Xaaji Cabdi Waraabow
adeer, Riyaale hortiina nabadu way jirtey, intuu joogeyna isagaa
khatar ku hayey
Nabadii waxay noqotay shay la
isku xuuxiyo. Somaliland waxay gaadhey heer hadii aad gurigaaga ugu
soo gasho nin qaawan oo sariirtaadii fadhiya oo aad xukuumadan
haatan joogta ama odayaasha dhaqanka u ashkata tagto, in markay
arkaan ninkan qaawan ee sariirtaada ku fadhiya, la odhanayo adeer
iska aqbal oo u tanaasul nabadaa sidaa ku jirtee. Hadii aad
tidhaahdo “waar nabada iyo tanaasulku caynkan kuma jirtane, ninkan
guriga iiga soo saara”, waxa la odhanayaa nabada ayaad ka soo hor
jeedaa. Markaasaa Madax dhaqameedyo iyo hebelo la soo
dhaqdhaqaajinayaa. Nabada ”Hebel” ayaa inaga duminana ayay mudo lagu
celicelinayaa, boogaa la xoqayaa! Xaalad abuur ayaa la bilaabayaa!
Taloba fara ka haadey!
Waqtigii Nebi Maxamed noolaa “Nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha
ahaatee” ayaa nin Yuhuud ahi laba beelood oo muslimiin ah oo
heshiiyey u tiriyey gabayo ay isu tiriyeen waqti ay is dileen
islaamka hortii…Qolaba qolada kale hadalkii ay tidhi iyo boogihii
buu xoqay, wuxu yidhi reer hebel maalintaa hebel uma aarin. Hebelna
hebel hadalkii ku beegnaa ma odhan. Labadii beelood baa dhug isku
yidhi oo hubkii boobay. Suubanihii markay arrintii gaadhey, wuxu
yidhi, “Waar ma dhaqankii jaahilayada ayaad doonaysaan anigoo idin
dhex jooga?” Halkii ayuu suubanuhu dabkii biyo ku shubay. Maanta rag
Riyaale ka dhex hadlayo ayaa shacabkeenii tii yuhuudiga u akhiriyaya.
Durbaan colaadeed iyo dhiilo’aan damayn oo maalin walbal taagan ayaa
la shidaaya. Shacabkuse waa faahim oo waa iska arkaa in afkani yahay
kii yuhuudka, naarahana uu afuufayo Riyaale.
Wadankii waxu gacanta u galay casaabad isku xidhan oo la baraystay
dhulgariir siyaasadeed oo joogtada ah, dhanka kalena ku dirkriyasa
nabda ha inaga duminana. Waar nabada ma ilaahay baad qandaraas kaga
soo qaadateen? Nabada ma idinkaa haya? Nabada waxa haya Eebe weyne,
shicibkaana ilaashada. Nabada waxa diidan Riyaale oo burburiyey
instituionskii dadka u dhexeeyey. Tusaale ahaan:
1. Waxuu kufsaday dhaqankeenii wanaagsanaa, oo madaxdhaqameedyadii
ayaa badh noqdeen aalad uu sida qoris-mariska uga dhex oo goor iyo
alayl tumaya durbaan xaalad abuur ah oo damqayaa boogo bogasadey oo
la ilaabey. Waxa la samaynayaa wax alla wixii uu Riyale ku sii joogi
lahaa.
2. Guurtidii wuxu ka dhex samaystay casaabad ay danohooda isku
fushadaan, oo waraabaha u ugu yeedhaysa wan, wankana waraabe.
3. Parliament-ku wuxu baas-gareeyey boqolaal shacri oo mid qudha
aanu Riyale hirgelin. Hadii Paliment-ku damco inay la xisaabtamaan,
waxa loo diraa Cawil, oo inta badan iyagaa daalac loo raaca.
4. Maxkamadihii wuxu ka dhigtay tii Afweyne ee Geele joogi jirey.
Muwaadink la doono iyo meeshay doontona ku xidha. Xoriyatul qowl ma
jiro, waa car juuq dheh.
5. Ciidamadii amnigu maalin walba shacabkii ay ilaalin lahaayeen
ayay rasaas nool oo aan tudhaale lahayn la dhacayaan.
6. Comissionkii qaranka wuxu ka qaaday karaamadii iyo haybadii. Wuxu
comissionkii ka dhigay baqaa baqaa isaga ka daba hadaaqda. Iyadoo
markii horeba si xaq darro distuurku u siiyey shan ka mida 7da
xubnood ee comissionka.
Meel inoo bed qabtaa ma jirto, weli waxaa taagan tii Siyaad Barre
iyo mid ka fog; car juuq dhen, iyo kacaan diidkii oo lagu bedeley
nabad diid macaneheedu yahay Riyaale diid. Golihii Sare ee Kacaanka
waxa bedeley casaabad Riyaale maleegey oo foorida shimbiraha u
rogaysa arrin reer ama xaalad abuur ku salaysan reer hebel.
Riyale isagaa nabada diidan. Waxa laga kari la’yahay, war wadanka
doorasho xalaala ka qabo. Iyadoo la ognahay inuu Riyale gacanta ku
haysto, institutionka wadanka oo dhan, sida “Guurtida, Maxkamada,
Gudida Doorashada (National Election Committee), Ciidamada Amaanka,
Handitii iyo Hay’adihii dawladaa oo dhan. Iyadoo aynu ognahay inuu
boob iyo xoog ku marsaday doorashadii hore iyo sadexdii korodhsiimo
ee xigey. Hadana waa diidanyahay inuu doorasho qabto. Goor kasana
far baa maydh la’.
