Xaaji Cabdi-Waraabe Oo Ka Waramay Wixii Ay Kala Yeeleen Ninkii Aabihii Dilay, Kana Hadlay Qisada Naanaysta Loogu Bixiyey

 


 


“Qorigii Baan Gacanta Saaray, Aan Doonayey Inaan Ku Dilo…, Naanaystuna Waxay Iigu Baxday, Anig oo Kuraya Oo Geelayaga La Jooga Ayay Lix Nin Igu Soo Weerareen Si Ay Geela U Qaadaan”
Xaaji Cabdi-Waraabe Qaybtii 2-aad

Hargeysa, April 27, 2011 (TNN) – Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) ayaa ka waramay ninkii Aabihii Dilay ee qorshuhu uu ahaa inuu u soo Aaro Aabihii iyo waxa bedelay go’aankiisii isaga iyo labadii nin ee la socday.

Xaaji Cabdi Waraabe waxa kale oo uu ka waramay Qisada Magaca Naanaysta Waraabe ugu baxday iyo Sababta ay ku baxday.

Ugu Horayn isaga oo sii wada Qisadii dhex martay intii ay martida u ahaayeen ninkii ay  damac sanaa yeen inay soo dilaan ee aabihii Dilay, isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi “Labadii Nin ee ila socday ayuu Hargo dusha ka saaray si daroorinta Biyaha ay iskaga xigsiiyaan anigana Masale cusub ayuu du sha iga saaray oo barigii hore Shiraaq-yo iyo Baco dusha laga saaro Aqalada may jirin, dabeeto markii Roobkii qaaday ee Xoolihii la dareeriyay ayay Tahar Cabdilaahi iyo Gahayr Cabdi oo ila socday ay yidh aah-deen ina kiciya hadduu dagan yahaye, dabeeto waxaan ku idhi arinkaasi waan ka noqday Qorigii-na Xabadii waan ka saaray dabeeto waxaan ku idhi Ninka Daroorin ii quudhi waayay ayaan aniguna Xabad u quudhaa xaasha, intaa ka dib labadii Nin ee i la socday weyn naxeen waxaanay yidhaahdeen Shirkii la inaga soo diray ayaa xumaa inaga aqbalnayna weynu qaldanayn, waanan kugu raacnay adi gana Ilaahay baa ku waafajiyay ayay igu yidhaahdeen, intaa ka dib Wankii na loo qalay Habeenkii aya anu ku Cashaynay, reerkii baanu iska seexanay, dabadeed Aroonimadki ayuu nagu yidhi haddii Geel baadi doonaysaan maxaydun Subaxdii u Kalihi weydeen, dabadeed waxaan ku idhi Awoow Geel maanu doonayn. “Qorigii baan gacanta saaray aan doonayey inaan ku dilo, wuu ilmeeyay, dabadeeto waxaan ku idhi, waxaan doonayaa Inantaa yar ee Naaska jaqaysa markay gashaanti noqoto inaad i siiso, ka dib waxa uu ii balan qaaday inuu Inantiisa yar isiin doono, Inantii markay 17 jir gaadhay ayaan Guurs aday ilaa hadda-na way nooshahay”

Xaaji Cabdikariim oo aanu weydiinay qisada loogu bixiyay Naanaysta Cabdi-Waraabe iyo Masaladii ay ku soo baxday ayaa, waxa uu yidhi “Baribaa anigoo Kuraya oo Geelayaga la jooga ayaa Geelii la igu soo weeraray oo Rag Geel-jire ah oo lix Nin ah ayaa ku soo tashaday in Geelan Inanka yari la jooga ay Af-duubaan, ka dib Nimankii meel Kayna ayay iigu soo gabadeen anigoo Geeli wada, aniguna Qoribaan sitay oo waxaan idhi haddaad Xabad ku rido Geelu xagooda ayuu u didi doonaa, ka dib gabashadii ay gabanayeen ayay Hali ka dhex booday ka dibna Geelii bay soo dhex qaadeen Ninkii ugu horeeyay baan Xabad ku dhuftay ka dib wuu qayliyay oo wuxuu yidhi ala Xabadu igu dhacday Ninkii Dhaawacmay ay ay ku soo urureen, dadkii deegaanka yaalay-na wey isku soo baxeen intii ay urursanaayeen ayaan aniguna Geelii dhinaca ka soo galay oo aan soo dhaafiyay intaan isku soo didiyay Geelii oo dhamayst iran oo aan Hali ka maqnayn Xeradii ayaan ku soo Xereeyay, markii ay Nimankii Reerahoodii ku soo noqdeen ayaa waxaa lagu yidhi waar maxaa idin helay dabadeeto waxay yidhaahdeen, Geel Waraabe wato ayaanu is nidhi Kuray yar baa watee soo qaada, Nin reerka sii joogaybaa yidhi Geelu waxa uu ahaa Geelii reer Xuseen.”

Dhamaad

Source: Haatuf