan, dawladana muddadii yarayd ee koobnayd halkay gaadhay wal lama gaadhin, Mushaharkii shaqaalaha iyo ciidamada ayay kordhiyeen, lacagihii Fiiga ee dugsiyada laga qaadi jiray wey joojiyeen, dadkuna dhaliil ay leeyihiin imika dhagaha u furi maayaan, ninka dawlad qolo ku sheegayaana waa qalad”

Xaaji Cabdi oo aanu weydiinay si uu u arko xaaladiisa siyaasadeed ee lagu xanto, in madaxweynayaashii Somalia iyo Somaliland uu la saaxiib noqdo iyo sida ay ku timid kalmada laga sheegay ee uu ku yidhi, anigu kursigaan la saaxiib ahay oo waligay dawlad kama hor imaado, waxa uu yidhi “Faysal iyo Siillaanyo kii qabtaaba waa kii kale, dawladii Maxamed Siyaad Barre ayaan hadalkaa idhi, C/risaaq oo aanu saaxiib ahayn ayaa yidhi kolkaan dhacay Suladaan C/raxmaan Gadh-yare iyo Suldaan Dhabeeyaba waad iga hor joogtay, markaas ayuu marti qaad weyn ku sameeyay Hudheelkii Juba ee Muqdisho, wuxuu igu yidhi inaad wax ila qabataan doonayaa kuuba iman maayaan ku idhi, haddaan nin duulaya raacayo Ciida-gale duulaya Maxamed Subeer baan raaci lahaa, anigu Kursigaan la saaxiib ahay, Kursigaa la taliye u ahay, wixii tilmaan ah ayuun baan bixiyaa, anigu dawladnimada Kursiga uun baan kula fadhiyaa sidaasu hadalkaasu ku soo baxay”

Mar aanu weydiinay inuu wakhtigan xaadirka ah madaxweyne Siillaanyo la shaqayn doono, waxa uu yidhi “Siillaanyo la shaqayn maayee naftaydaan u shaqaynayaa, naf waliba siday u dhimanayso Ilaahaybaa og, laakiin cidhibtaadaa laga taliyaa, Mucaaridnimaduna waa toosin iyo sixitaan, hadday Faysal tahay iyo haday UDUB tahayba afkooda maaha inay ka soo baxdo wax qaranka waxyeelaynaya, halkay maanta dawladni maraysana Maraykan ma marayo”

Xaaji Cabdi mar aanu weydiinay inuu waligii marna Mucaarid noqday intuu jiray, waxa uu yidhi “Anigaaba Mucaarid ah, madaxweyne walba waan la hadlaa xitaa Axmed Siillaanyo oo maanta jooga 1974-kii Xaruntaa Wasaarada Daakhiliga aniga uun baa kula hadlay Siyaad Barre iyo Xaaji Gaydh baa la hadalnay Ilaahay naxariistii jano ha siiyee, markii uu Muqdisho ku laabtayna wuu ii yeedhay oo wuxuu igu yidhi ninkaasuunbaa runta ii sheegay, madaxweynayaasha waan la hadlaaye, laakiin ma xanto mana caayo, madaxda anigaaba ku Mucaarida oo kala hadla wixii qaloocan, laakiin waxaan iska ilaaliyaa in waxaan kula hadlayo Dumarka, Caruurta iyo shisheeyuhu maqlaan”.
 

 

Source:Haatuf