Xaalada Siyaasadeed ee Taagan & Xalka looga  Fadhiyo  Gola yaasha Sharci dejinta Somaliland

Ilaayo intii uu Madaxweyne Rayaale hogaanka hayey oo ku dhow 6sano iyo Badh , Waxaa dalku galay duruufo aad u adag oo dhinacyo badan taabanaya, intooda badani ay khatar ku hayaan Xoolaha keliya aan ilaashano kuna faano ee nabadgelyada oo ay khataro ku ah waxyaalaha badan oo isbiirsaday ee Xukuumada masuul ka tahay sida Mudo kordhinta markasta inagu soo noqnoqonaysa, iyadoo xukuumadu ku sifowday maamul xumo, musuqmaasaq ,tamaryari , daacad la’aan, wakhti lumis iyo wax is daba-marin ,shaqo abuurisla,aan iwm, loona baahanyahay inay meesha ay baneeyaan mar haday ku fashilanmeen hawlihii loo igmay oo ay ugu muhiimsanayd inay Doorashada ku qabtaan waqtigii loo cayimay dhowr jeer ahayd.

Iyadoo aynu maanta ku soo noqonay khatartii hore oo dalku ku jiro xaalad siyaasdeed oo xalkeedu ay hayaan Golayaasha sharcidejintu , oo ayna dadweynaha Somaliland maqli Karin wax mudo kordhin danbe ah oo loo sameeyo xukuumada jirta oo lumisay kalsoonidii iyo Sumcadii ay ku lahayd bulshada dhexdeeda.



Iyadoo Wakhtiga Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu ay ku eegyihiin 06/04/09 , Umaddanu aanay maanta daafad u hayn Kordhin danbe , loogana fadhiyo Golayaasha Sharcidejinta inay Dastuurku dabaqaan, iyadoo aanay dalka ka jirin xaalad nabadgalyo-daro , lakiin ay jirto xilgudasho la,aan dhinaca xukuumada ah ayna u taalo Golayaasha Sharcidejinta ee sharciga iyo xeerka u xilsaaran ee loo baahnayahay inay illaaliyaan, oo loogana fadhiyo in arrintan go’aan ka gadhaan.

Xukuumaduna ha sugto wixii sharcigu siiyo ,oo ha joojiyaan sharciga sida ay iyagu doonayaan inay u fasirtaan, madaxweyne la soo doortay wuxuu bedelaa xukuumad waqtigeedii la soo doortay si sharciya u dhamaysatay ,idinkuna kordhin ayaad ku jirtaan weli xilgudasho la,aan aad ku helaysaan markasta ,Madaxweynaha iyo ku-xigeenkuna sharci doorasho kuma fadhiyaan , waayo wakhtigoodii la doortay wuu dhamaaday oo wakhti cayiman ayuu ahaa oo xilka loo dhaariyay kiina waqti hore ayuu dhamaaday , sidaas ayaanay sharci ku ahayn ,Xilka doorashaduna iyada ayuu saarnaa dhowrjeerba inay qabato masuuliyadeedana iyada leh ,cid la wadaagtaana ma jirto , marmarsiiyana ma jirikaro, waayo iyagaa(Xukuumada ahaan ) xil weyni ka saarnaa inay doorashadu qabsoonto markasta waqtigeeda.”

Iyadoo maanta Golayaasha Sharcidejinta looga baahanyahay inay Xaqiiqada si dhaba u eegaan oo umaduna ay uga fadhido, laydinkana sugaayo waxaad ka yeeshaan oo uu gacantiina ku jirto xalka Umaddani .

Iyadoo maanta loo baahanyahay in Xisbiyada Mucaaradku ku adkaystaan in aanay saxeexin Heshiis danbe oo Xukuumada wakhtigeedii dhamaaday ku hesho Mudo kordhin kale, ayna laba Xisbi Mucaarad ay dadweynuhu uga fadhiyaan inay ku mideysnadaan mawqif isku mida oo ay umadda danteedu ku jirto diiwaanka taariikhdana u gelaaya .

Iyadoo Dawladda looga baahan yahay in xaqiiqada waajahdo, in ay ku fashilantay wixii loo igmaday oo ay u hogaansamaan sharciyad kasta oo ka soo baxda Golayaasha sharcidejinta ,Iyagoo og in ay Wakhti badan lumiyeen, xilkii waajibaadkoodana ay ka soo bixi waayeen ilaa iminkana aanay weli ka muuqan inay xilkooda ka soo bixi karaan, sharcigii dalkana aanay ku dhaqmayn,ayna u fiicantahayba in iyagu iscasilaan.” .


Mucaaridku waxaa looga baahan yahay in ay ka warsugaan Golayaasha Sharcidejinta oo xaalada siyaasadeed ee dalku ku jiro gacantooda ayna xalkeeda iska leeyihiin, waxaa haboon in cidkasta ay muujiyaan markasta laxejeclada aynu wada leenahay , lagana warsugo Golayaasha Sharcidejinta oo looga fadhiyo in ay xilka culus ee ummadu kalsoonida ku siisay inay miisaankooda yeeshaan,dalkana ka badbaadiyaan Xaaladan Khatarta ah ee markasta ku soo noqnoqonaysa ,iskana ilaaliyaan wax la yidhaahdo Muddo Kordhin danbe oo dalka khatar ku ah.


 

 


Adan yuusuf Elmi

Birmingham , UK