Xaaji Waraabow, Adeer nabada cida diidani maaha mucaaradka iyo
shacabka midna. Gari Alay taqaane, nabada Riyaalaa diidan. Waana
ognahay inaanay doorasho dhacayn. “Waxaro ayaan aqaan oo dundumaan
aqaan”. Sifo ay doorasho ku dhacdaaba ma muuqato. Tusaale ahaan:
1. Waa ta koowade, Serverkii intii comissionkan cusub ee Mr. Sweden
dembaabaa yimi, meel uu jaan iyo cidhib dhigay lama hayo. Waxa ugu
war dambaysey iyadoo Aw-Ahmed Yasiin leeyahay aan bal cid ka daba
diro. Hindiya ayaa lagu sheegayey. Hadaan inyar ka aqaano culuunta
Computerkana, Biometric system ciyaar kuma hir galo. Server
qudhihina ma shaandhayn karo. Database wuu noqon karaa, laakin
biometric system Africaba ma yaalo.
2. Waa ta labaade, doorashadii agabkii lagu geli lahaa lama hayo.
European Union-kii iyo deeqbixiyayaashii kaleba way freeze-gareeyeen
mood iyo noolba hantidii ay ballan qaadeen, waxay ku xidheen in
arrinta waddanka ee cakiran Riyale nabad ka yeelayo.
3. Ku darso oo, doorashada waxa si ula kac ah ayaa loogu beegay
Ramadan, Ramadaana doorasho dhicimayso. Iyadoo Riyale khuurinayo
ayay Septemberta uu qabsaday imanaysaa, wuxuna odhanayaa lacagi ma
jirto oo lacagihii deeqbixiyayaashu way joojiyeen. Masuul anigu kama
ahi…Kursigan la faaruqin kari maayo. Guurtiduna laba sano oo cusub
ayay ugu dhufanaysaa. Ciyaartii ayaa halkeedii laga sii wadayaa…You
get the point.
Nabada Riyale ma keenin, mana dumin karo, carqalad wen ayuu ku hayaa.
Nabadu waxay ku timi “Alla weyne”. Waxa ka shaqeeyey 12kii beelood
ee gamcaha isku saaray Burco iyo Boorame, ee dhidibada u aasay
Somaliland. Nabada waxaa keenay SNM oo Somaliland ka xoraysay
taliskii Siyad Barre, dhulkana dhigtay taladii dalka oo aan noqon
shufto shacabka laysa, ama hogaamiye kooxeedyo ku loolama masiirka
wadanka. Waxaa nabada keenay shacabkii isa saamaxay ee ilaahay
beerkooda burcadka isu mariyey. Nabada waxa keenay mucaaridka goor
iyo alayl lagu eryanayo xabada ee qabsan kari la’ mudaharaad salmi
ah.
Waxaa marag ma doonta ah in Mucaaridku ay yihiin sharafta keliya iyo
institutionka keliya ee Somaliland manta inooga bedqaba. Mucaaridku
waa dhidibada dimoqraadiyadeenu ku taagantahay. Dawladu way dumisey
dimoqraadiyadii, waxayna u diga rogatey aalad dad gaar ahi si
khakhsi ah u adeegsadaan. Miyaad aragtay mucaarid sita xabad ama
tooganaya shacabkiisii? Miyaad aragteen mucaarad dhagax tuuraya?
Miyaad aragtay mucaarad si guracan u adeegsanaya madax dhaqameedka
ama isku diraya beelaha walaalaha ah, ama ka sitaynaya oo xooqaya
boogihii aynu bogsiiney? Mucaaridku waa institution- ka keliya ee
inoo bed qaba. Waxayna markasta si habsami ah oo salmi ku dhisan u
dalbanayeen in doorasho xor iyo xalaala la qabto. Mucaaridku waxay
soo hooyeen guulo ay ku faanto Somaliland Waxa nabada diidan
casaabada maalin walba daqmaya boogihii shacabka laga bagsadey.
Riyaalow maalintii Cigaal geeriyoodey, “Alla yarxam” si sharaf leh
ayaa wadankii gacanta laguugu geliy. “Deero deero may herdiyin”.
Weliba laguu haniyeey oo duco iyo wanaag laguu raaciyey. Waxaa la
galay doorasho aad ogayd in KULMIYE kaa helay, oo laguu mustafeeyey
oo layidhi 82 cod baa sanduuq lagu iloobey. mucaaridku, nabad ayuu
ka doortay oo laguugu hibeeyey. Maanta waxaad ku joogtaa sharci
darro, iyo sadex korodhsiimo xaaraan ah. Riyaalow Somaliland iyo
dawladnimadii sidii dermadii ayaad cidhifyada uga soo laabtay. Waxad
isugu keenay Hargeysa. Waxayna tegi doontaa qasriga madaxtooyada.
Yaan jar lagaa tuurin, markay runi run geydo, ee damero ilmohood
cunaan, hebelo waxba kuuguma jila. Hadhow nin waliba reerkiisii buu
odhanayaa “hooyoy hoosta I geli” Keligaa ayaa eeda iyo aafaduba ku
raacaysaa? Lama hayo wiil sidaad wax u wado ay ugu badisay. Dictotor
kastaa si fool xun buu u dhintay…..Aduun hadal baa kahadha.
Ibrahim Yusuf Bulay
dhirsi@hotmail. com |
|