Xaaji Cabdikariim Oo Dalka ku Soo Laabtay Kana Warbixiyay Xaaladiisa Caafimaad



 


Hargeysa (TNN):-Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaa shi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada iyo Masuuliyiin kala duwan ay aa garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport ku soo dhaweeyey Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaraabe) oo dalka uga maqnaa xaalad Caafimaad muddo 8 maalmood ah.

Balse nasiib wanaag isaga oo caafimaad qaba oo lugihiisa ku socda uu ku soo laabtay dalka, isaga oo xaajigu ka war bixiyey xaaladiisa caafimaad, mahadnaq balaadhana u jeediyey cid kasta oo gacan ka geysatay sidii loo geyn lagaa dhakhtar dibadeed, waxaanu u mahadnaqay dhakhaatiirtii u dedaashay oo aanay waxba ka hagran intii uu ku sugnaa cusbitaalka iyo dadweynihii ka war hayey xaaladiisa ee la soo xidhiidhaysay wakhti walba.

Xaaji Cabdikariin oo soo noqoshadii ka hadlaayey ayaa yidhi “Aadbaan u wanaag-sanahay d hakhaatiir wanaagsan ayaan ka helay Addis-ababa aadna waa laygu shaqeeyey oo binu-aa danimo ah, aad-baan ugu ladnaaday, garaacii iyo xumadiiba way iga jabeen, xanuunka jileecii sii uunbaa i haya iyo gabbaw.

Nabadgelyana Alle waa igu geeyey nabadgelyana waa igaga soo celiyey, dadkii joogayna A lle ha nabadgeliyo, waa salaanta sharciga ah ayaan salaamayaa, Dhakhtaradii iyo Hotelkii iy o dadkii odayaashii iyo ummaddii ishaqaynaysay ee i soo salaantayna salaanta sharciga ah ayaan u dirayaa alle ha nabadgeliyo, Asalaamu calaykum wa-raxmatulaahi wa-barakaatu”.