Xaalada magaalada Wajaale oo Degan iyo Wasiiro is ku dayaya inay Xoog u isticmaalaan Qabsoomida Xaflad Taageero Loogu Raadinayo Xisbiga UDUB



Tog-Wajaale (Longlivesomaliland News)- Mudahraad balaadhan oo Gilgilay Guud  aha anba magaalada Wajaale ayaa sakaa halkaasi ka dhacay, kaasi oo lagaga soo  horje eday mashruuc ay xukuumadu u bixisay Taageerayaal ka soo baxay kulmiye ayaa UDUB- ku soo biiraya.

Mudahaardkaasi oo gaystay dhaawacyo fudud oo ka soo gaadhay masuuliyiin ka ti rsan Dawlada hoose Degmada Tog-wajaale oo dhagaxaan lagu weearay saaka  ma rkii ay udiyaar garoobeen inay bilaabaan Xafladii balaadhnayd ee Wasiirada iyo  Bad hasaabku hogaaminayeen oo lagu soo dhawaynayo sida ay sheegeen Taageerayaal ka soo baxay kulmiye.

Guud ahaanba jawiga Magaalada Wajaale ayaa Degan maanta galinkii danbe, ka dib markii la joojiyay Xafladii uu Xisbiga udub ka waday Degmada Wajaale, taasi oo ay Taageerayaasha kulmiye rafeceen saaka subaxdii hore.

Ciidanka Booliska Wajaale ayaa saaka Rasaas ooda kaga qaaday taageerayaashii kulmiye Waxaana la sheegay inay Xabsiga utaxaabeen inta la ogyahay ilaa 11 qof oo iskugu jira gumar iyo ghalinyaro, kuwaasi oo saaka ka dhex muuqday  mudahara adkii lagaga soo horjeeday Xisbul xaakimka udub iyo Xukuumada Daahir Rayaale kaahin.

Xisbiga kulmiye ayaa taageero xoogan ku leh Degmada Wajaale, iyada ay dadwayna Wajaale nacay ay ka qabaan Xisbiga udub iyo Xukuumada Riyaale , koofiyadihii iyo Calankii UDUB uxidhay Ay-da Darbi jiifka ah ee magaalada Wajaale, kaasi oo ay tilma ameen in Taageeradii Xisbiga udub ee Wajaale ay sii hayaan oo kaliya Ey-da nijaasta ah, ee ku dhaqan Wajaale.

Xukuumada Rayaale ayaa isku dayday inay Xoog ku qabato Xaflada taageerada  lo ogu raadinayo Xisbiga udub taasi oo u suuro gali wayday ilaa xalayna ay ku  xanibna ayeen Wasiiro ka tirsan Xukuumada riyaale iyo Maamulka Gobolka Gabiley ee Xisbiga udub.

Maaha markii ugu horaysay ee Xisbiga udub ku hungoobo Wajaale, waxaana caado u noqotay Xisbul Xaakimka udub in dadwayne lacag la siiyay oo la soo ururiyay la yi dhaahdo waxay ka soo bexeen xisbiga kulmiye.

Ciidanka badan oo Gaaf wareegayay magaalada oo laga soo guray Gabiley iyo  waja ale ayaa isku dayaya inay joojiyaan kacdoonka Shacabka wajaale iyo Xisbiyada  isbe del doonka ah, waxaanay mar labaad qorshaynayaan inay Caawa qabsoonto, xaflad ii ilaa xalay suurto gali la,ayd, iyada oo ay Wasiirka Ganacsiga, Wasiiru Dawlaha  haw laha Guud, Badhasaabka Gabiley ay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen sidii ay u qabsoomi lahayd Xafladaasi.



Wixii ka soo kordha kala Soco Shabkada Wararka ee Longlivesomaliland News

 



C/risaaq Aw daahir (C/risaaq Dhago)
Longlivesomaliland News Desk
Tog-wajaale office Somaliland