Xaalada Ceel bardaale oo degen, Go,aamadii  xu kuuma d a oo aan fulin iyo xallinteeda oo Xu rguf dhex dh igtay Madaxwayne Riyaale iyo Gen.Nuux Taani
 

Hargeysa (LongliveSomaliland News)-Wararka ka imanaya dhul daaqsimeedka  deega anka ceel bardaale ee shaqaaqadu ka dhacday ayaa sheegaya In xaalada goobihii lagu dagaalamay ay haatan degan yihiin. Waxa halkaa imika ku sugan ciidamo badan oo ay xukuumada Somaliland gaysay. Labadii ciidan beeleed ee dagaalamayayna ay is horfadhiyaan. Inkasta oo ay xukuumada Somaliland soo saartay go’aan sheegaya In goobta uu dagaalku ka dhacay laga dhigo goob ciidan oo ka caagan in ay halkaasi joogaan cid hub haysata, waxase ay wararku sheegayaan in ciidan beeleedyadii oo hubkoodii haystaa ay wali Is hor fadhiyaan, lagana cabsi qabo in dagaal uu mar kale halkaasi ka qarxo. Waxa wararka halkaa naga soo gaadhayaa ay sheegayaan in ciidamadii dawlada ee halkaa la geeyay ay qaadan la’yihiin amarkii ahaa In ciidan beeleedyada hub ka dhigis ku sameeyaan.

Iyada oo warar la isla dhex marayaana ay sheegayaan In arintaasi ay sababtay  khil aaf ba’an oo soo kala dhex galay jananka guud ee ciidamada qaranka Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani iyo Madaxwaynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, inkasta oo aanay jirin cid si dhab ah arintaasi u xaqiijinaysa.



Wararka kale ee halkaa ka imanayaa waxa ay sheegayaan in la helay maydka mid ka mid ah ciidan beeleedka Gabiley. Marxuumka dhintay oo lagu magacaabi jiray C/laahi Colhaye Abraar, waxa ay wararku sheegayaan in marxuumkani uu u galay ciidan beeleedka Borame, sidaana ay ciidankaasi ku dileen. Waxa warar kale ay sheegayaan In Marxuumku uu iskii iskaga dhintay oo uu lahaa xannuunka dhiig karka oo aad ugu kacsanaa.



Dhinaca kale wararka ka imanaya Magaalada borama oo ay shalay mudahaadyo ka dheceen ayaa maanta degan, waxaa kale oo ay wararku sheegayaa in Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkii shalay ee Deegaanka ceelbardaale oo ay ka mid ahaayeen, Nuur aw Daahir Good oo ay Xabadi kaga taalo dhabarka, Maxamed Muuse Mooge oo xaaladiisu aad uliidato sanbabka iyo beerka dhexdoodana xabadi fadhido, iyo Xuseen Aw muxumed madar oo ay isagana lugta dhaawac ka soo gaadhay, oo barrito loo qaadi doono Dalka jabuuti.



Guud ahaanba waxa dalka gaar ahaan caasimada Hargeysa ka socda dhaqdhaqaaqyo la doonayo in lagu baajiyo dagaalo kale oo ka dhex qarxa labada beelood ee walaalaha ah ee ay dirirtu ka dhaxayso, kuwaasi oo ay ka mid yihiin: salaadiinta Somaliland, cuqaasha, Culimaa’udiinka, odayaasha iyo dhallinyarta iyaga oo ka xun dagaalkaasi.



Dirirtan dagaalka ayaa ah mid soo noqnoqonaysa iyaga oo deegaankaasi ay beel waliba gaarkeeda u sheeganayso. Inkasta oo ay gudi ay guurtida iska magacaabeen ay dhawaan soo saareen go’aan kama dambaysta ah oo xal u ah dhibaatadan hadana wali arintaasi ma ay noqon mid fulinteeda lagu guulaysto.





Xukuumada Somaliland ayaa iyadu ka gaabisay kaalintii ay ku lahayd wax ka qabashada arintan.


 


LongliveSomaliland News Desk
Hargeysa Office Somaliland